Halgankii Tukayaasha bogaadshay, hal na aan ka cesho Hadimadii Turqayaasha

Sida ladhka sare kaa ga muuqata, qoraalkani waa laba mowduuc oo midi bogaadin yahay mid na falanqayn. Waa bogaadin aan bogaadinayo buugga Halgankii Tukeyaasha: Carabtu side u jileen Madawga? Iyo falanqayn aan falanqaynayo maqaal la ga qoray is la buugga aan bogaadinayo. Shifo ku akhri.

cabdi4-300x300

Bogaadinta Buugga Halgankii tukeyaasha

Kolka aad gacanta ku qabato, dabadeed, kor u qaaddo si aad u daawato muuqaalkiisa, u gu horrayn jaldiga ayaa aad la dhacaysaa. Waa jaldi adag oo qurxoon. Midab cas oo rasiin ah baa buugga jaldigiisa haysta. Magaca buugga oo figta sare ee jaldiga ku xardhan, isagu, waxa uu ku qoran yahay midab cad. Sidaa si la mid ah baa qoraha buugga na magaciisu u gu qoran yahay midab cad. Dhexda, figta sare oo magaca buuggu ku xardhan yahay iyo hoosta oo magaca qoruhu ku qoran yahay, waxa u dhexeeya sawir weyn. Waa duul madow oo giddi wada feedho qaawan iyo tiro afar ilaa shan ruux oo dhanka bidix iyagu dhinaca is ku haya oo dhar cad wada xidhan. Gadaasha buugga, marka aad fiiriso, waxa ku xardhan qoraal, waxa ka danbeeya qoraalka oo qoraalku ku dul qoran yahay sawir. Waa laba gacmood iyo laba kaleeto oo ka danbeeya oo afartu ba, laba laba I su gu xidhan yihiin.

Halgankii Tukeyaasha: Carabtu side u jileen Madawga? Waxa uu ka mid yahay horumarka ay qoraallada af soomaaligu samaynayaan. Waa dhigane ku soo biiray maktabadda af soomaaliga ee la nool qaawanaanta iyo qaab-darrada badan. Waa dhigane loo qoray hannaan aad u wanaagsan iyo hab farshaxan leh. Sidoo kale na waa dhigane xanbaarsan xog iyo xaalado xusuustooda mudan. Daraasadda ama taariikhda buuggani xanbaarsan yahay, waa daraasad weyn oo ballaqaysa albaabka weyn ee la ga gelayo caalam ashqaraar iyo amakaag badan. Waa daraasad iyada iyo kuwa danbe ee ay albaabka u furtay ba loo baahan yahay. Wax loo dhigo ma garanayo in maanta afkeennii uu ku soo biiray buug tixraac u noqon doona cid kasta oo mowduuca uu taariikh ahaan ka hadlayo wax ka qoriddeeda u hollata. Marraa-waaxid. Waa halkii maansadii Qudure ee Hadraawiye:

“Muxuu qalinku sheekiyo,

Qubanaha dharaartiyo,

Hadba qodob la yaabliyo,

Mahadhooyin qorayaa!”

Cabdisaciid Cabdi Ismaaciil, waa qoraagga buugga, waa Halgankii Tukayaashee, hore na u qoray buuggii muranka badan dhaliyay ee “Xadka riddada maxaa ka run ah?” oo aan soo wado gorfayn-aqooneed aan ku sameeyay oo 270 bog oo A4 ah wax-yari dheer yihiin. Buuggu waxa uu ka kooban yahay 265 bog oo u ka la qabsan laba geeddi oo qudh ah. Geeddiga koowaad, Carabta iyo Madawga ayaa uu ku magacaaban yahay. Si aad u qumman buu u soo guuriyay sawirkii ay Carabtu ka bixiyeen dadka gibilka madaw. Waxa uu soo bandhigayaa eedaadkii ay mariyeen Carabtu dadka gibilka madaw. Waxa uu cutubkani markiiba gelinayaa akhristaha dareen hoose oo I su gu jira cadho iyo ciishood. Geeddiga labaad oo ku suntan Gadoodkii Madawga, waxa uu aad u ga sheekaynayaa fal-celintii madawgu kala horyimaaddeen sawirka ay Carabtu ku toshay. Fal-celinta madawgu waxa ay I su gu jirtaa af iyo addin sida buugga ku qeexan. Suugaantii  gabayada u badnayd ee ay madawgu ku ganeen Carabta ayaa tusaale u gu filan fal-celintii afka ahayd ee madawgu bixiyeen. Fal-celintii addinka ahayd ee ay sameeyeen madawgu ayuu buuggu qaadaa-dhigayaa cutubka labaad qaybtiisa labaad, isagoo tusaale u soo qaadanaya kacdoonkii Sanjiga dabadeed ka faallonaya sidii uu ku bilaabmay, sababihiisii, ujeeddooyinkiisii iyo sababihii burburka ku dhaliyay. Waxa uu in taa ku darayaa midhihii uu dhalay kacdoonkaasi.

