Heshiis-Ku-Sheega Dowlada Dhexe Iyo Maamul-Beeleedka Puntland Waa Nikaaxii Mutcada!

HORDHAC/GOGOL-DHIG

Allaah ayaa mahad oo idil iska leh, nabadgalyo iyo naxariisina Nabigeena Muxammad ah korkiisa ALLAHA yeelo.

Intaa kabacdi, bal aan ugu horeyn qeexno waxa Nikaaxul Mutcah yahay.Nikaaxul Mutcah waxaa la yiraahdaa, wax Shiicada aad ugu dhaqanto, oo Zino la dhoodhoobey ah.Wuxuu u dhacaa sidatan.Nin iyo Haween ayaa heshiinaya.Waxeey ku heshiinayaan waqtiga eey “Is reereeysanayaan”, iyo qarashka uu iska bixinayo intaba, si arintaa usuurtagasho. Ogoow! wqtigaa wuxuu noqonkaraa Saacad, Maalin, Isbuuc, Bil…IWM, halka nikaaxa sharciga ah aan la ogoleyn in waqti xadidan looyeelo. Midkaasse xaqiiqdii wax qurxoon ma aha. Wax in uu waaro loogu talagalayna ma aha, marka horana labada qofoodba weey kasiiwada dharagsanyihiin waqtiga gaaban ee “la isku moodayo!”.

Waxaa marka Nikaah-ku-sheegaa Shiicada la mid ah Heshiis-ku-sheegan dhexmaray.

Maamul-Beeleedka Puntland iyo Dowlada “Federaalka” ee Ummada Soomaaliyeed uwada dhantahay.daliil ama cadeynna waxaa kuugu filan,xaqiiqada dhacdooyinka taariikheed ee habdhaqanka Maamul-Beeleedka Puntland.Hadadan dhow ayey aheyd markii aan soodaabacay qormadeeydii aheyd “PUNTLAANEEY IN LA ISFURO WAXAA KA HOREEYSA IN HOREY LA ISKU QABAY!”kadib markii eey dheheen sida caadaduba aheyd “Dowlada baan xiriirka u jarney”.

 3(192).jpg

Waxaanse maqlijirey “Illoowsho dhawaa ma Umul baa!”. Bal aawey heshiisyadii hore ee maamulkan iyo Dowlada Dhexe hore udhexmarijirey? Halkeey ku dambeeyeen? Bal micnaha eey sameeyneeyso maxeey tahay heshiis-ku-sheegyadan maalinkastaahi Maamul-Beelkan loogu sii habjaqayo illaa Garowe? Waase iga su’aale miyaaneey mas’uuliyiintaDowlada dhexe xasuusan dhacdooyinkii shalay oo aaneey ka faa’ideysan? Ileyn taariikhda waxa loo bartaahi waa in mustaqbalka loogafaa’ideeysto’e, oo bini’aadamku hore usii socdo’e, intuu iska dabawareegilahaa sidii Mas madaxa laga dilay’e? Miyaaneey Dowlada Dhexe ka daalin hab-dhaqanka aadka uqallafsan ee Maamul-Beeleedka Puntland, laga soo bilaabo xilligii Col C/llahi Yususf Axmed uu horjoogaha ka ahaa Maamul-Beeleedka Puntland illaa xilligan uu Cabdiweli Gaasuu horjoogaha u yahay? Waase yaabe maxaa isbadalay oo maanta soo kordhay?

++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++Fekrada Iyo Qaabka Fahan Ee Qoraalkan Waxaa Iska Leh Qoraaga Ku Saxeexan, Kasbashadiisa Iyo Ka Booditaankiisuna Wuxuu Gaar U Yahay Isla Qoraaga. Marnaba Kama Masuul aha Shabakadda Somalilandtoday.com Balse waxay Shabakaddu Diyaar u Tahay Is Dhaafsiga Rayiga Gacal Wadaaga Ah……..