Hay’adda WFP Waa Caqabadda Koowaad Ee Hortgaan Inay Dadka Somaliland Faqriga Ka Baxaan.

(SLT-Hargaysa)- Hay’adda Caalmiga ah ee WFP oo loo soo gaabiypo World Food Program oo macnaheedu noqonayho hay’adda cuntada adduunka waxay ka mid tahay hay’adaha qaramada midoobay ee ka shaqeeya Somaliland barnaamijka ugu way ee hay’adani waddanka u joogto ayaa waxa uu inay dadka tabaalaysan ku caawiso cunno.
Haddaba waxa aynu maanta qormadeenan ku eegi doona sida ay hay’addani u caawiso dadka reer Somaliland. Su’aasha ugu horaysa ee maankaaga aad waydiinayso ayaa waxay tahay side ayay ucaawisaa hay’adda WFP dadka Somaliland? mase caawisaa goorta ay ubaahanyihiin? .

wf
Si aynu su’aalahaas iyo qaar kaleba uga jawaabno waa inaynu u fiirsanaa sida ay Hay’addani uqaybiso mucaawinooyinka ay qaybiyaan. Waxaynu ognahay in qaramada midoobay ay ugu talo gashay lacag aan xad lahayn si loo caawiyo dadka tabaalaysan ee ku kala nool daafaha dunida waxaanan shaki ku jirin inay hay’adda loogu talo galay bajad gaar ah oo ay kaga hawlgalaan Somaliland, haddaba akhriste imisa jer ayay sannadkii hay’addani mucaawino ka gaystaa guud ahaan Somaliland intee ayuu yahay qarashka ku baxa mucaawinooyinka yaryar ee ay qaybiyaan marka loo eego bajadka loogu talo galay Somaliland?
Dhinaca Kale haddii aynu eegno habka maamul xumo iyo musuq maasuq ee ay hay’addani ku kacday intii ay joogtay Somaliland, sanadkii 2011kii waxaa si weyn isu soo taray edeymaha loo jeediyay barnaamijka cunnada aduunka xili ay taagneyd saameynta ay reebeen abaaro baahsan oo ku dhuftay Qaybo badan oo ka mid ah gobolka Geeska Afrika.
Barnaamijka cunnada aduunka waxaa si weyn loogu eedeeyay cunno iyo sidoo kale caawimo kale oo loogu talagalay dadka abuuraha ku tabaaloobay oo la lunsaday, laakiin jawaabta barnaamijkani uu ka bixiyay eedeymaha loo soo jeediyay ayaa ahayd mid aan wax weyn ka bedelin dhaliilihii loo soo jeediyay WFP.
Sidoo kale kooxda la socodka dalalka Somalia iyo Eritrea ayaa xili sii horeysay soo saartay eedeymo ay u jeedineyso barnaamijka cunnada aduunka ee Somaliland iyo Somalia kuwaas oo ku aadanaa in barnaamijku uu ku lug yeeshay arimo wax u dhimaya nabadgelyada iyada oo qaar ka mid ah ganacsatada uu barnaamijkani qandaraasyada siiyo lagu eedeeyay in ay ka shaqeeyaan kala dalaalida hubka iyo arimo kale.

Agaasimaha xafiiska Geneva ee WFP Lauren Landis ayaa qirtay in cunada la lunsaday ay saameyn balaadhan ku yeelatay sumcada barnaamijka iyo sidoo kale dadkii tabaaleysnaa ee iyaga loo qorsheeyay in ay helaan gargaarkan.
MS Landis waxa ay sheegtay in barnaamijk uu wado baadhitaan balaadhan oo ku aadan sidii dabagal loogu sameyn lahaa dadka lunsaday cunnada iyada oo sheegtay in ay dhamaan shaqada ka eryi doonaan dadka ay ku cadaadaan eedeymahan.
Banaamijka cunnada aduunka ayaa wixii xiligaa ka danbeeyay aan jawaabtii ku habooneyd ka bixin dhacdooyinkan isdaba jooga ah ee lagu lunsaday cunnadan loogu talagalay dadka gargaarka u baahan, waxaana uu barnaamijku ku dooday in markasta ay jiraan dad barnaamijka kala shaqeeya arimaha qaybinta gargaarka taas oo adkeyneysa in uu yaraado musuq maasuqa.

Dhinaca kale barnaamijka cunnada xafiiskiisa Somaliland ayaa waxaa aad u yar waxqabadkiisa Somaliland,iyada oo dadweynaha Reer-Somaliland ay ku jahawareereen sababaha hay’adani ay u joogto Somaliland oo iyadu qayb ahaan gaadhay isku filaansho ay dadkeedu u horseedeen.
Waxaa jira tiro farabadan oo dad ka soo barakacay dalalka jaarka ah sida Somalia iyo Ethiopia, kuwaas oo si weyn ugu baahan gargaar cunno iyo daryeel kaleba ,laakiin hay’adda WFP ayaa iyadu si weyn ugu gaabisay sidii ay dadkan u gaadhsiin lahayd gargaarka ay u baahanyihiin.
Barnaamijka Cunnada Aduunka ee dalalka Somaliland iyo Somalia waxa uu sanadkasta dalalka deeqaha bixiya ka codsadaa lacag u dhexeysa $7 boqol oo Milyan oo doolarka Maraykanka ilaa $1Bilyan si wax looga qabto duruufaha nololeed ee dadka gargaarka u baahan, laakiin waxaa aad u yar garkaarka gaadha dadka tabaaleysan ee ku nool dalalkan.
La Soco…..

Xigasho: Wargayska Somalilandtoday