Halgankii Tukayaashu waa buug qiimo iyo qaayo badan. Waxa aad kuu soo jiidaya maraajicda iyo sida uu qoraaggu bog bog kuu siinayo xigashooyinka qoraayada iyo buugaagta uu wax ka soo xiganayo. Waxa aan odhan karaa buuggu waa naqli si cilmiyaysan oo baxsan loo dhigay. Waa taariikh qornayd iyo sooyaal uu afkeennu ka arradnaa. Waa marjac iyo tixraac sinnaba aanu u ga maarmahayn ruux kasta oo u hollanaya in uu wax ka qoro sooyaalkani. Waa casharro, mar ay tahay in wax la ga barto, mar na ay tahay in taariikh ahaan loo akhristo. Dabcan waa la heli karaa arrimo mawduuca buugga ka baxsan oo gurracan, oo aan la ga wada-noqon Karin is ku fikir iyo aragti, sida qadiyadda Mahdiga iyo diinta iyo dawladnimada, anigu na ugumaan talo-gelin in aan halkan ka ga hadlo.

Cabdisaciid waa aan ku hanbalyaynayaa dhigaalkan qiimiga iyo qaayaha badan ee uu xardhay. Waa qoraa gudanaya waajibkiisa ummaddeed iyo kiisa fikireed. Waa qoraa gudanaya waajibka afka ka saran oo u heelan u-hiilinta afka soomaaliga. Hanbalyo, hanbalyo.

Falanqaynta Maqaalka Hadimadii Turqeyaasha

Aragtida iyo qoraalka oo aan la gu ahayn saaxiibbo ayaa I gu kellifaysa falanqaynta maqaalka uu saaxiibkay Cabdicasiis Mahdi Axmed “Guudcadde”  ka qoray buugga aynnu qaybta hore ee maqaalkan ka ga hadalnay. 6dii bishan 12aad, abbaaro 12:59 habeennimo, buu Cabdicasiis ii soo diray maqaalkiisan aan falanqayntiisa u holladay. Habeenkaa maa aan akhrin maqaalka, laakiin si dul-ka-xaadis ah baa aan u eeg-eegay. Is la maalinnimadii, waa Sabti e, ayaanu galabnimadii ku wada shaahnay hudheel Dalxiis. Markaas buu natiijada buugga u ga soo baxday iyo xataa buugga laftiisa oo aanan arag ii ga sheekeeyay. Sheekadaas baa I gu kelliftay in aan doon-doono buugga, si aan u akhriyo. Ilaahay mahaddii 20kii is la bishan 12aad, abbaaro 8:15 fiidnimo buu gacantayda soo galay buugga Halgankii Tukayaasha: Carabtu side u jileen Madawga? Rooble Maxamed oo aanu jaal ka nahay bar-kulanka Faysbuugga ayaa aan u ga mahad-celinayaa soo-gacan-galka buugga ee uu gacantayda soo-galay, ka dib markii aan ka codsaday. Walaalkay Khaalid oo ammintaa aan buugga soo-qaadanayay I la socday waa aan u mahad-celinayaa.

Hadalkaaga hortii afeef baa la dhigtaaye, marnaba ujeedkaygu ma aha wax-ka-sheegga saaxiibkay iyo doorkiisa qoraannimo. Ha-yeeshee  waxa aan rabaa in aan yar iftiimiyo sida uu ii la muuqday qoraalkiisu markii aan akhriyay buuggii uu falanqaynayay. Waayo? Waxa aan xaq iyo xuquuq ba u lee yahay mar haddii aan ahay akhristihiisa uu sida gaarka ah weli ba uu u gu soo diray in aan u ga fal-celiyo sida uu buugga ba u ga fal-celiyay. Miyaanay sidaa idin la ahayn? Waa aan ku hanbalyaynayaa saaxiibkay horrayso iyo danbaysaba ku dhiirrashada naqdinta iyo falanqaynta wixii qoran.

