Kampala: Haweenay Madax U Ahayd Baadhitaanka Qaraxyo Al-shabaab Fulisay Oo La Khaarajiyey

(SLT-Uganda) – Haweeney hormuud ka ahayd dacwadda 3 ruux oo looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin kooxda Al-shabaab ee Somalia ayaa lagu toogtay magaalada Kampala ee xarunta dalka Uganda.

Afhayeen u hadlay booliiska Uganda ayaa sheegay in haweeneydan oo lagu magacaabi jiray, Joan Kagezi ay toogteen dabley saarnaa dhug-dhugley ama mooto xilli ay kusii jeeday gurigeeda.

Dacwad-oogtadan oo uu dhaawac kasoo gaadhay toogashada ayaa dhimatay intii uu loosii waday cisbitaalka ugu wayn dalkaasi. Iyadoo kiiska dacwadda ay horumuudka ka ahayd ay la xidhiidhay qaraxyadii Uganda ka dhacay 2010-kii, kuwaasoo ay ku dhinteen 76-qof oo ciyaaro daawanayay.

Taliyeyaasha booliiska iyo milateriga dalka Uganda ayaa gaadhay goobta uu dilku ka dhacay si ay dusha ugala socdaan baadhitaanka la xidhiidha ciddii ka dambeysay dilka haweeneyda

Kagezi waxay hoggaaminaysay laanta la-dagaalanka argagixisada ee xafiiska dacwad-oogaha Uganda. Iyadoo shacabka waddanka Uganda ayaa hadda is-weydiinayaan inay lahayd ilaalo ku filan iyo in kale.

Dilka haweeneydan ayaa wuxuu yimid xilli safaaradaha dalaka Mareykanka iyo Britain ee Kampala ay soo saareen digniino la xidhiidha weerraro argagixiso oo ka dhan ah danaha reer galbeedka ee Uganda “Kooxo dhug-dhugleey wata ayaa toogtay haweeneyda dacwad-oogaha ah,”ayuu yidhi afhayeenka booliiska Uganda, Patrick Onyango oo la hadlay warbaahinta dilka haweeneyda kaddib.

Kampala

Waddanka Uganda ayaa horay dhowr jeer ula kulmay digniino ka dhan ah ammaanka, maadaama uu horumuud u yahay howlgalka AMISOM ee Somalia, iyadoo aanay weli jirin cid sheegatay mas’uuliyadda dilka haweeneydan.