HAlista Ebola Oo Sii Kordhaysa Iyo Baaqa Hay’adda Caafimaadka Adduunka.

(SLT-New York)-Tirooyinkii ugu dambeeyay ee soo baxayay ayaa tilmaamaya in dhimashada ka dhalatay cudurka Ebola ayaa haatan marayso 4,024 qof.

8 qof ayaa la sheegayaa in cudurka ay ugu dhinteen Nigeria iyo Mareykanka.

 

141010194331_ebola_who_promo_624x351_afp

Madaxa Bangiga Adduunka, Jim Yong Kim, ayaa ku baaqay in la sameeyo khasnad gaar ah oo deg deg ah oo wax looga qabto cudurka Ebola.

Waxa uu sheegay in lacagtaas ay tahay in loogu deeqo wadammada la halgamaya cudurka.

Hadalkiisa ayaa ku soo beegmaya iyadoo ay jirto dhaleecayn ah in jawaabta caalamka uu ka bixiyay cudurka ay tahay mid aad gaabis u ah.

Dhinaca kale xubnaha baarlamaanka ee dalka Liberia ayaa diiday inay u codeeyaan qodob sharci ah oo madaxweynaha dalkaasi siin lahaa awood ay xaalad deg deg ah ugu soo rogto degaanada uu ka jiro cudurka.

Madaxweyne Ellen Johnson Sirleaf, ayaa horay deegaanada qaar ugu soo rogtay xaalad deg deg ah, oo lagu karantiilayo bukaanada qaba cudurka Ebola.

Somalilandtoday/Hargaysa/Office

Contact@Somalilandtoday.com