Haddaba, markii aan buugga akhriyay maqaalka Cabdicasiis na akhriyay ee dabadeed I su eegay, waxa maqaalka ii ga soo baxay gefaf badan. Maqaalku dudda ayuu cararay oo sida aan hoos ku sheegi doono si aad mooddo in aanu buugga ba akhriyin qoraaga maqaalku ama aanu dhugan buu u ga hadlay. Is-dabraynta hadalladiisa marka aad ka timaaddo, waxa uu saaray buuggii tafsiir isaga u gaar ah, waxa aanu u  sameeyay ujeeddo aan qoraagga buuggu qorin, bal e, liddigeeda qoray oo uu maqaalku na I na yidhi taas baa ka danbaysa buugga qoriddiisa. Hadallo xanaf leh oo suuqi ah oo haddii ay noqoto in qoraal loo isticmaalo aanay sinnaba u habboonayn in qoraa weyn sida Cabbdisaciid loo isticmaalo buu maqaalka ku xardhan. Waxa aan odhan karaa muu ahayn qoraal dhabbadii, habkii iyo hannaankii naqdinta maray. Ma na uu ahayn qoraal ilaaliyay xaqa iyo xuquuqda qofka uu naqdinayo. Hadal badan haamo lagama buuxsho bay Soomaalidu tidhiye, aan gudo-galo maqaalkii saaxiibkay Guudcadde qoray ee Hadimadii turqayaasha sida uu ahaa:

Si baxsan buu u gu horrayn Guudcadde u ga hadlay qoraalka dabadeed u mahadiyay qoraagga buugga Halgankii Tukayaasha, Cabdisaciid. Hanbalyo baa aan anigu na sii lee yahay. Is la bogga koowaad buu Guudcadde ku sheegay in qoraalkiisu bilow illaa dhammaad uu daaran yahay dhurta buugga Halgankii Tukayaasha. Ragannimo.

Laba arrin buu maqaalku judhaba gosha I noo gelinayaa in aynnu u badino midkood aragtida guud ee uu xanbaarsan yahay buuggu, isaga oo isagu doorbidaya in labada arrin ka danbe awgeed uu qoraagga buuggu I su gu hawlay qoridda buuggiisa Halgankii Tukayaasha. Bal aan ka soo guuriyo maqaalka Guudcadde labada arrin, waxa uu odhanayaa :” ‘Aragtida guud’ ee buugga la mid uun u badi:

1-      In Cabdisaciid uu ina xasuusinayo, haddii aynu nahay dadka madaw ee Soomaalida ah, fekraddii “foosha-xumayd” ee ay dadkii Carabta ahaa ka haysteen, kana fidinayeen dadkii gibilka madoobaa. Waa fekraddii keentay in ay “tuke waxtar-laawe ah oo maangaaban” ku sifeeyaan (Tukuhuna agtooda noolayaasha Liiska Mugdiga ah ‘Black List’ uu ugu horreeyay), iyo halgankii ay kaga falceliyeen raggaa madawga ahaa ee la yasayay. Ama,

2-      In Cabdisaciid uu ina nacsiinayo Carabta maanta, oo uu ina leeyahay “Sida ay Carabta berigaasiba Madawga berigaas u xaqiri jireen, ee ay u dullaynayeen beentana ay ka faafinayeen ayay, Carabta hadduna Madawgeenna hadda u yasayaan”, uuna xataa ina dhiilo-gelinayo oo uu cod dheer innagu leeyahay:” Waar ragga (Carabta) sida Madawga waagaasiba difaaca uga galay, Madawgiinna haatanuna difaac uga gala”! Oo malaha uu Cabdi diiddan yahay, ama rabo in gabbalkiisu dhaco, dareenkan muxibbada ah ee ay Soomaalidu u hayso Carabta; waxa uu rabo ha ku salaysnaadee. Shakhsi ahaan, kan danbe ayaa aan ku qancay in Cabdi-saciid uu isu hawlay. Waayo “Xusuusin taariikh dhacday” oo aanay falsafad iyo fekradi ka danbayn ma ay jirto, haddii ay jirtana ma aha tu nin sida Cabdi-saciid u qaro weyn laga filan karo.””

