Hargeysa: Laba Qof Oo Ku Dhintay Shil Baabuur

(SLT-Hargeysa) – Laba qof ayaa ku dhintay shilal gaadhi oo ka dhacay goob ku dhow Magaalada Hargeysa, kaddib markii ay jiidheen Baabuur Laamiga maraysay .

Labada Ruux oo ah Hooyo waayeel ah iyo Wiil Dhalinyaro ah ayaa waxa Laamiga hormarta Hay’adda Shaqaalaha ee Hargeysa ku jiidhay laba Gaadhi oo Bas ah, arroornimadii hore ee shalay.

Shilalkan oo ka dhacay goobbo isku dhow, ayaa kala dambeeyay  saacad wakhti ka yar, sida ay goob-joogeyaal kala duwani  ay xaqiijiyeen.

Wiilka dhalinyarada ah ayaa la sheegay inuu gaadhi Bas ahi  uu jiidhay, isagoo ka talaabaya laamiga guriga shaqaalaha hortiisa, kaasoo sida la sheegay uu Taayirka Mariyay Gaadhigu “wuxuu dhaafayay gaadhi kale oo bas ah, wiilkuna muu arkayn dabaddeedna markii fuqa ku dhuftay ayuu hadana madaxa taayirka ka sii mariyay” sidaasi waxa sheegay mid ka mid ah goob-joogeyaashii Indhahooda ku arkayay markii shilku dhacay.

Waxa uu intaa ku daray “Saacadu waxay ahayd ilaa todobadii oo rubuc la’” ayuu mar kale sheegay isagoo sharaxaad ka bixinayay siduu shilku u dhacay.

Dhinaca kale, shil kan la mid ah ayaa la wariyay inuu ka dhacay isla ka soo horjeedka Guriga shaqaalaha xilli lagu qiyaasay abbaaro sagaalkii subaxnimo .

Dhanka kale, sida lagu baahiyay Mareegaha wararka ee Magaalada Hargeysa, isla markaana dad goob-joogeyaal ahi sheegeen, Gaadhi Bas ayaa Taayirka mariyay Hooyo da’  ah ku socotay xarunta Hay’adda shaqaalaha oo ay doonaysay inay ka qaadato Kaadhka Jinsiyada.

Shilkan waxa ka badbaaday qof yar oo la socday Haweenayda Gaadhigu jiidhay, sida ay wariyeen goob-joogeyaashu “Wakhtigeeda oo dhammaan Ilaahay inanta yar wuu ka badbaadiyey shilkan, balse waxay ku dul-dhacday, kuna dul-muraara-dillaacday ayeydeedii gacanta ay haysay oo dhiiggu burqanaayo, geeri iyo nolol-na aan loo kala garanayn….” Sidaasi waxaa yidhi mid ka mid ah dadkii ka ag-dhawaa goobta shilku ka dhacay sida la baahiyey

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Ciidanka nabad-gelyada waddooyinka oo ku saabsan sababta dhalisay shilalka, hase ahaatee waxa warku intaasi ku daray in mid ka mid ah labada Baabuur ee shilalka geystay isla markiiba ciidanka Nabad-gelyada waddooyinka oo kaashanaya shacbigii ku soo uruuray dhacdadani gacanta ku dhigeen.

shil

Cidhiidhiga  Waddooyinka Caasimada dhex mara, masuuliyad daro inta badan ka timaadda Wadayaasha Gaadiidka iyo dadka oo aan ka taxadirin Baabuurta waddooyinka maraya ayaa sabab looga dhigaa waxyeellada birta ee Magaalada dhexdeeda.