Ilaa Tuug Wuxuu Cuno Latabo Waa Tabtii Hore (W/Q: Mahad Muxumed C/Salaam)

Masiirka umada iyo horumarintiisa waxa u xil saaran masuuliyiinta kala duwan ee dawlada
Waxaanay shaqadoodu tahay inay dalka horumar gaadhsiiyaan sidaa darteed waxa lagama maar maan ah in la xusho xilkas daacad ah cadaalada yaqaan aqoon u leh shaqada loo dirayo mufakirna ah oo hiigsi dheer leh.
Way kala duwan tahay marka aad naftaada u

shaqaysanayso iyo marka aad qaranka u shaqaynayso. Waayo badi qofwaliba dantiisa gaarka wuu ka shaqayn og yahay laakiin markay noqo dan caama qofku inta badan culays badan ma saaro waayo wuxuu tirsanayaa inaan manfac gaar ahi kasoo galayn.
Ilaa intii somaliland jirtay dadweynuhu mawalba waxay ka cawdaan kolba xukuumada xilka haysa dhaliishuna mayara.

Marka loo kuurgalana way jireen wax laga garaabo iyo waxaan garawshiyo lahayn.
Guud ahaan waxay kusoo ururaysay in somaliland dadka u taliyaa hagradeen oo halka maanta ay joogto ay ka fiicnaan karaysay haddii lagu tabco.

Waxa inta badan soo noqnoqota hadalhaynta ah miyaad aragtay hebel shalay waxba muu hayn markii lamagacaabayna wuxuu dhistay dhawr guri xaguu ka keenay waa xoolihii umadee.
Ilaahay ayaa xaqiiqada og laakiin waxay muujinaysaa in uu dayac jiro.
Xukuumada dhawaanta uu dhisay madaxweyne muuse ayaa aad loo eegayaa
Bal waxa ay bedesho iyo in ay ku shaqeeyaan nidaam isla xisaabtan uu jiro
Horumarkuna uu garab socdo
Haddii kale xaalku waa tabtii hore

(Email: saabirmmc@gmail.com)