Waxa aynnu ogsoon nahay in qoraa kastaa ba qoraalkiisa ujeeddada ka danbaysa ee uu u qoray aanay jirin cid u ga aqoon iyo ogaal badan. Qoraalkaasi wax uu doono ha ahaado: wanaag iyo xumaan. Buugga kanna kama duwana dhigaallada guud ahaan afafka la gu qoray iyo kuwa af soomaaliga la gu xardhay mid na ba. Waa ay habboon tahay sidoo kale waa na weyddiin imanaysa in qoraa kasta oo wax qora la weyddiiyo sababta uu qoraalka uu qoray u qoray ama ba dheh ujeeddada ka danbaysa dhigaalkiisa. Cabbdisaciid na kama baxsana kuwaaa. Sida maanka-fayow iyo Islaamnimadu ba I na lee dahay, waa in la gu go’aa qaataa weyddiin-celinta ka soo baxaysa qofka wax la weyddiinayo. Cabdisaciid na haddii la doonayo dhurta buuggiisa waa in la gu kaaftoomo sida uu ku xardhay buuggiisa ararta uu u sameeyay iyo meelo kale oo ka mid ah buugga ba. Sidaa marka aan lee yahay uma jeedo in aanay dhici-karin in waxa qof yidhaahdo iyo waxa uu qoraa aanay ka la tegi karin. Waa ay dhici kartaa taasi laakiin buugga Halgankii Tukayaasha sinna ba ujeeddada uu sheegay  iyo obocdiisu uma kala tagsana.

Maqaalku qodobka labaad ee uu ku xanbaaray in ujeeddada buuggu ka danbeeyo uu yahay, waa in uu buuggu nacayb la nacayo Carabta uu sido, mar haddii uu ka soo sheekeeyay sidii Carabtu u jileen madawga ee foosh-xumayd. In arrinkaasi run yahay iyo in aanu ahayn, bal aynnu qoraaga buugga weyddiinno. Ararta buugga waxa uu qoraa Cabdisiciid ku qoray, bogga ‘ix’:”Siday ahaataba. Dhigaalkaan akhristaha horyaal wuxuu isku deyay inuu mawduuc xasaasi ah runta ka sheego, sida la ogyahayna “Run sheeg waa belo iyo ceeb sheeg”. Laakiin akhristaha waxaan u caddaynayaa in danta qura ee laga leeyahay ay tahay in toosh lagu ifiyo wax yar oo ka mid ah baalasha dhaqanka iyo taariikhda.” Bal I su eega labadaa hadal ee midi lee yahay ujeeddada buuggu waa Carabta naca, buuggiina uu lee yahay maya ee ujeeddadaydu waa iftiiminta baalasha dhaqanka iyo taariikhda. Mar kale bal qoraaga buuggu isaga oo tilmaamaya ujeeddada buugga ka danbaysa baa waxa uu gogol-dhigga buugga oo ku yaalla bogga ‘xiii’ uu ku yidhi sidan:”… qoraalkani wuxuu isku dayi doonaa inuu sawir kooban ka bixiyo fikradda Carabtu ka haysteen madawga iyo gadoodkii madawgu kala horyimaadeen dulmigii iyo gaboodfalkii Carabtu kula kaceen.” Halkan muxuu qoraagga buuggu ku caddeeyay? In ujeeddada buuggu tahay in sawir kooban la ga bixiyo fikiraddii Carabta ee Madawga iyo sida ay Madawgu u ga horyimaaddeen dulmigii iyo gabbood-falkii ay Carabtu kula keceen. Sidaa marka ay tahay waxa ku jirta faa’iido taasi oo ah casharro iyo duruus la ga baranayo habkii iyo hannaankii kacdoonnadii dulmi-diidku ku bilaabmeen iyo weliba dheh qalabkii iyo qawlkii ay u adeegsadeen dadkii madoobaaba kacdoonnadooda. Kuwaas oo buuggu in badan dul-istaagayo. Mar kale iyo bal is la qoraagga buugga aynnu eegno oo qeexaya in aan ujeeddada buuggu ahayn nacayb abuur jeerkaasna caddaynayaa waxa uu ka qabo qoraa ahaan nacaybka jinsiga, waxa uu ku yidhi Cabdisaciid is la gogol-dhigga ‘xix’ sidan :” Hadal iyo dhammaantii ujeeddada qoraalkani marna ma aha in uu nacayb abuuro, maxaa yeelay qoraagu wuxuu aaminsan yahay in nacaybku yahay nacasnimo aan dhib mooyee wax dheef ah laga helin.” Waa markii saddexaad iyo qoraa Cabdisiciid Cabdi oo is-barraxay, caddeeyay na in aan ujeeddada buuggu marnaba ahayn nacayb iyo belo-abuur. Waxa aad is-odhanaysaa malaha qoraagga buuggu sababta uu dhawr jeer I su barraxayo waxa uu sii ogaa Guudcadde in uu sidaa jarka-ka-tuurka ah u leexin doono ujeeddada ka-hadalka sooyaalka buuggiisu ka warramayo. Miyaanay ku gu soo dhicin baydadkii maansadda Mullaax ee Ibraahin Gadhle tiriyay ku jiray, ee uu lahaa:

