Horyaalka Ingiriiska Oo Maanta Furmaya iyo Kooxaha Lagu Furi Doono.

Arsenal ayaa Emirates Stadium ku soo dhawaynaysa kooxda Leicester City iyada oo kulankani uu furitaan u yahay xili ciyaareedka cusub ee 2017/18. Sugitaankii dhawrka bilood ahaa ee horyaalka Premier Leaque ayaa ugu dhawaan soo dhamaaday, waxaana caawa Emirates Stadium layskugu taaban doonaa kubbada ugu horaysa ee xili ciyaareedka cusub. Si la mid ah xili ciyaareedkii hore Gunners ayaa nasiib u heshay in ay ka soo muuqato kulanka xili ciyaareedka ugu horeeya.

Arsenal ayaa haddaba sii bilaaban doonta dagaalka xili ciyaareedka cusub ee horyaalka Premier leaque iyada oo Arsene Wenger uu tan iyo 1996 kii markii ugu horaysay uu xili ciyaareedkii hore ku soo fashilmay in uu afarta kaalmood ee sarre u soo saaro kooxdiisa, wuxuuna hadda maanka ku hayaa in kulankastaaba uu muhiimad khaas ah u yeelan doono si uu Gunners dib ugu soo celiyo kaalmaha sarre.

Kulanka Premier leaque furitaanka u ah ee kooxaha Arsenal iyo Leicester City ayaa lagu bilaabi doonaa dhaqan galinta sharciyo cusub oo xili ciyaareedkan lagu soo kordhiyay waxaana ka mid ah in ciyaartoygii si ula kac ah rekoodhe been ugu raadiya ay guddi 13 xubnood ka koobani ay go’aan ka gaadhi doonaan iyada oo haddii danbiga lagu helo uu laba kulan oo ganaax ah mari doono.

Sidoo kale markii ugu horaysay dhakhaatiirta kooxaha ayaa fursad u heli doonta in goobta ay fadhiyaan loo soo dhigi doono shaashado muuqalka dhaawacyada ciyaartoyda ay isla ilbidhiqsiyo dib ugu daawan karaan si xaalada iyo qaabka uu dhaawacu u soo gaadhay ay u qiimeeyaan.

WARARKA LABADA KOOXOOD:

Arsenal waxaa kulankan ka maqnaan doona Alexis Sanchez, Gabriel Paulista iyo xidiga uu mustaqbalkiisa dhaawucu ragaadiyay ee Santi Cazorla kaas oo aan la garayn waqtiga uu garoomada ku soo laaban karo. Waxa kale oo uu Arsene Wenger xaaladooda hubin doonaa xidigaha dhaawacyada qaba ee Mertesacker (madaxa), Shkodran Mustafi (taam buuxa ayuuna ahayn), Mesut Özil (canqowga) iyo Aaron Ramsey (kubka).

Waxa kale oo Arsenal ganaax kaga maqnaan doona difaaca dhexe ee Laurent Koscielny kaas oo ku jira ganaaxa kulankii labaad ee saddex kulan oo lagu ganaaxay. Mertesacker ayaa ka soo kabsan kara dhaawicii madaxa ka soo gaadhay kulankii Community Shield taas oo haddii kale Wenger dhibaato difaac ku abuuri karta.

Waxaa kulankoodii ugu horeeyay ee Premier Leaque caawa Arsenal ka soo muuqan doona saxiixyada cusub ee  Sead Kolasinac iyo Alexandre Lacazette inkasta oo aan la filay in labaduba ay shaxda Arsene Wenger ku soo wada bilabaan karaan.

Dhinaca kooxda martida ah waxaa dhaawac suulka ka soo gaadhay ka soo kabsatay saxiixa cusub ee Kelechi Iheanacho kaas oo ay Foxes kala soo wareegtay Manchester City. Drinkwater, Robert Huth iyo Iborra ayaa dhamaantood la filayaa in ay kulankan seegi doonaan halka Harry Maguire uu kulankiisii ugu horeeyay ee Premier leaque uu Leicester City u ciyaari doono.

XOGTA KULANKA:

Tartanka: Premier Leaque

Kulanka: Arsenal Vs Leicester City

Garoonka: Emirates Stadium

Waqtiga: 9:45 Habeenimo Ee Saacada Barriga Afrika

Garsooraha: Mike Dean

SHAXAHA MACQUULKA AH EE LABADA KOOXOOD:

KAYDKA MACQUULKA AH EE LABADA KOOXOOD:

Kaydka Macquulka Ah Ee Arsenal; Ospina, Gibbs, Chambers, Jenkinson, Mustafi, Kolasinac, Ramsey, Wilshere, Maitland-Niles, Willock, Özil, Nelson, Reine-Adélaïde, Walcott, Pérez, Giroud

Kaydka Macquulka Ah Ee Leicester: Jakupovic, Hamer, Gray, Iheanacho, Chilwell, King, Mus