Haqayiline Qaadka Iska Daa Waa Quud Ibliise ! W/Q, Abdirahmaan H. Osman ( GEELE)

Qaadka maanta waa aafa qaran gurikastaa waa laga dareemay mushkilada qaadka laakiinse su’aasha waxay tahay wali ma gaaray qaadku waqtigii ay dadku joojin lahaayeen ,qaadku bulshada iyo dhaqankeenu aad buu u dhex galay , ,shayga marka ay umadu u arakto inuu xunyahay dadka cunaana ay yihiin dad xun waxaa la odhan karaa waa wax la xalin karo xalkiisuna uu fudud yahay laakiinse mushkilada waxay tahay marka ay dadku u arkaan in ay ka qayb qaadanayaan dadkii umaduba ay eegaysay ee wax garadkeeda, aqoonyahankeeda ,maalqabeenkeeda iyo madaxdeeda ahaa iyaguba ay sameenayaan waxay noqonaysaa wax adag in la badalo , jaadka maanta waxaa cuna umadeena 90% marka laga hadlaayo xaga

raga waxa cunaya aqoonyahankii , madaxdii ,salaadiintii bulshadii intii la eegi kari lahaa wey cunaan , markaa halkaa waxaad ka dareemaysaa inay adagtahay in laga badbaado laakiinse iyadoo sidaa tahay waxaynu ognahay mashaakil fara badan in uu nagu haayo qaadku hadii aynu xalin kari weyno Qatar aad u weyn in uu nagaliyo ayaa laga yaabaa waxa la tilmaamaa in mushkilad dhaqaale dalkeena ku haayo waxbixinadii ugu dambeeyey waxay tilmaamayaan dhicana dhaqaalaha 480Milyan oo doolar ayaa sanadkii hore ka baxay gayiga somaliland waxay kaga baxeen qaad la cunay halkaa waxaa kaaga muuqanaya doolarka adag ee ka baxaya dalkan somaliland ee dibada uga baxaya , intaa waxa inoo dheer qaadku waxa uu keensaday qofkastaa inuu raadsado dhaqaale ha haysto ama yaanu haysanin qaadku waxa uu inagu haayaa mushkilad xaga caafimaadka baadhitaanada caafimaad waxay tilmaamaysaa qaadku inuu leeyahay laba maado oo darooga ah oo aad u khatara midi waa CATHINE midna waa CATHINONE labadaa maado waa laba maado oo qaadku ku jira baadhitaan ay khubaro ku sameeyeen waxay soo saareen labadaa maado inay ku jiraan qaadka markaad akhrido warbixinta WHO in 1980 waxay soo saartay in maadada loo yaqaano CATHINONE ay tahay mukhadaraadka Number one darajada koowaad inay tahay taasoo ah tan laga helay jaadka waxay tilmaamaysaa WHO CATHINE laftigeedu inaanay ka yareen xaga khatar ahaan ama darooga ahaan CATHINONE oo ay darajada saddexaad ku jirto, hayada u qaabilsan dalka maraykanka CATHINONE waxay ku dartay mukhaadaraadka khatarta ah dhamaan warbixinadaasi waxay tilmaamayaan CATHINE iyo CATHINONE labaduba inay yihiin mukhaadaraad aad u khatara waxaana laga helayaa jaadka marka arintaasi waxay tilmaamaysaa jaadku khatar caafimaad inuu leeyahay baadhitaanadu waxay tilmaamayaan jaadku inuu keeno waali, calool xanuun , keliya xanuu , wadna xanuun ,hurdada oo yaraata , amateedka oo kaa xidhma ,Hamada oo yaraata iyo xanuuno farabadan oo kale sidaa daraadeed waxaynu odhan karnaa qaadka khatar caafimaad oo aad u weyn ayuu leeyahay ,waxa uu leeyahay khatar dhinaca bulshada ah intasoo reer baa isku furo intasoo qof baa laga yaabaa inay biilashii reerkooda ay bixin waayeen lacagtii biilkana ay qaad siisteen , waxa inta badan dhacda qaadka waxa uu naga qaaataa wakhtigeena inta ugu badan hadii maanta la xisaabiyo dadka qaadka u fadhiista wakhtiga kaga luma waxa soo baxaya intaasoo saacadood oo khasaara ah oo xaga wakhtiga sidoo kale qaadka waxa uu keenay nadaafad daro iyo intaasoo xashiisha waxa uu saameen weyn ku leeyahay guriga dhexdiisa aabaha iyo ciyaalka tarbiyadooda iyada oo sidaas tahay qofkastana uu maanta dareensanyahay mushkilada uu qaadka leeyahay hadana waxaad moodaa inay adagtahay in la joojiyaa laakiinse waxaan ugu talagalay maqaalkaygan sidee baa loo joojin karaa jaadka ? sidee baa looga takhalusi karaa qaadka ? waa maxay dariiqooyinka ugu fiican aynu qaadi karnaa ? marka qaadka la joojinaayo halmar lama joojin karo waa shay bulshadu mudo dheer ay soo caadeesatay inay cunto , caadadana way adagtahay in la gooyaa wakhti baanay u baahantahay sidaa daraadeed hadii aynu rabno inaynu joojino Step by Step waa inaynu sameenaa talaabo talaabo ,talaabada koowaad aynu qaadayno waxa weeyaan :-

waa in la baadhaa qaadku dhibaatooyinka uu dalka ku hayo ilaa hada way adagtahay baadhitaan aad u qiima badan in la helo oo ku saabsan qaadka oo laga sameeyey dalka waxa aad u muhiima in baadhitaan la sameeyo oo ka soo baxda siyaasad guud oo ku saabsan qaadka iyo sida loo joojinaayo iyo in la sameeyo gudi qaran oo u halganta sidii jaadka loo joojin lahaa baadhitaankuna waa talaabada koowaad ee mashaakilka lagu xaliyo caalamka marka laga hadlaayo dowladuhu markay wax badalayaan waa in marka hore baadhitaan la sameeyo siyaasadna ay ka soo baxdaa siyaasadaa wax lagu saleeyaa .