“Muhmal laguma guuree,

Danni Mooge haw dilin,

Maan fayaw ha ceebayn,

Ha marmarin wax aan jirin.”

Waa aynnu ku dheeraannay qodobkan ma is-tidhi? Dantaa tidhiye, saaxiibkay Guudcadde maqaalkiisa bogga labaad waxa uu ku yidhi sidan:” Marka laga yimaaddo heerka runnimo ee sooyaalka uu daba ka gelayo qoraagu, waxa in la isdul taago, indho qudhaanjana lagu eego, mudan sababta. Haa, sababta Cabdi-siciidkii “Xadka Riddada” runnimadeeda sii socday ku soo celiyay mawduuc sida kan u weyd ah; in uu ka dhex shaqeeyo Soomaalida iyo Carabta (Soomaalidu waa madawga keli ah ee afka buuggu ku qoran yahay fahmi kara” Maxaa keenay ninkii la lahaa dayrtan ha guursado in uu like qoto?!” Guudcadde sida hadalkiisa ka muuqata ba ka-hadalka mawduuca kan ee ah sooyaalka waxa uu u arkaa weyd iyo mid aan macno ku fadhiyin. Guudcadde sida hadalkiisu tilmaamayo wuu ku liidayaa qoraaga ka-hadalka mawduucan oo waa kaa leh Cabdisiciidkii marayay xadka riddada runnimadeeda maxaa ku soo celiyay mawduuc sida kan u weyd ah. Jawaab iyo hadal-celin ilama laha sadarradan uu saaxiibkay taxay. Haddii ay ka fursan wayda na saddex hadal oo is la maqaalka Guudcadde ku yaalla baa aan ka ga jawaabayaa; 1. Guudcadde, is la isagan ku misaalay mawduuca buugga mid weyd ah baa maqaalkiisa boggiisa lixaad ku sheegay in mawduucani yahay faa’iido aynnu Cabdisiciid ka guntanayno iyo wax-tar. Bal aynnu ka soo guurinno hadalkaa maqaalkiisa, “ Hal faa’iido uun baynu ka haynaa buuggan, waa waxtarka ah in xogta taariikhdaas ee afafka kale lagu helayay uu afkeenna inoogu soo tebiyay.” Guudcadde bal ha I su keen qabadsiiyo buuggii weydda ahaa waxa dhammaadka maqaalkiisa ka dhigay mid faa’iido iyo wax-tar ba leh? Markale bal Guudcadde oo is la bogga lixaad Cabdisiciid u ga markhaati kacaya in uu ku saxsan yahay qoridda buuggan bal aan idiin soo-raro, “Cabdi-saciid waa uu ku saxsan yahay in soo bandhigo taariikhdaa iyo addoonsigaa saxaraha mari jiray- Trans-Saharan Slavery Trade.” Ma yaabteen? Buuggan horraantii weydda ahaa ee immika faa’iidada iyo wax-tarka yeeshay, ee weli ba la gu ammaanayo qoraaggii qoray loo ga na marag-kacayo in uu ku saxsan yahay qoriddiisa. Afkaagoo ku xidhaa waa Alle goo miyay Soomaalidu odhan jirtay? Bal markale haddana eeg  maqaalka oo taariikhda buugga ku taalla qoriddeeda barraxaya in aanay khalad ahayn “… Ma aha in madawgii isxoraynayay taariikhdoodu oo la soo raraa tahay khalad, ama in cawaannimadii dadka aan madoobayn, Carabta gaar ahaan (Marka buugga la joogo), kula kacaayeen dadka madaw ka sheekayntoodu khalad tahay! Xaasha!” Saaxiibkay Guudcadde maqaalkiisa isku-xidhnaanshihiisa in aanu muraajacayn baa aan filayaa. In taa marka aad ka timaaddo is la hadalkaa sare ee aynnu ka soo rarnay Guudcadde waxaa ku jira hadal aan sinnaba in qof weyn loo adeegsado aanay haboonayn, “.. in uu ka dhex shaqeeyo Soomaalida iyo Carabta.” Qaaq, qadhaadhaa weedhu. Saaxiibkay Guudcadde waxa aan lee yahay: waar aynnu lafaha gurno xarrago na yaynaan ka tegin. In taa ka ga kaalay in taa akhriste.

