Idaacada BBC-da Oo Raali-galin Ka Bixisay Warar Ay Ka Baahisay Somaliland.

(SLT-Hargeysa)-Idaacada BBC-da baahinteedi maanta waxaa ay raali-galin buuxda kaga bixisay khalad iyada ka dhacay kaas oo ku saabsanaa warbixin ay ka diyaariyeen halka uu ka bilaabmay colaada u dhaxaysa Somaliand iyo qoomiyada Oromada.

Talaabadan waa tii ugu horreysay ee ay raaligalin kaga bixiso war ay Somaliland ka baahisay, kaasi oo ay ciwaan uga dhigtay “Maxay salka ku haysaa colaadda Oromada iyo Soomaalida” lana soo geliyay mareegta www.bbcsomali.com gelinkii dambe Sabtida 16-ka Sept ayaa maqaalkaas lagu sheegay in colaaddani ka bilaabantay amma ay sabab u ahayd laba qof oo Oromo ah oo lagu dilay Hargeysa dalka Somaliland.

Somalilandtoday/Hargeysa/Office