“Idin-Kumaan Imman Dhaqasho(WADDANI), iyo Dhiil Madhan Ee Waxaan Idinla Imi Maan Iyo Maskax Cullan…” Siyaasi Cabdiqani Abiib SAMAALE

Siyaasi Cabdiqani Abiib SAMAALE ayaa sheegay inay dadku wada WADDANI yihiin, dabayshuna dhinaca WADDANI u socoto, isla markaana dadku ka yaacayaan Xisbiga KULMIYE oo laga rajo dhigay.

Sidaa waxa uu Cabdi-qani Abiib Samaale ku sheegay mar uu maanta khudbad ka jeedinayay Xaflad Xisbiga WADDANI ku soo dhaweynayay taageerayaal ka soo diga-rogtay Xisbiga KULMIYE.

“Aniga oo ka mid ah Dhalinyrada fir-fircoon ee Gobolka GABILEY, gaar ahaan degmada ALLEY-BADEY waxaan halkan ka shaacinayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 15 October 2017 inaan maskaxdayda, maalkayga, iyo garashadayda aan ku biiriyo Xisbiga hirka iyo hilaada ee WADDANI. Dadku waa wada WADDANI dabeyshuna waxay u socotaa dhinaca waddani, Xisbiga WADDANI waa Xisbiga rajada oo umadda reer Somaliland Wada naawilayso. Sidaa daradeed shacabka reer Somaliland waxay wakhtigan u baahan yihiin is-bedel is-bedelkuna waa Xisbiga WADDANI, is-bedelku maaha KULMIYE kulmiye ku bedel, Xisbiga KULMIYE iyo inta rajada ka qabtaa ha ku quus-qaataan is-casilaada Mawada kowaad ee Somaliland Marwo Aamina-Weris iyo Xildhibaan Nacnac iyo hadalkii Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi ee ahaa “Qaran Kuma dhismo Qoys iyo laba qoys oo xulafo ama jeegaan Noqda ee Mid ka ballaadhan….”.

“Idinkumaan imman dhaqasho(WADDANI), iyo dhiil madhan ee waxaan idinla imi maan iyo maskax cullan oo ka dhalatay faq iyo fagaare aan naftayda kula showray oo waxaan ballan-qaadayaa inaan Xisbiga WADDANI cuddud iyo caqli aan ku soo biiriyo. ILAAHAYNA waxaan ka baryayaa inuu doorashada soo socota ee Madaxtooyada nagu guulleeyo”.Ayuu yidhi Cabdi-qani Abiib.

Hoos ka DAAWO hadalkii Samaale.