Bogga labaad ee maqaalka waxa uu ku qoran hadal sidan u dhigan:”Weyddiimahaas iyo kuwa la ayniga ahiba waa kuwa igu riixaya in aan qof ahaan qaato in Cabdi-siciid markan usoo wayso-biyaystay ku baraarujinta Soomaalida in ay iska jiraan Carabta sidaa dadnimada ka baxsan ula macaamilayay dadkoodii ee xilligaasi noolaa.” Weyddiimaha uu xusay maqaalku horta yuu weyddiiyay ee dabadeed u ga war-celiyay ha ba qaato wixii uu qaatay e? Qoraaga maqaalku isaga ayaa is-weyddiiyay ujeeddada iyo sababta buugga loo qoray, is la isaga ayaa hadda na isaga jawaabay oo ka la soo dhex-baxay maankiisa in buuggu nacayb iyo belo gudbinayo. Taas oo uu in badan qoraaga buuggu na ka afeef-dhiganayo. Haddii aynnu macaa afeefta qoraaga buugga halkaa is ka dhigana, waxa Guudcadde is-tusay aniga oo buugga laba jeer akhriyay lama arag, bal idinku na na la akhriya.

Saaxiibkay waa uu sii wadayaa hadalkiisa oo waxa uu I na weyddiinayaa akhristayaal ahaan weyddiin sidan u dhigan:” …. Ma aha in madawgii isxoraynayay taariikhdoodu oo la soo raraa tahay khalad, ama in cawaannimadii dadka aan madoobayn, Carabta gaar ahaan (Marka buugga la joogo), kula kacaayeen dadka madaw ka sheekayntoodu khalad tahay! Xaasha! Balse maaddaama dhacdo kasta oo dhacda dhadhan lagala hadho, maxay tahay ma-hadhada uu Cabdi-saciid inooga reebayay taariikhdaa diiwaannada gashay ee uu naqlinteeda qalinka u qaatay?” Guudcadde miyuu mooggan yahay in dhigaalka sooyaalkan ee la gu qoray af soomaali ay tahay mahadho lafteedu. In afkeennu hiil helo oo maraajic taariikheed yeesho iyadu ba waa mahadho. In kacdoonnadii dhacay ee dadka gibilka madawi sameeyeen qaababkoodii iyo ujeeddooyinkoodii la qoraa iyadu na waa mahadho. In kacdoonnadii burburay sida buugga ku xusan sababihii u gu wacnaa burburka la xusaa iyadu na sida oo kale waa mahadho. 59ka bog ee buugga u gu danbeeyaa xogta ku duugani waa mahadho la ga baranayo casharro iyo duruus. Guudcadde isaga oo ka hadlaya in aanu qaadanayn in buuggan sabab la’aan loo qoray waxa uu I na yidhi “ Ma qaadanayo Cabdi bilaa ujeeddo ayuu buugga u qoray, yool la’aan ayuu taariikhdaa u soo gudbiyay. Ama wuu iska qoray! Ha ka yaabin!”  Saaxiibkay ma garanayo baalal badan oo qoraa Cabdisiciid ka ga hadlay sababta uu buuggan u qoray iyo ujeeddadiisa halka ay ka mareen. Qushiye, bal aan dib u xusuusiyo ujeeddada buugga iyo sababta loo qoray. U gu horrayn ba bogga ‘xix’ waxa uu qoraa Cabdisiciid isagoo ujeeddada buugga uu u qoray ka hadlaya uu yidhi :” … Ujeeddadu waa in xog la helo.” In bulshada Soomaaliyeed ee aan afkeeda wax taariikh ahi – tay doontaba ha ahaatee- ku qornayn loo gu qoro, si ay sooyaalka wax u ga bartaan iyaba waa yool baa aan lee yahay saaxiibkay iyo ujeeddo.