qofka ilaa uu dareemo xanuunka qaadka isma badalaayo waana xaqiiqa jirtaa waxa la yidhaahdaa caadooyinka waxa lagu badalaa xanuun , caado aad waligaa soo sameen jirtey ma joojin kartid waxaad joojin kartaa markaad dareento xanuunkeeda iyo dhibaatadeeda laakiinse intaadan dareemin dhibaatadeeda ma joojinaysid hadaba sidee loo dareen siin karaa ? waa in culimada dalka ay shiraan go’aan mideysan oo ku saabsan qaadka iyo shareecada waxay ka qabto ay soo saaraan mowqifka ay shareecada islaamka ay ka taagantahay qaadka waa in uu cadaadaa oo la waayaa qof odhanaya qaadka waa quutul awliyaa laakiinse markay u cadaato islaamka waxa uu ka qabo qofkasta waxa uu ogaanayaa xaaraan inuu ku jiro.

waa in iclaanka ama mediaha iyo dowladuba qaybta ugu weyn ka qaataan markay dadku ogaadaan dhibaatooyinka qaadka ee ay ku arkaan iclaanka oo aad looga sheekeeyo markaasuu qofka ogaanayaa dhibaatada meesha taala sidoo kale waa in manaahijta waxbarashada la galiyaa qaadka iyo dhibaatooyinkiisa oo ardayga marka uu yaryahay uu la soo qabsadaa inuu maandooriye yahay Qatar badana leeyahay sidoo kale waa in guriga lagu soo tarbiyeeyo caruurta jaadka iyo neceybkiisa waxa la yidhaahdaa culuumta tarbiyada marka laga sheekeenayo qofka marka uu yaryahay hadii la rabo in wax loo diido marka uu yaryahay baa la soo tusaa dhibaatadiisa hadii uu soo arko dhibaatadiisa marka uu weynaado ayuu ka feejignaanayaa sababtoo ah dhibaatadan maskaxdiisa horey u soo gashay oo wuu ogyahay .

waa in la sameeyaa oo la dhiirigaliyaa ururada la dagaalamaya jaadka waxaad arkaysaa khatar uu ku hayo jaadka dalkeena hadana ururada la dagaalamaya waa hal urur ama wax lamida run ahaantii taasi waxay tilmaamaysaa wali inaan lagu baraarugin khatarta uu qaadku leeyahay hadaynu rabno khatartiisa inaynu ka hortagno waa in la samaayaa ururo oo la dhiirigaliyaa waxaad arkaysaa ururka la dagaalanka Aidska ururka xuquuqda dumarka intaasoo urur baa jira sidoo kale waa in la helaa ururo farabadan oo ka shaqeeya la dagaalanka qaadka ururo umada ka wacyi galiya dhibaatooyinkiisa Iyo in la helo ra’yi midaysan oo ku saabsan sidi looga hortagi lahaa qaadka.

qofka jaadka markuu joojiya waxaynu isweydiinaa wakhtigii jaadka aad cuni jirtey maxaad galisaa hadaynu u sameeno wax uu ku badasho wakhtigii jaadka waxa imaanaya qofka inuusan dib ugu noqon hadii kale marka uu qaadka joojiyo oo wakhtigii jaadka la gaaro oo uu waayo meel kaloo wakhtigiisii galiyo markiiba waxa uu isweydiinayaa asxaabtaada jaadka mee iyo ku noqo ka dibna jaadkii buu dib u bilaabayaa marka waxa loo baahanyahay wakhtigii jaadka la cuni jirey waa in wax lagu badalo la helaa waxaasina waxay noqon karaan meela ay umadu ku raaxeestaan oo ay ku nastaan kuna sheekeestaan iyo meela ay ku ordaan oo ay ku ciyaaraan Sports iyo jimicsi intaasoo kaliya maahee qofku wakhtigii uu jaadka cuni jirey waa in wax loogu badallaa oo kor loo qaadaa waxbarashadiisii oo la helaa iskuulo habeenadii iyo galinka dambe shaqeeya oo bilaasha sidoo kale waxa loo baahanyahay ardayda laftigoodii wakhtigooda laga faa’ideeyo oo la sameeyo shaqadii qaranka oo marka uu ardayga dhameeyo iskuulka halka uu jaamacad ka gali lahaa waa in la keenaa fikradii shaqada qaranka oo qofka sanad sii shaqeeyo oo la soo tababaro isagoo tabobaran ka dib jaamacad galaa , maanta ardaygii shalay qalin jabiyey ee iskuulka ka baxay maanta jaamacad buu rabaa , saddex sano ama afar sano ka dibna shaquu rabaa dee way adkaanaysaa in shaqo loo helo marka umada waa in la jiheeyaa oo wakhtigoodii laga faa’ideestaa oo la soo celiyaa iskaa wax u qabso oo dadka markay jaadka iska daayaan wakhtigii firaaqada yeelanayeen loo helaa iskaa wax u qabso xoogoodana laga faa’ideesto iyagana ka faa’ideestaan .
Shaamcade2015@gmail.Com