Hoggaamiyaha Xisbiga Waddani Oo Si Adag Uga Hadlay Xadhig Lagula Kacay Muwaadiniin Iyo Caga-jugleyn Lagu Hayo Dad Barakacayaal Ah, Eedona U Jeediyey Badhasaabka Togdheer

(SLT-Burco)Hoggaamiyaha xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa badhasaabka gobolka Togdheer iyo xukuumada Kulmiye eedo uga soo jeediyey xadhig lagula kacay muwaadin Beeldaajiye Xandule iyo dadka abaaruhu soo barakiciyeen ee jooga goobaha dadka soo barakacay ee Aadan Saleebaan ay ka midka tahay oo loogu hanjabo in Cagaf la galinayo.

Xirsi Cali Xaaji Xasan, Hoggaamiyaha xisbiga Waddani waxa uu sidaasi ka sheegay khudbad uu u jeediyey taageerayaasha xisbiga Waddani oo maanta isku soo bax balaadhan ka dhigay magaalada Burco oo uu safar ku joogo Musharaxa Xisbigaasi Dr Cabdiraxmaan Ciro.

Hogaamiyaha xisbiga Waddani, Mr Xirsi oo arimahaasi ka hadlayaana waxa uu hadalkiisa ku bilaabay oo uu yidhi “Insha Allaahu tacaalaa, guushii toban maalmood ayaa inaga xiga, guusha weynu u samraynaa. Waxa aan ku celinayaa hadalkii maalintii hore aan halkan ka idhi ee ahaa hadii aynu nahay reer Waddani ha la ilaaliyo anshaxa doorashada, aynu ilaalino nabadgalyada, waad arkaysaan duruufta jirta oo masuuliyiintii gobolka joogay ayaad dareemaysaan in iyagu qaskii bilaabayaan, waxaan leeyahay nabadgalyada ha la ilaaliyo.

Waxa la xidhay muwaadiniin uu ka mid yahay Beel-daajiye Xandule, sabab iyadoon lagu xidhin oo gaadhigiisii waliba la burburiyey ayuu xidhay guddoomiyaha gobolku intaas oo kaliya kumuu dayn, shalayto waxaanu soo marnay goobaha ay dadka soo barakacay (IDP) ay joogaan ee Aadan Saleebaan iyo meelo la mid ah ayaanu soo marnay, waxa dadkaasi ay ka cawdeen oo iyagoo toos ah aad daawan doontaan oo tilmaamaya inuu ku yidhi Badhasaabku cagaf ayaan idin galinayaa, waa dadkii oo ka cabanaya oo leh cagaf ayaan idin galinayaa, maaha dareen intaas oo kaliya ku jooga, waa shalayto markii ay halkan ka lahayd masaakiinta maxaa wax loo siinayaa, waxay leeyihiin maxaa masaakiinta loo caawinayaa, dadkii masaakiinta ahaa waa loo hanjabayaa, muwaadiniinta ayaa la xidhxidhayaa iyadoon xaq loogu lahayn, waxaanu cambaaraynaynaa oo aanu aad uga soo horjeednaa muwaadiniinta lagula kacay xadhiga. Beeldaajiye Xandule muxuu u xidhan yahay waa xaqdaro, qalad ayuu u xidhan yahay, waxa aanu ka soo horjeednaa ficil kasta oo muwaadiniinta lagu dhibaataynayo oo lagu dhaawacayo oo lagu xadgudbayo waanu ka soo horjeednaa.

U fiirso uun hadaad doonayso Kulmiye uun, hadalkii u dambeeyey ee Maansooor dooda loogu qabtay, Muuse Biixi waxa la waydiiyey xuquuqda aadamaha kadibna waxa uu kaga jawaabay Gabooyaha ayaanu hagaajin doonaa ayuu kaga jawaabay. Waxa iskaga qasan Xuquuqda Aadamaha iyo Xuquuqda Bani’aadamka oo la ilaaliyo waxa la yidhaahdo, dadku waxay qaxa u leeyihiin (Human Rights-ka) iyo Minority Rights-ka waxa la yidhaahdo, wuxuu doonayey inuu Minority Rights-ka ka jawaabo ama dadka reerka tirada yar Gabooyana reer tiro yar maaha, waa dad reer Somaliland ah inta muwaadin reer Somaliland ahi uu xaqa u leeyahay ayuu xaq u leeyahay, kursiga uu u tartamayo ayuu xaq u leeyahay inuu u tartamo.

Hada u fiirso kooga u weyn (Kulmiye) ayaa kaas ah oo ay iskaga qasan tahay Xuquuqdii Aadamaha Human Rights-ka iyo Minority Rights-ka, Gabooyana maaha Minority, ee Kulmiye ayay iskaga qaldan tahay, waa waxaa muwaadiniinta loo xidhxidhayo ee loogu xadgudbayo.” Ayuu yidhi Hoggaamiyaha xisbiga Waddani, Xirsi Cali Xaaji Xasan.

Somalilandtoday /Burco/Office