Haweenka Iyo Ragga Oo Isku Khilaafsan Cidda Ay Jecelyihiin Inay Hogaamiso

(SLT-Texas)-Cilmi-baadhis laga sameeyey haweenka ka shaqeeya qaaradda America, ayaa lagu ogaaday in haweenku aad u neceb yihiin in gabadh madax u noqoto.

Ku dhawaad 40% haweenka ka hawlgala Maraykanka waxay door bidaan in raggu hoggaamiyaan hawlaha ay hayaan sida lagu sheegay xog-ururin ay soo saartay xarunta Gallup.

Waxa kaloo daraasaddani muujisay in 26% ragga ah jecel yihiin in nin madax u nqodo, halka 58% aanay kala jeclayn cidda madaxda u noqonaysa, hadday rag iyo dumar midka ay doonto ahaato.

Xogta cilmi-baadhistan oo laga qaaday 1,032 qof oo dalka Maraykanka ku nool waxa ka soo baxday in shantii qof mid ka mid ah uu aad u jecel yahay in haweenay madax u noqoto haddii ay shaqo qabanayaan.

 

 

index

Inta badan haweenka daraasadan laga qaaday ayaa door biday in ay jecel yihiin in ay madax u noqdaan rag, halka 39% dadka daraasadu door bideen in jinsi aan kiisa ahayn madax u noqdo, waxaanay 34% sheegeen in ay qof kasta ku qanacsan yihin.

Hay’adda Gallup oo xogtan qaaday waxay 60 sanno ee u dambeeyey ku hawlanayd in ay xog-ururintan samayso, iyadoo maxsuulkeeda ugu ballaadhan noqday in haweenku aanay jeclayn in gabadh madax u noqoto.

Xog-ururintii ugu horraysay ee 1953kii hay’adan qaaday waxa la ogaaday in 5% kaliya doorteen in haweenay madax ka noqoto halka ay ka shaqeeyaan, halka 66% door bideen in ay jecel yihiin in rag hoggaanka hawlaha qabtaan, 25% waxay sheegeen in aanay kala jeclayn cida madaxda ka noqonaysa goobaha shaqada.

Somalilandtoday/Hargaysa/Office

Contact@Somalilandtoday.com

“Haweenku waxay neceb yihiin in gabadh madax ka noqoto goobaha shaqada ee ay ka hawlgalaan, sababtoo ah waxay haweenku kala aaminsan yihiin firkado khaldan,” ayaa lagu xusay warbixinta cilmi-baadhistan oo lagu daabacay mareegta BusinessWeek.com.