Gudida Ilaalinta Hantida Qaranka Ee Golaha Wakiillada Oo Kulan La Yeeshay Hay’adda WHO.

(SLT-Hargeysa) – Guddida ilaalinta iyo Dabagalka Hantida Qaranka ee Golaha wakiilada ayaa kulan xafiiskooda kula yeeshay Hay’adda Caafimaadka aduunka ee (WHO). Kulankan oo ay hay’ada uga qayb galeen masuuliyiinta Xafiiskooda Somaliland, waxaana gudoominayay gudoomiyaha gudidaas Mud. Maxamed Cali Xirsi oo ay weheliyaan  xubnaha kale ee guddida. Dhinaca Hay’adda waxa horkacayay madaxa Xafiiska WHO ee Somaliland, Marwo Aasiya Cusmaan Axmed oo ay la weheliyaan Madaxda barnaamijyada kala duwan. Masuuliyiinta WHO ayaa ka warbixiyeen wax qabadkooda guud ahaan ay Hay’addu ka qabato dalka gaar ahaan mashaariicda ay ka wada shaqeeyaan Wasaarada Caafimaadka JSL, sidoo kale waxay si faahfaahsan uga warbixiyeen sida ay u wada shaqeeyaan laamaha dawlada.

qqqq

Waxa kale oo ay xog ka siiyeen Xildhibaanada, halka ay ilaa hadda marayaan qorshahooda cudurka Halista ah ee EBOLA oo ay sheegeen inay ka diyaar garoobeen iyagoo kaa shanaaya  wasaaradda caafimaadka.

Kulankan ayaa noqonaya a kii u horeeyay ee guddida ilaalin hantida qaranku la yeeshan hay’ adaha qaramada Midoobay ee wada shaqayntu ka dhaxayso laamaha xukuumadda. 

 

Somalilandtoday Hargeysa Office

Contact@somalilandtoday.com