Hoggaamiyaha Kooxda Khaatumo Oo Sheegay Inay Xukuumadda Somaliland Ku Jiraan Wasiirro ka soo Horjeeda Wada-hadalladu

(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Kooxda Khaatumo Dr. Cali Khaliif Galaydh, ayaa sheegay in Siyaasiyiinta ka soo jeeda Gobollada Sool, Sanaag iyo Buuhoodle ee Xilalka ka haya Somaliland qaarkood aanay Raali ka ahayn Wada-hadallada Kooxdiisu kula jirto Xukuumadda Somaliland.

Dr. Galaydh oo ku sugan Degmada Widh-Widh ee Gobolka Buuhoodle, ayaa sheegay in Siyaasiyiinta ay Isku deegaanka yihiin ee Xilalka ka haya Somaliland qaarkood aaminsan yihiin in Wada-hadallada Khaatumo iyo Somaliland oo midho-dhalaa khatar ku yihiin Mustaqbalkooda siyaasadeed, sidaasi awgeedna ay qaarkood door ku leeyihiin dib u dhacyo dhowr jeer ku yimid Wada-hadallada.

Madaxweyne Galaydh oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Siyaasiyiinta ka tirsan Sool iyo Sanaag iyo Cayn way u furfuran yihiin Wada-hadallada, Door fiicanna way ka qaateen, qaarna waxay u arkaan in Wada-hadalladu yihiin Malaggooda, oo haddii Wada-hadallada lagu guuleysto ay meesha ka bixi doonaan. Waanu ku dedaalnay inaanu raadino khaasatan kuwa Golaha Xukuumadda ku jira, waxaanu kala kulanay in aanay diyaar u ahayn, Mushkilad imika Somaliland Gudaheeda ka taaganna iyagaa u sabab ah, Wada-hadallada haddii aan marmar loo hagar-bixinna iyagaa ka masuul ah.”

Cali Khaliif Galaydh wuxuu Walaac ka muujiyey sida Siyaasadda Xukuumadda Somaliland ee ku waajahan Wada-hadallada Khaatumo ay u hagal-daacin karaan Xubnaha ka midka ah ee Sool iyo Sanaag ka soo jeeda, maaddaama buu yidhi siyaasadda Xukuumaddu ku shaqaysaa hoos tagto Madaxweynaha, “Qofku haka yimaaddo Sool iyo Sanaag, ama haka yimaaddo Boorama, ama haka yimaaddo Berbera ama Ceerigaabo haka yimaaddo, Annagu waxaanu moodaynay Masuuliyad Maamul oo Gole Wasiirro ah oo Madaxweynaha hoos yimaadda iyo Siyaasaddaas Maamulkaasi (Somaliland) Gacanta ku hayo, laakiin nooma muuqato, markaanu dhab u hadalno Wakhtibaa nagaga lumay Hakadyada aan hadlay ayay sabab u yihiin.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray in Xubnaha Xukuumadda Somaliland ku jira qaarkood ay masuul ka yihiin Mushkilad Xilligan ka taagan Gudaha Somaliland, taasi oo loo fasiran karo inay tahay Muranka ka taagan Guddoomiye-nimada Golaha Wakiillada “Hadda lafteeda Tartanka socda ee Madaxweyne-nimada Sabab-bay ku leeyihiin, Ragga qaar baa leh Annaga oo Reer Hebel ah ayaa intaas oo Cod keenayna, waar Cod ay keeni karaan iyo wax ay hayaan toona ma jirto, ee Ragga Qaarkood waxay ka qaylinayaan (In Wada-hadalladu midho-dhalaan), hawlaha ay wadaanna Kooxaysi way dhaaftay ee waa Qabiili, Arrintaasna iyaga Dantooduna kuma jirto, Dadka Sool, Sanaag iyo Caynna kuma jirto, waxaanad mooddaa inay tahay Arrin lagu habsaamayo.”

Galaydh wuxuu ku taliyey in Siyaasadda Xukuumadda Somaliland kula macaamilayso Khaatumo ay mid keliya noqoto “Waxa wanaagsan in Somaliland noqoto Dad isku koox ah oo Barnaamij ka dhexeeyo, Waayo? Annaga wax ka hor-yimid Wada-hadallada nooguma jiraan Golaha Wasiirrada iyo Baarlamaanka.” Ayuu yidhi, Galaydh oo Wareysi lagula yeeshay Magaalada Widh-Widh, waxaanu intaa ku daray “Qaarkood waxa la arkayaa (Xubnaha ku jira Dawladda Somaliland ee ka soo jeeda Sool iyo Sanaag), wax Faa’iido ah oo Somaliland Maamulkeeda iyo Xisbiga uu ka soo jeedo mid u dan ah maaha, dareenkaasina wuu wada muuqdaan, laakiin sidii Xal loogu heli lahaa Annagu Riwaayadda waanu daawanaynaa, laakiin hawshu jileyaasha ayay u taallaa…”

Somalilandtoday/Hargeysa/Office