Hanti Qaran Oo Laxadaa Waa Horseed Ka Burburka

Wali qalinka uma qaadan in aan ka hadlo arimo badan oo xaqiiqa ah balse waxan ugu dagdagi waayay waxan samaynayay xog ururin iyo daraasad si aan cadaymo ugu helo maqaalkayga hadaba qorida maqaalkan aan idiin soo gudbin doonaa waxay igu qaadatay mudo badan iyo fikir badan anoo dhinacyo badan fiirinayay waxaanan galiyay juhdi badan aakhirkiina waxaan ku guulaystay inaan idinla qaybsado fikradayda

Umada Maanta Jirta Waxaa u Dardaaran ah Ka Badso Inta Aad Haysato Maanta Hadaba ha Ogaado Qof Waliba In uu Naftiisa U Dhigtay Dhigaal aan la garanayn meesha uu ku danbayn doono ogow hadii aad Haysato maanta Awood dawladnimo ama awood dhaqaale oo aad ku boobto hantida umada in ay iman doonto maalin aad odhan doonto yaa harageedii igaga celiya

Somaliland maanta waxay joogtaa meel aad uga maqaam liidata maalmihii ay hoos joogtay xukunadii hore ee ay soo martay, marka ay noqoto, Boobka lagu hayo hantida Qaranka,Qabyaalada,Hoos udhaca dhaqaalaha,Siyaasada arimaha dibada,Kala danbayn la aanta iyo hanaanka dawladnimo oo aad moodo in dalka aanay dawladba ka jirin, Tusaale hadaan soo qaato Boobka hantida Qaranku wuxuu marayaa meeshii ugu saraysay tan iyo intii la unkay qarankan aan wali cagaha adag ku taagnayn, waxaa maalin walba halbawlaha la jarayaa meelihii ugu mihiim sanaa ee Qaran ka taabo qaadi lahaa, iyadoo maalin walba si indho la’aana loogu dhiiranayo in la xaraasho hanti lama taabtaan ah oo umadani leedahay sida dhulka danta guud oo aan odhan karno hada dhul danguud oo umadani leedahayba ma jiro iyadoo ganacsatada wax ma garatada ah ee aan u tudhayn dalkooda iyo dadkooda toona loo dayrayo dhul laga samayn kari lahaa warshado dhulkaas oo lacag yar oo fara guud kood ah la dhaafsanayo .

Hadaba dalkan marka laga xaraasho waxkasta oo astaan u ahaa Qaran, wax kasta oo umadani wada lahayd qofna aanu sheegan karin, Mar hadii gacanta loo wada galiyey Shakhsiyaad gaar ah iyo Ganacsato aan damiir lahayn oo dhiig miirato ah umadoodana aan u naxayn, Ma sii noqon karnaa qaran jira oo shaqeeya, Way adag tahay hadii aan la helin xal deg deg ah oo aan laga baydhin wadada maanta la hayo ee inagu wada burbur iyo dagaalo wadankan marlabaad dib uga curta oo ay adkaan doonto in xal loo helo, Hadaba umadu ha iswaydiiso maxaa xala ee lagaga bixi karaa dhibaatooyinkan faraha badan ee wadanka ka jira ee inagu sii wada wadadii burburka anigu sacad ahaan waxaan odhan lahaa

Dawlada ,xisbiyada Qaranka dadka aqoonta leh ee wadanka jooga dhalinyarada culimaa u diinka iyo cid kasta oo xal haysa waa in ay qoraan qodobo iyo qoraal ciqaabyeedyo lagu ladho dastuurka wadanka lana dhamaystiro wixii dhiman ee kujira dastuurka kadibna loo gudbiyaa golaha Baarlamanka si ay u ansixiyaan taageero buuxdana lagu siiyaa xukuumada markaa jirta fulinta arintaas si cidii ku kacda bililiqaysi hanti qaran loo mariyo ciqaab adag oo uu ka qoomameeyo tusaalena unoqota kuwa ku mamay lunsiga iyo bililiqaysiga hantida qaranka ee uu dhulku kow ka yahay,bulshada Somaliland na ha ogaato dhamaan dhulka dawlada ayaa leh marka laga reebo qofku inta uu degayo ee uu ku manaafacaadsanayo marka aan leeyahay ku manaafacaadsanayo macneheedu maaha berbera ilaa sheikh inta u dhaxaysa kasamaysta dayrar aan micno ku fadhyin oo lagu doonayo lacag dayrarkaas dhaadheeri waxay kamid yihiin hantida qaranka ee la lunsaday laakiin ogaada cidii damiir laheey inaan lagaaga hadhayn oo maalin ay noqotaba lagu soo qaban doono laguguna xisaabtami doono.

Qofkasta oo reer Somaliland oo damqasho ka hayso siiba Golaha baarlamaanka iyo Golaha guurtida ama odayaasha ninba siduu doono ha u yaqaanee ha furaan doodo lagaga doodo arimaha danta guud qoraalana ha laga sameeyo wixii Somaliland ka maqan ee hanti qaran ah iyo in bayaano iyo cabasho laga soo jeediyo Iibsiga hantida qaranka. In ay Culimada Somaliland ka soo saarto Fatwo ku saabsan in Iibsiga hantida qaranku tahay xaaran hadii aan loo soo marin sifo sharci ah oo waliba umada looga faa iidaynayo. Waa in dalkan laga badbaadiyaa burburka kusoo socda,waa in aynaan noqon meel cid waliba buqcad dawladeed sheegato oo wax dawladi leedahayba la waayo hadii taasi dhacdana waxay ka dhigan tahay in aan dawladkasta oo timaada dalku ayna shaqayn karin noqotana mid daciifa oo ku tiirsan kolba dadka dhulka ay sheegato dagan in ay u yeedhiyaan waxay qabanayso iyagoo dantooda mar walba doonaya in loo kor mariyo. Taasina maaha danta dalka iyo dadka dawladu hadii aanay awood kaga qaadi karayn dadkan dhulkii boobaya waa inay kusoo rogtaa cashuur xad dhaafa oo 1Mitir ay ku cashuurtaa lacag badan si ninka dayrtay 300M uu iskaga bixin kari waayo cashuurta kadibna dawlada hoose u geeyo file ka isagoo wada oo leh lacagtaydii ii celiya.

Dawladu ha samayso gudi madax banaan oo daba gala hantida qaranka oo shaqadoodu intaas uun tahay mushaar fiicana u qortaa shacabka Somaliland na waa inay ku taageeraan oo ay u tilmaamaan meesha ay wax ku ogyihiinba

Qore : Sacad muxumed cali

Sacadwadani@gmail.com