Hargeysa: Dawladda Hoose Oo Bilowday Diwaangelinta Gaadiidka Dadweynaha Ee Caasimadda

(SLT-Hargeysa) – Dawladda Hoose ee Hargeysa ayaa bilowday diwaaangelinta Gaadiidka yaryar ee dadweynaha, gaar ahaan kuwo loo yaqaanno Dukhaanka, kuwaasi oo sanadkii u dambeeyay aad ugu soo batay dalka, gaar ahaan Hargeysa.
Dawladda hoose oo hore shaacisay inay diwaangelinayso guud ahaan gaadiidka ka dhex shaqeeya Hargeysa, ayaa shalay ku bilowday gaadiidka yaryar ee Tagaasida ah (Dukhaan), kuwaasi oo isugu jira kuwo shirkado leeyihiin iyo kuwo si gaar gaar ah loogu shaqeysto.

a
Agaasimaha Waaxda Cashuuraha ee dawladda Hoose ee Hargeysa, Yuusuf Sooraan oo saxaafadda kula hadlay halkii ay ka bilaabeen diwaangelinta oo ahayd madal lagu kulmiyey gaadiidka shirkadda Sugan, ayaa sheegay in gaadhi kasta lagu buufinayo calaamad iyo Lambar ay leedahay dawladda hoose, kaasi oo u xisaabsan isla-markaana gaadhi kasta lagu diwaangelinayo cashuur dhan 15000 shilin “Gaadhi kasta waxaanu ka qaadney cashuurtii diwaangelinta oo dhan 15000 shilin, sidaas ayayna noogu bilaabmaysaa diwaangelinta, oo aanu ku diwaangelinaynaa dhammaan gaadiidka shirkaddu leedahay, gaadiidka kalena waanu bilaabaynaa” ayuu yidhi, Agaasimaha waaxda cashuuraha ee dawladda hoose ee caasimadda Hargeysa.
Diwaangelinta gaadiidka kala duwan ee Hargeysa ka shaqeeya oo dhanka ammaanka wax badan ka tari doonta, ayaa waxa soo dhaweeyay shirkadda lagu bilaabay diwaangelintaasi.

Xigasho: Wargayska Somalilandtoday