Hay’adda Amnesty International Oo Soo Bandhigtay Cadaymo Muujinaya Isir-sifaynta Lagu Hayo Muslimiinta Rohinga.

(SLT-Myanmar)-Hay’adda Amnesty International ayaa sheegeysa inay cadeymo u heyso in ciidammada ammaanka Burma ay ku gubeen tobanaan tuulooyinka muslimiinta Rohingya ah gudaha Myanmar.
Hay’adda ayaa ku boorisay dowladdu Burma inay furto gobolka Rakhine si ay u gaadhaan hay’addaha gargaarka iyo kooxaha xuquuqul insaanka qaabilsan.
Amnesty International ayaa sheegtay inay diiwaangalisay sawiro lagu qaaday dayax gacameedka oo muujinaya dab ballaadhan oo u muuqda inuu yahay ol-ole cad oo isir sifeyn ah.

 


Qof goobjoog ah oo hadda ku jira xero qaxooti iyo muuqaalo lagu qaaday mobil-ke gacanta iyo hadalad aay sheegayaan dadka wali ku sugan Myanmar ayaa muujiyay arrintaan.
Waxa ay Amnesty xaqiijisay in ciidammada dowladda Burma iyo kooxa iskood isku abaabulay ay u adeegsadeen gaas iyo hub gubitaanka tuulooyinka muslimiinta Rohingya iyo leynta dilka dadkaasi deegaanka aha guu ahaan.
Ciidammada ayaa sheegay in ol-olahooda uu ku dhan yahay maleeshiyaadka Rohingya kadib weeraro is xigxigay ay kusoo qaadeen maleeshiyaadkaasi, balse aysan u dan lahayn shacabka.