Maqaalka Guudcadde iyo bal markale eega sida uu fahan khaldan Inooga siinayo buugga: “Cabdi-siciid ilaa hadda hal qodob ayuu ina dareensiiyay: in raggaa Carabtu madawga u darnaayeen, ilaa hadda na u daran yihiin, sidaa darted layska ilaaliyo.” Haa, waa runtii in buuggu cutub ka mid ah uu qaadaa-dhigayo sidii Carabtu u gu darnayd madawga. Laakiin halkee, boggee iyo sadarkee buu buuggu ku tilmaamayaa in Carabta layska ilaaliyo iyo in la naco toona?

Cabdicasiis Guudcadde in taa ka dib waxa uu buugga si baxsan oo gobonnimo leh u gu raacay in aan Carabta iyo diinta Islaamku ka la duwan yihiin, Carabtuna aanay diinta Islaamka metelin. Sidoo kale in gumaysiga iyo guud ahaan addoonsigu na yihiin falal dadnimada iyo diinta ba ka baxsan. Waxa uu haddaba in taa ka danbaysiiyay hadal sidan u dhigan :” Balse saaxiibkay Cabdi-siciid iyo buuggiisa lama qabo in aragtida lagala soo dhex bixi karo dhacdooyinkaas is-addoonsiga ah ee soo taxnaa, madawguna dhibbanaha u ahaa ay tahay in nacayb iyo cuqdad ay kuwii loo geystay u qaadaan kuwii u geystay.” Waxa aad is-weyddiinaysaa akhriste aragtidan buugga iyo qoraagu ba gudbinayaan ee ah necbaashaha ee aan Guudcadde ku raacin halka ay ku taallo saw ma aha, ileyn hore ayuu ayaa aynnu buugga u ga soo guurinay isaga oo ka digaya nacaybka iyo naca e. Guudcadde waxa aan lee yahay miyaan walaal Cabdisiciid gogol-dhigga buuggiisa ‘xix’ ku odhan sidan :” Hadal iyo dhammaantii ujeeddada qoraalkani marna ma aha in uu nacayb abuuro, maxaa yeelay qoraagu wuxuu aaminsan yahay in nacaybku yahay nacasnimo aan dhib mooyee wax dheef ah laga helin.” ? Guudcadde Waa maxay aragtidan nacaybka ah ee aadan ku waafaqin? Halkee buu aragtidaa buuggu ku qoray? Halkee se la ga dhadhansankaraaba? Mar labaad miyaydaan xusuusan is la baydadkii aynnu hore u soo xusnay ee maansadii Mullaax ku jiray:

“Muhmal laguma guuree,

Danni Mooge haw dilin,

Maan fayaw ha ceebayn,

Ha marmarin wax aan jirin.”

Saaxiibkay Guudcadde oo bal I la eega hadda na isaga oo ujeeddadii buugga ee ahayd in xog la helo, wax na la ga barto ka dhigaya mid aan buuggu qabin u na nisbaynaya buugga in uu wakhti ku lumiyay diirad-saaridda ciddii wax addoonsanaysay. Waxa uu yidhi:” Taa mid ka duwan ayaa aan ka dhex urin karayaa dhacdooyinka foosha xumaa ee dhaaxo badan soo dhacaayay. Waa aragtida ah in wax badan laga barto qaabkii, qawlkii iyo qalabkii ay adeegsadeen dadkii la addoonsanayay si ay uga dhex baxaan badweyntaa bahalaha ah. Haa, oo wakhti ha lagu qaato dersidda iyo dhuuxidda xirfadihii iyo xataa xikmadihii dadkii xoroobay, halkii waqtiga lagu lumin lahaa diirad-saaridda ciddii wax addoonsanaysay.” “ Qofka aan buugga akhrisani waxa uu is-weyddiinaya tolow buuggu muxuu wakhtiga u gu lumiyay dadkii wax addoonsaday uun ee uu sidaa Guudcadde inoogu soo guurin waayay kacdoonnadii dadka madaw si aynnu wax u ga baranno. Saw sidaa ma aha? Haddaba, Guudcadde buugga in aanu akhrisan meelaha u daliilka ah baa ay meelahani ka mid yihiin, 107 bog oo ka mid ah buuggu waxa uu ka hadlayaa xikmaddii, suugaantii iyo kacdoonnadii af iyo addin ba ahaa ee ay sameeyeen madawgu! Xaggay ka mareen saaxiibkay Guudcadde. Miyaan buuggu xataa kacdoonnadii fashilmay sababahoodii ka warramin si wax loo ga barto? Waa bogga 157 ilaa 264 kuwa ka warramaya oo keliya kacaankii dadka madaw. Ma buugga ayaan murtidii iyo xikmaddii iyo sooyaalkii Cantar Binu Shaddaad, Nuseeyb bin Rabaax iyo kuwa kale ba ka warramin? Waar dee ma anigaa waalan mise Cadan baa saaxiibkay loo ga heesay? Miyaad yaabteen? Bal eega hadda na saaxiibkay sida uu I na lee yahay:” Si taa ka geddisan qof la guumaystay, la addoonsaday, si ka baxsan, kana liidata meeqaamka aadanaha la gaadhsiiyay loona dhaqmay, sida uu ruuxaasi inta uu u gartay in uu cagta saaro hoosteeda ka baxo, u gaadhay heer uu gobonnimadiisii sange u fuulo, dhugasho iyo dhagar tuu ku hanan karana maray, nasasho iyo nacfi u diiday ee u halgamay sidii uu sharaftiisa bini-aadannimo u soo ceshan lahaa, miyaanay cashar ku sugnay?” Haa, sida maqaalku dhigayo cashar baa ku sugan ay tahay na in la ga barto, 66 bog baa na uu buugga Halgankii Tukayaashu ka ga hadlayaa. Miyaanu tolow akhrisan saaxiibkay bogaggaa? Mooyi.

