IRAAN: Gabadh Dishay Nin Kufsanayey Oo La Daldaley

(SLT-Tahran) – Dowladda Iran, ayaa  maanta xukun daldalaad ah ku fulisay Reyhaneh Jabbari.

Reyhaneh, oo ahayd 26 jir, ayaa xukunka lagu fuliyey ka dambeeyay, ka dib markii sida lagu eedeeyay ay dishay nin shaqaale ka ahaa guriga qoyskeeda, kaasi oo isku dayey inuu faro xumeeyo.

Gabadhaan, ayaa ciidamada ammaanku xidheen sanadkii 2007,  markii lagu qabtey Mindidii ay ku dishay ninka u shaqeynayay. Dilkaasi oo yimid markii uu isku dayey in uu kufsado.

Maxkamada Tahraan, ayaa sheegtay in Reyhaneh Jabbari ay Maxkamadda ka hor qiratay inay dhabarka mindi ka gelisay ninka dhintey, laakiin uu dilkaasi dhameystiray qof kale oo guriga ku sugnaa.

Maxkamadda, ayaa xaqiijisay in Reyhaneh Jabbari ay qiratay inay dilka geysatay, isla-makaana ay ku xukuntay xukun dil daldalaad ah, taasoo ay dunidu ka hor timid.

Reyhaneh Jabbari

Qaramada Midoobey, ayaa hore ugu baaqdey in dawladda Iiraan dib u dhigto kiiska gabadhaan ama la iska cafiyo, maadaama oo dilku dhacay xilli ay iska difaaceysay kufsi. Laakiin xukuumadda Madaxwayne Hassan Rouhani ayaa taasi iska dhago marisay isla-markaana maanta xukunkaasi fulisay.