Hoggaanka Xisbiga KULMIYE Iyo Garabka Siyaasiyiinta Isbaahaysiga Oo Is Dhaafsaday Hadalo Kala Durugsan.

(SLT-Hargaysa)Hogaanka xisbiga Kulmiye iyo Garabkii Isbaahaysiga dimuqoraadi doonka Kulmiye,  ayaa is dhaafsadey weedho kala duwan, isla markaana garabkii awooda badnaa ee Wasiiradda xuskuumadda Axmed Siilaanyo, ayaa ku gacan saydhay hadalka soo baxay xisbigaas, kuna tilmaamey been abuur.

hqdefault

Xoghayaha Guud ee xisbiga talladda dalka haya ee KULMIYE,  Xasan Siciid Yuusuf oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa, ayaa carabka ku dhuftay in qaar ka mid ah saddexdii murashax ee xisbiga Kulmiye loo diiday shirkii lagu doortay Muuse Biixi iyo Saylici ay heshiiyeen.“Murashixiintii xisbiga Kulmiye u tartamayey, shirkiina ka maqnaa oo dhawr ahaa, raggaasi ma jirto haba yaraatee may odhan waanu ka baxnay xisbiga Kulmiye.Waxaanu ugu talo galnay innaanu isku soo ururino xisbigii Kulmiye, waxaana ugu talo galnay, ragaasna qaar  ka mid ah waxay ka mid ahaayeen aas aasayaashii, miisaan culusna ku lahaa  xisbiga Kulmiye iyo xukuumaddaba. Wada hadalkiina is afgarad ayaa laga wada gaadhnay, raga kalena waxaanu doonaynaa innaanu wada hadal la yeelano oo qaar dad ban iyo qaar toosan-ba way noo wada socdaan oo aanu xisbi ahaan ku wada dhamaysano ayaanu doonaynaa.”ayuu yidhi xoghayaha Kulmiye Xasan.

Geesta kale, Wasiirkii hore ee  iska Casilay xukuumadda Axmed Siilaanyo Xuseen Axmed Caydiid, ayaa sheegay innaaney aq-baleyn, raaci doonina go’aankii ka soo baxays shirkii lagu doortay Muuse Biixi iyo Madaxweyne ku-xigeenka Cabdiraxmaan Saylici, isla markaana wuxuu xusay in dhawaaqaasi uu yahey mid mara habawsan. “Xoghayaha Kulmiye su’aashiisa, anigu maanta halkan ka sheegi maayo. Haddii aanu nahey is baaheysiga dimuqoraadiga xisbiga KULMIYE. waxaynu og nahey in la jabiyey shuruucdii u yaaley xisbiga Kulmiye. Maheyno meel uu ku saxey xeerarkii iyo wada tashigii xisbiga Kulmiye ee uu burburiyey, hadday doonayaan innay nala xaalan manaanu rabin. Haddii iyagu ay is arkeen rag ka mid ah isbaaheysiga, way is arki karaan waana suurta gal. Gurubkayagu wuu isku soo noqonayaa oo markaanu talo isugi nimaadno meel ay ka jirto shuruuxdii xisbi iyo cidda hugaamin karta dalkaan ayaanu tegaynaa.”ayuu yidhi Xuseen.

“Ma aq-balaayo innaan siddii neef xoola ah oo gabal meel ugu dhacay oo kale daba galo shirkii lagu doortay Muuse Biixi iyo Saylici ceeb ayey taasi igu noqonaysaa, raga kalena waa ila mid. Haddii ay cid heleen, waa nasiib kood, waana hubin doonaa, markaas waxa taas beenayn doona inta kalena way ku daba jirtaa.”

Sidoo kale, Xuseen Axmed Caydiid, wuxuu sheegay in Guddi loo saarey wada hadalkii u dhaxeeyay xisbiga mucaaridka ah ee Waddani waxaanuu yidhi,“Wada hadaladii u furmay Isbaaheysiga Kulmiye iyo xisbiga Waddani Guddi ayaa loo saarey oo hoos ayaa loogu sii dhaadhacayaa. Sidoo kale siyadana waxa wada hadal noo socdaa xisbiga UCID. Anigu waxaan ogaysiiyey xalay Guddoomiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Cirro inuu soo qabsado waqtiga aanu qaabileyno, taasina waa todobaadkan gudihiisa. Markaa waa wax ka fog xaqiiqda waanu soo xeragalinaynaa garabka isbaahaysiga Kulmiye. Ninka yidhi cid ayaanu af isla gaadhnay, isaga ayaa laga rabaa innuu yidhaahdo waa hebel. Wax kale qaybsan oo jiraa ma jirto,mana damaan qadaayo in cid naga hadhayso.”

Hadalka ay is dhaafsadeen hoggaanka Xisbiga KULMIYE iyo garabka siyaasiyiinta Isbaahaysiga Dimquraadi doonka KULMIYE ayaa ku soo beegmay xili ay shegeen Isbaahaysigu inay Wadahadal la furayaan Xisbiga Mucaaridka ah ee WADANI oo tartan xoogani ka dhaxeeyo Xisbiga KULMIYE.

Somalilandtoday/Hargaysa/Office.