Imaraadka Carabta Oo Kulan Ku Saabsan Balaadhinta Dekeda Berbera La Yeeshay Madaxweynaha Somalia Iyo Xogaha Dahsoon Ku Lamaan Mashruuca DP World.

(SLT-Abudabi)Dhaxal-sugaha Imaaradda Abu dhabi, ahna Abaanduulaha ciidamada qalabka sida ee dalka Isutagga Imaaraadka Carabta Mohammed bin Zayed Al Nahyan ayaa shir jaraa’id oo war-baahinta u qabtay bishan September 25-keedi, waxa uu ku sheegay in dalkiisu heshiis la galay dalalka Soomaaliya iyo Masar, kadib wadahadal ay la sameeyeen dawladda Mareykanka si looga dhiso Magaalada Berbera  Dekad ganacsi oo noqon doonta mida ugu weyn Afrika.

0000000000000000000000000000000000000000000000000000000000000000

Berbera , waxa ay dhacdaa meel u dhaw gacanka Cadmeed oo ah marinka “ Baab Al Mandab” oo ah goob laga go’doomin karo dekadaha iyo Maraakiibta wadamada Djibouti , Yemen, Saudi Arabia, Masar , Saldannada Cumaan iyo Bahrain.

Berbera waxaa Maamula oo ay ku taala Dalka Somaliland oo ka gaar ah waddanka Soomaaliya, balse waxay Dawladda Imaraadku raacisay oo kala xajootay dalka Soomaaliya.

Xukuumadda Somaliland iyo Shirkadda Dekedaha caalamiga ee Dubai ee loo yaqaan DP World  ayaa bishii May, 2016 ku kala saxeexday Magaalada Dubai mashruuc wadaag ah oo ay ku baxeyso lacag dhan $422 Million USD oo dib loogu dhisayo dekadda Berbera, ayna ku maamuleyso shirkaddaasi muddo dhan 30 sano.

Heshiiska Xukuumadda Somaliland iyo sherkada DP World, waxay markale dawladda Imaraadku kala xajootay  Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Dalkaasi Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo Magaalada  Abu dhabi, kulan kula yeeshay  Dhaxal-sugaha Imaaradda Abu dhabi Mohammed bin Zayed Al Nahyan.

Lama shaacin waxa laga wada hadlay kulankaasi shakiga dhaliyay ee qabsoomay, iyadoo qaabilidda Madaxweynaha Soomaliya Xasan Sheekh  iyo Dhaxal-sugaha Imaaradda Abu dhabi Mohammed bin Zayed Al Nahyan   ay u ekeyd wax hareer marsan hannaanka lagu yaqaan diblomaasiyadda iyo hab maamuuska, balse sawirada laga qaaday fadhigii ay yeesheen uu ka tarjumayay in gorgortan hoose la galaayay.

000000000000000000000000000000000000000000000000000000000000000

0000000000000000000000000000000000000000000000000000000000000000

Isla September 25, waxaa Xafiiska Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ka soo baxay War saxaafadeed ku qornaa luqadda “ English” oo uu ku sheegay in haddii dib loo doorto uu ka shaqeyn doono xoojinta waxa uu ugu yeedhay xidhiidhka istiraatiijiyadeed ee dawladdiisu la leedahay Waddanka Isutagga Imaaraat-ka Carabta.

Sida uu dhigaayo heshiiska Dawladda Isutagga Imaaraatka Carabtu ay la gashay Soomaaliya, waxa uu qeexayaa in Imaaraat-ku ay ka aas’aasi doonaan Dekad ganacsi xeebaha Soomaaliya oo kaalin muhiim ka cayaari doonta ganacsiga caalamiga ah.

Fulinta heshiiskaasi , waxa uu ka qeyb qaadan doonaa xoojinta ammaanka marin biyoodka “ Baab Almandab”, halkaasi oo dawladda Isutagga Imaaraat-ka Carabta ay ka dooneyso inay ka sameysato saldhig milatari oo dhanka badda ah .

Waxaa la tilmaamay in fulinta heshiiskan uu ka hor’imaanayo Istiraatiijiyadda Sacuudiga iyo siyaasadeeda ku aadan Marin biyoodka “Baab Almandab”, taasi oo aaney marna ogolaan doonin Dawladda Boqortooyada Saudi Arabia in Dawladda Imaaraat-ku maamusho marin biyoodkaasi muhiim-ka ah.

Waxaa sidoo kale, arrinkan diidmo kala hor’imaan kara wadamada Djibouti, China iyo Ethiopia.

Djibouti iyo Ethiopia waxaa ka dhaxeeya heshiisyo ganacsi iyo mid milatari, waxaana labada dal ay ka heleen taageero dawladda China oo u dhistay khad tareen oo isku xidha Magaalooyinka Addis Ababa iyo Djibouti , si la mid ah Ethiopia waxa ay saanadeeda milatari , raashiin iyo agabyada kale oo ay ku jirto gaadiidka iyo qalabka elektaroonikada ay kala soo degtaa Dekadda Djibouti oo  si casri ah dawladda China ay u dhistay markii dekaddaasi laga caydhiyay Shirkadda DP World oo hore u maamuli jirtay, halka Djibouti iyo Imaaraat-ka xidhiidhkooda diblomaasiyadeed muddo gaaban noqday mid mugdi weyni galay.

Si kastaba ha ahaate iyadoo Xukuumadda Somaliland hore u sheegtay inay DP World iyo Somaliland heshiiska balaadhinta Dekeda Berbera wadagaleen, hadana xogahan cusub iyo kulankan Imaraadka iyo Dawladda Muqdisho ee Xasan Sheekh  ka wadayeesheen balaadhinta Dekeda Berbera, waxay humaag galinaysa wararkii hore ee Xukuumadda Somaliland shacbiga u bahisay.

Somalilandtoday/Hargaysa/Office.