HAMBALYO KU SOCOTA GUDOOMIYAHA CUSUB EE JAALIYADA WADANKA BELGIUM,

 Anagoo ah  dad weynaha reer somaliland ee ku nool waddanka Belgium waxaanu   hambalyo iyo bogaadin hawada u marinaynaa gudoomiyaha cusub ee jaaliyada  somaliland  ee wadanka Belgium  mudane HUSSEIN BARKHAD TUKAALE

maqaal

oo xilka la wareegay habeenimadii sabtidii oo ay taariikhdu ku beegnayd  18/10/2014. Waxaanu illahay uga baryaynaa  xilkaa uu qaaday  inuu u fududeeyo. xilkan oo u baahan geesinimo  dedaal  dheeraad ah  iyo waliba hiigsi fog.loogana baahanyahay isku xidhka  jaaliyada  qaybaheeda kala duwan, dhanka kale waxaanu masuulka kula talinaynaa in uu dulqaadkeeda lahaado duruufaha ka hor imandoona kana shaqeeyo isu keenida jaaliyada, kuna dadaalo sidii uu uga shaqayn lahaa maalmaha qaranku leeyahay sida 18may, iyo waliba labada ciidood ee islaamka si ay maalmahaa  faraxadda jaaliyadu u kulmi layd, kana qayb qaato soo dhawaynta madaxda qaranka,,, waxyaabahan aan kor ku soo xusay oo sanadihii ugu dambeeyay ay  jaaliyadu aad uga gaabisay in aad ku dadaasho gudoomiye ,  bulshadana waxaanu ugu baaqaynaa in ay la shaqeeyaan gudoomiyaha wixii looga baahdana hiil iyo hooba la garab is taagaan ,somalidu waxay ku maah maahdaa farkaliyii fool ma dhaqdo, waxaanu marlabaad leenahay hambalyo hambalyo illaahay xilkaa aad qaaday hakuu fududeeyo     guul iyo gobonimo waarta insha allah,                     Mohamed sulub,                                                                                                ANTWERPEN

++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++
Fekrada Iyo Qaabka Fahan Ee Qoraalkan Waxaa Iska Leh Qoraaga Ku Saxeexan, Kasbashadiisa Iyo Ka Booditaankiisuna Wuxuu Gaar U Yahay Isla Qoraaga. Marnaba Kama Masuul aha Shabakadda Somalilandtoday.com Balse waxay Shabakaddu Diyaar u Tahay Is Dhaafsiga Rayiga Gacal Wadaaga Ah……..