Hay’adda UNDSS Oo Amaantey Waaxda Baratoolka Ee Madaarka Diyaaradaha Ee Hargeysa

(SLT-Hargeysa) – Xafiiska qaramada midoobay u qaabilsan ammaanka ee loo soo qaabiyo UNITED NATIONS DEPARTMENT OF SAFETY AND SECURITY (UNDSS),  ayaa ku amaanay Madaxa waaxda baratakoolka ee madaarka diyaaradaha ee Hargeysa, Cabdillaahi Axmed Caarshe, waxayna sheegeen inuu si anaagsan ula shaqeeyo hay’adaha qaramada-midoobey iyo wufuudda caalamiga ah ee booqashada ku yimaadda dalka.

520

Waxana sarkaalkan ku amaaneen shaqo wanaag iyo daacidnimo, iyaga oo qoraal ay Wasiirka duulista ku socodsiiyeen ku sheegay inuu si wanaagsan ula shaqeeyo hay’adaha qaramada Midoobay, siiba kuwo qaabilsan hawlaha bano-aadaminimo.

Waxay ku tilmaameen Cabdillaahi Axmed Caarshe iyo shaqaalaha waaxdiisa in ay yihiin dad shaqada ay hayaan u leh khibrad, markasta oo ay wax ka codsadaana si wanaagsan ula shaqeeyaan. Iyaga oo qoraalkaasi kaga mahad sheegtay.

Arrintan ayaa muujineysa sida Madaarka Caalamiga ah ee Cigal International Airport, tayadiisa iyo maamulkiisaba kor loogu qaaday, ayna ka mahad sheeganayaan wufuudda dalka imanaya iyo hay’adaha caalamiga ahiba.

Qoraalka lagu amaanay Cabdillaahi Caarshe, ayaa waxay sharaf u tahay Wasiirka Duulista hawada Somaliland, Maxamuud Xaashi Cabdi, oo dhalinyaro aqoon u leh shaqada ay qabanayaan u soo xulay madaarrada dalka, si garoomada dalkeennu ula jaan-qaadaan kuwo gobolka.

Xigasho Wargayska Somalilandtoday.