Hoggaamiyaha Gobolka Catalonia Oo Soo Dhoweeyey Madaxbanaanida

(SLT-Catalonia)-Hogaamiyaha gobolka Catalonia Carles Puigdemont ayaa sheegay dadka reer Catalonia inay u codeeyeen inay Spain ka go’aan.

Balse hogaamiyaha waxa uu intaasi raaciyay in uu wadahadal ka doonayo maamulka Madrid.

Codbixintii dhacday kowdii bishan Octobar ayay boqolkiiba sagaashan waxay dadka u codeeyeen madaxbanaani.

Balse waxaa sharcidaro aftidaasi ku tilmaamay baarlamaanka Spain waxaana sidoo kale diiday maxkamada sare ee Spain.

Hogaamiyaha Catalonia ayaa baarlamaanka u sheegay in aftidii la qaaday ay ahayd rabitaanka dadka reer Catalonia.

Waa uu soo dhoweeyey hogaamiyuhu go’itaanka waxuuna cambaareeyey ficilada dowladda Spain ay samaynayso.

Hogaamiyuhu waxuu intaasi ku daray in dadka reer Catalonia loo diiday xuquuq badan iyagoo canshuuraad badan siinayay dowladda dhexe ee Sapin.

Somalilandtoday/Hargeysa/Office