Hooyo Soo Afjartay Cunno Ka Soomid Ka Dib Markii Maxkamad La Soo Taagay Nin Dilay Wiil Ay Dhashay.

(SLT-Nebal)-Haweeneey u dhalatay wadanka Nebal ayaa soo afjartay cunno ka soomid ay waday ku dhawaad muddo sanad ah, kaddib markii ay dowladda dalkaasi ogolaatay in ay maxkamad soo taagto dadkii dilay wiilkeeda.

Wiilkaas ayaa la dilay toban sano ka hor, waxaana laga shakisan yahay in dilkiisa ay ka danbeeyeen xubna ka tirsan jabhadii Maoist-aha, oo hadda ka tirsan baarlamaanka dalkaasi.

Ganga Maya Adhikari ayaa bilowday cunno ka soomideeda 355 maalmood ka hor, iyada iyo saygeeda, waxa ayna dalbanayeen in cadaalada la horkeeno cidii ka danbeeysay dilka wiilkeeda, oo la afduubtay sanadkii 2004-tii.

Meydkiisa ayaa laga helay degmada Chitwan.

141019033130_nepal_women_512x288_bbc_nocredit

Dowladda ayaa hadda ballan qaaday in ay maxkamad hor keeneyso kuwa dilka geystay, ayna bixineyso kharashaadka caafimaad iyo kan sharci ee ku baxay Ms Ganga.

Saygeeda, oo lagu magacaabo Nanda Prasad, ayaa Cisbitaal ku dhintay bishii la soo dhaafay.

Kiiskan ayaa muujinaya boogaha uu reebay kacdoonkii ay tobanka sano wadeen jabhada Maoist kaas oo ay ku dhinteen dad tiradoodu ay dhantahay 13,000 oo qof.

Dad badan ayaa weli sugaya in ay helaan war ku saabsan qaraabadooda oo lagu waayey kacdoonka, halka qaarna ay doonayaan in baadhitaan lagu sameeyo xadgudubyada bani’aadanka ka dhanka ah ee dhacay.

images (1)

Somalilandtoday\Hargeisa Office

Contact@Somalilandtoday.com