Hoggaamiye Xirsi Cali, Waa Nin Dhalinyaro Ah Oo Aragti Fog Leh, Karti Iyo Dedaalna U Dheeryahay

Hoggaamiyaha ruuxiga ah ee xisbiga waddani xirsi cali x xasan waa nin dhalinyaro ah oo leh karti,aqoon iyo waayo aragnimo siyaadeed oo balaadhan kuna salaysan waxqabad,daacadnimo iyo caddaalad.


Hoggaamiye xirsi waxa lagu xasuusta waxqabad mug iyo miisaan leh oo uu dalka ka hirgeliyey intuu ahaa wasiirka madaxtooyadda jsl,wuxuuna ahaa furaha waxqabadka iyo halbeeg ay ka muuqatay firficooni tusaale wanaagsan oo xambaarsanaa yiddidiilo horusocod iyo daacadnimo ku ladhan tahay.
Waxaana lagu xasuustaa waxqabadyo tiro badan oo uu gadhwadeen ka ahaa oo si hufan u hirgalay kuwaas oo ku duugan xusuusta iyo quluubta shacabka somaliland,waxaynu ka xusi karnaa waddada ceerigaabo ah halbawle muhiim ah iyo xuddun isku xidha

gobolada bariga iyo dalka intiisa kale oo dhibaato baahsan ay ku qabeen gaadiidka maraya iyo dadweynuhuba taas oo carqalad ku noqotay in gobolka sanaag khayraadkiisu taabbogal noqon waayey sababo dhinaca waddo xumo horseed u ahayd
Oo gobolkaas curyaamisay wax soo saarka uu qaniga ku yahay bulshada faa’iido ballaadhan ka heli lahaayeen.
Hase ahaatee markii xirsi cali x xasan oo soo jeediyey dhagax dhigga waddaas iyo ka qayb qaadashadeedaba wuxuu kala kula mucaaraddad xooggan oo guddo iyo dibeddba hadhaysay haba ugu darnaadaan mucaaridkuye oo arkayey riyo aan rumoobayn iyo dhalanteed aan cilmi badan ku dhisnayn oo xukuumaddu ku fashilmi doonto.
Hase ahaatee,Xirsi cali wuxuu ahaa madaale hawl kar ah oo danta qaranka dhexda u xidhay ka midho dhalinteeda,culayska iyo caqabadahaas ay maleegayeen warxume tashiilku dhab ahaan indhaha ayuu ka qarsaday balse dedaalkiisii ayuu laba jibaaray isagoo hadafkiisa iyo hiigsiga qaranka ku xisaabtamaya,waxaana indhaha shacabka soo jiitay madaxweynaha qaranka mudane axmed siilaanyo oo dhagax dhigaya wadada ceerigaabo.
Wixii intaas ka dambeeyey waxa bilaabmay cahdi cusub iyo rajo wanaagsan oo wax wada qabsi salka ku haysa oo ay muujiyeen shacabka somaliland guddo iyo dibbedba iyadoo ay bilaabantay olole qaadhaan ururin ah oo si xawli ah marba marka ka dambaysa kor ugu sii kacayey oo dadweynehu abaabulayeen.
shacabku waxay aamineen in isku tiirsanaan iyo iskaashiguba ay udub dhexaad u yihiin horumarka ay bulsho ku tallaabsato iyadoo aan shisheeye gacmaha la hoorsan taasina aanay ahayn calaamadaha lagu gaadho horumar waara iyo yoolka qaran leeyahay ka midho dhalinta himilada fog ee dal dhaqaalihiisu hooseeyo kor u qaadista kaabayaashiisa dhaqaale aasaas u noqon karta.
Dadweynaha jsl si hagar la’aan iyo isku duubni ah ayey u muujiyeen dareenkooda waddaniyadeed, halka ku dhigga mudane xirsi addeegsanayey ayaa ahaa “adoo ceelka qodan kara
Haw cabanin qayrkaa” taas oo micneheedu u muuqdo maahmaahda tidhaahda,biyo sacabadaadaa lagaga dhergaa.
Hayaankii dheeraa iyo hilinkii toosnaa ee xirsi hormuudka u ahaa wuxuu haatan u muuqdaa mid gunnaanad ku dhow oo masuuliyiintii xilka uga dambaysay ay dhaqaajintiisa ku guuldaraysteen.
Hoggaamiye xirsi maanta waa astaan u taagan isbedel inuu dalkan ka hanaqaado,marka la gaadho xilliga doorashada madaxtooyadda oo la filayo inay dalka ka qabsoonto bisha november bilawgeeda,waana masuul u damqada bulshadiisa isla markaana heegan ugu jira inuu dalku gaadho horumar waara iyo mustaqbal ay ku diirsadaan bulsha waynta soomaliland oo wakhti xaadirkan ay naafeeyeen sicirbarar iyo hoggaan xumo ay sabab u yihiin masuuliyiinta xukuumadda maanta jirtaa xilalka u dhiibtay oo ku guuldaraystay inay si hufan bulshada ugu shaqeeyaan.
yaasiin beerqabooje.
Allaa mahad leh
Xuubsireed11@gmail.com