Ilduufka shacabka iyo aramida siyaasiga (WQ: Xuseen-Lucky Maxamed Maxamuud)

Horaantii sideetamaadkii ayay ahayd markii ufadii qiirada siyaasadda lagu kiciyay shacabkii reer waqooyiga ahaa, oo dhagax iyo mudaharaadyo kala hortegay Nidaamkii uu Hogaamiyaha ka ahaa General Maxamed Siyaad Barre, taasoo aakhirkiina midhaheedu noqday Samayntii jabhaddii SNM, kuwaasoo ay daaha-dabadiisa ka Hagayeen siyaasiyiin kazoo jeeday Gobolada waqooyi oo ay Generaal Barre siyaasad ahaan isku dhaceen, nimankaas oo aakhirkii qaarkoodna ay naftoodii dibedda ula carareen, qaarkoodna xabsiga la dhigay.

LAKI

Inta badan, falsafadii lagu  hantay maskaxda dadku waxay ahayd dawankii (jalaskii) qabyaaladda oo ay siyaasiyiintaasi si fiican ugu tumeen shacabkii kazoo jeeday dadkii reer waqooyiga ahaa, iyadoo loo sheegayay in caddaaldii luntay, inaan dadka reer waqooyiga ah loo ogolayn xaqooda, in hantidii umadda ka dhaxaysay qabiil gaar ah iyo kooxo gooni ahi ku takri falayaan, iyo in dawladnimaddii umadda ka dhaxaysay la qabiileeyay, laakiin, arimahan oo qudha may ahayn wixii shidaaliyay kacdoonkii waqooyiga, ee waxaa iyana qayb weyn ka ahayd, xirfad la’aantii siyaasadeed iyo hab-dhaqankii badawnimo  ee General Barre iyo intii ku xeerayd ku wajaheen aamusiintii shacabkii reer waqooyiga, taasoo ahayd xadhig, dil, cabudhin, iyo dhac, waxaanay taasi si fudud ugu markhaati furtay wixii siyaasiyiintii mucaaridka ahaa ay horey ugu shubeen maskaxaha shacabka reer waqooyi.Dhab ahaantii,  arinta Generaal Barre iyo intii la talinaysayba seegtayna waxay ahayd inuu dhamaanba hay’adihii Sarsare ee dawladeed ee goboladii waqooyi usoo magacaabo madax kazoo jeeda iyaga sida badhasaabadii, Taliayayaashii Ciidamada ee kala duwanaa sida Miletriga, Booliiska, Asluubta, Nabadsugida, halkii uu Moorgan, Buule,  Gaani, Cadceed,  iyo Cabdicasiis Cali Barre usoo dirayay, kuwaasoo qayb weyn ka qaatay sii holcintii dabkii shidmay, taasoo guul u ahayd Jabhaddii SNM, waayo, caddaadiskii la saaray shacabka ayaa keenay in SNM hesho taageeradda shacab badan oo aan horey ula dhacsanayn fikirkooda.

Dhicitaankii General Barre iyo nidaamkiisii, waxay horseeday in Jabhaddii SNM ay soo gasho goboladii waqooyi, iyagoo halkaas kaga dhawaaqay inay ka go’een Soomaaliya inteedii kale, samaystayna maamul u gaar ah oo uu Madaxweynihii ugu horeeyay ka noqday Mr. C/raxmaan Axmed Ali, ilaahay ha u naxariistee, nasiib darro, siyaasiyiintii Jabhadii SNM ubucda u ahaa waxay ku guuldaraysteen inay la yimaadaan nidaam ka gedisan kii ay General Barre kaga horyimaadeen, waxaana isla markiiba bilaabmay colaado Ahli ah oo ay dad badani ku naf waayeen, qaar badani ku naafoobeen, qaar kalena ay ku barakaceen, hanti tiro badanina ay ku burburtay, mana jirin siyaasi qudha oo isagu colaadahaas ku dhintay, balse, cidda ku hoobatay waxay ahaayeen shacab weynihii asaaska u ahaa halgankii SNM iyo inamadii soo dagaalamay oo iyagii markale ay iska hor keeneen siyaasiyiintii horey holaca naareed usoo geliyay.

Si kastaba ha ahaatee, wax kasta oo dhacaa waxay aakhirka ku danbeeyaan oo ay galaan bogga taariikhda, iyadoo dadka ahlu-caqliga ahi ay jiilba jiil u gudbiyaan si ay casharo uga bartaan, uguna cibaaro qaadaan, hadaba, Su’aasha isweydiinta lihi waxay tahay, shacabka reer Waqooyigu maxay ka barteen Siyaasiyiintooda? Tusaale ahaan, Madaxweyne Siilaanyo, wuxuu ahaa hogaamiyihihii ugu waqtiga dheeraa ee SNM usoo hogaamiyay, maantana, wuxuu madaxweyne ka yahay Somaliland oo musuqmaasuq, caddaald darro, iyo maamul xumo diloodeen, inammo-yaryar iyo dumar xilal loo dhiibay ayaa milyan-neero ka noqday cashuurtii saboolka iyo danyarta laga qaaday, iyadoo masuul kastaa uu boqor ka noday halkii uu maamulayay, cid la xisaabtan-taana ma jirto, markaas, Axmed Siillaanyo iyo inta la midka ahi maxay usoo dagaalameen?

Maxaa loo burburiyay magaalooyinkii quruxda badnaa ee Hargeisa, Burco, Berbera iwm? Maxay u dhinteen, una naafoobeen kumaankii wiil ee baarcadda ahaa? Ma in Musuqmaasuq lagu bedelo musuqmaasuq? Ma in Caddaalad darro lagu bedelo Caddaalad darro? Ma in Quus iyo rajo xumo lagu bedelo hubanti la’aan iyo Jaahwareer? Yaa garanaya? Waxaa arimahan jawaabtooda ina Siinaysa Tuducyadan soo socda ee uu tiriyay Abwaan Haadraawi oo ah sidan:- WAXA LAYSKU DILAYAA, XIL DARYEELIDIISIYO, DAD U HIILIN MAAHEE, GEENYADA DAKAANKA AH ANNA AAN  DUL BUUXSHOO, DALA’SADO MARKAYGOO, DAADKA AAN KU DHAAFEE IGA SOO DEG WEEYAAN, waana intaas, asalka dhibaatada Soomaliya horey u burburisay, ilaa iyo maantana taagani, dawadeeduna waa shacabka oo bisayl wadaniyadeed la yimaada, kana qaalib noqda siyaasiyiinta danaystaha ah ee ay reernimada iyo qabyaaladda ugu rahman yihiin, haddii kale xaalkeenu waa: ILLEYN DOQONI QIIQ KAMA KACDEE, DAAMANKEY MEERMEERISAA.

Wa bilaahi Towfiiq

Qalinkii: Xuseen-Lucky Maxamed Maxamuud, Burco.

Email, husseinlucky@hotmail.com