TOGDHEER: Hooyo Iyo Ilmo Ay Dhashay Oo Harraad Ugu Geeriyooday Deegaan 8KM U Jira Burco

(SLT-Burco)-Xaaladda Abaareed ee Gobollada Bariga Somaliland, ayaa sii adkaanaysa, waxayna gaadhay in Hooyo iyo Ilmo ay dhashay Harraad ugu Geeriyoodaan Duleedka Galbeed ee Magaalada Burco ee Gobolka Togdheer.

Warka HooyadaJaamac Siciid Nuur oo ah Aabaha ay ka Geeriyoodeen Xaaskiisa iyo Ilmihii ay dhashay, ayaa sheegay in Xaaskiisa iyo Ilmihii ay dhashayba u Geeriyoodeen Caafimaad-darro iyo Harraad, maaddaama oo deegaankaasi ka mid yahay meelaha Abaarta Culus ka jirto.

“Waxaanu joognaa deegaanka Ceesha oo 8KM Galbeedka ka xiga Magaalada Burco. Waxa iga Geeriyooday Xaaskii iyo ilmihii ay dhashayba, waxayna u dhinteen Caafimaad-darro iyo Harraad.” Ayuu yidhi, Aabbo Jaamac Siciid Nuur oo u warramay Weriyeyaal booqday, waxaanu intaa ku daray in deegaankooda oo Abaar ba’ani ka jirto lala dhaafo gurmadka loogu talo-galay Dadka Abaareysan ee ay ka midka yihiin, “Arrinkii yimaaddaba (Gurmadka Abaaraha) Ceesha waa lala dhaafaa.”

Haydhka Tuulada Ceesha oo isaguna halkaa ka hadlay, ayaa sheegay, “Dadkaasi waxay u Geeriyoodeen Harraad, Gaajo iyo Caafimaad-darro. Abaartuna waxay noo saamaysay si ballaadhan, Dadka iyo Xooluhuba Raashin bay doonayaan. Cid Alaale iyo Cid og Dadkaasina ma jirto.”ayuu yidhi.

Haweenay ka mid ah Dadka ku dhaqan deegaanka Hooyada iyo Ilmaha yari ku dhinteen, ayaa sheegtay in Raashinka iyo Biyaha loogu talo-galay Gurmadka Abaaraha lala dhaafo, Waxayna tidhi, “Raashinka iyo Biyaha waxa la geeyaa Dhul fog oo aan la gaadhi karin, laakiin oo ay na hayso Gaajo, Harraad iyo Dar-xumo waalla nala dhaafaa.”

Haweenaydu waxa kale oo ay sheegtay, “Waxa naga Geeriyootay Hooyo Umal ah iyo Ilmihii ay dhashay, illaa Xilligaa ma hayno Biyo aan Meydkooda ku maydhno.” Ayay tidhi.

Xildhibaan Kayse oo ka mid ah Golaha Deegaanka Burco oo isaguna ka mid ah tagay deegaanka Ceesha ee Hooyada Umasha ah iyo Ilmihii ay dhashayba ku Geeriyoodeen, ayaa Maamulka Gobolka Togdheer ku eedeeyay in aanay wax War ah ka heynin halkaasi, “Aaskaa aanu joognaa waa Hooyo ummul aroortay iyo ilmihii ay dhashay oo isna Geeriyooday, Dadkaasi waxay u dhinteen waa Harraad. Waxaan filayaa haddii laba Qof ay ku dhinteen bariga inay Somaliland oo dhami iman lahayd, laakiin halkan Cid Maanta u soo gurmatay oo Maamulka Gobolka ka timid ma jirto. Ilaa deegaanka Kal-barre waa Qofkii 12-aad ee ku dhinta (Abaarta).” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray oo uu Guddida Abaaraha ee Gobolka Togdheer ku eedeeyay in aanay dhexdhexaad ka ahayn Gurmadka loo fidinayo Dadka Abaareysan.

Dhanka kale, Maamulka Gobolka Togdheer oo aanu isku daynay inaanu wax ka waydiino eedaymaha loo soo jeediyay, ayaanay noo suurto-gelin inaanu khadka Telefoonka ku helo.

Somalilandtoday/Hargeysa/Office