Falsafad-yahankii Plato ayuu Guudcadde marka uu hadal uu lee yahay oo ahaa haddii cirku roob xornimo ah di’I lahaa la arki lahaa dad dallaayado ka hadhsada ka soo raro inagu yidhi sidan :” … waa aragti muujinaysa in qof la dhufaanay garaadkiisu sida uu ku soo baraarugi lahaa ay adag tahay, balse haddana raggaa madoobaa waxa ay galeen halgankaa uu Cabdi-saciid u bixiyay Halgankii Tukayaasha ee maxaa u diiday saaxiibkay Cabdi-saciid in uu falsafado inooga soo dhex faruuro marrinnadii ay u mareen sidii ay u halgameen Tukayaashaasi halka uu 265-ta bog ugu qarash-gareeyay sidii aannu u nici lahayn kuwii falkaa addoonsiga ahaa keenay; Carabtii?” Guudcadde waxa uu I noo muujinayaa oo ku cad hadalkan sare in qoraa Cabdisiciid 265ka bog ee buuggiisaba ka sheekaynayo nac iyo necbaansho. Guudcadde waxa aad moodda in maqaalkiisu yahay I ga gee aan marnaba ku-talo-gelin in la akhrin doono oo dabadeed la la akhrin doono buugga na. 157 bog oo cutubka koowaad ka kooban yahay buu Cabdisiciid Cabdi ka ga warramayaa Carabtu sidii ay u jileen madawga. Maanka ku hay akhriste in buuggu 265 bog yahay. Marka aad 265 bog ka jarto 157 maxaa kuu soo hadhay? 107 bog oo buugga ka mid ah baa ka hadlaysa sidii ay u kaceen madawgu, midhihii kacdoonnada iyo kacdoonnadii burburay sababihii ay ku burbureen. Guudcadde na waxa uu I na ga dhaadhicinayaa in 265ka bog ba nacayb ka hadlayaan. Waa wax aad loo la yaabo.

Fari kama qodnee bal hadalkanna I la eega “ Cabdi-saciid kama asmacayo in inta uu igu turqay dawooyin aan ahayn kuwii ay ahayd in uu igu duro, uu hadhawna igaga tago wax u eg: ha kugu taagnaato!. Mudac mudac ku taaga miyuu qoraagu ina leeyahay? Nacaybkii dadka kale guud ahaan, Carabta gaar ahaan, kana faafiyeen madawga in aynu nacayb kaga jawaabno miyuu innagu guubaabinayaa? Waar buuggu miyuu ina dagaal-gelinayaa?” Wali maqaalku waxa uu buugga la daba-socdaa dacaayaddii ahayd nacayb in uu faafinayo. Waa ba uu ka sii fogeeyay oo waxa uu si su’aal ah I noo weyddiinayaa in buuggu I na dagaal-gelinayo. Sadar na ha ku ahaatee maqaalku I noo ma sheegin halka necbaanshaha buuggu gudbinayo la ga dhadhansanayo iyo halka dagaalka la ga daliishanaya ba. Bil caksi baa aynnu soo guurinnay buugga oo far waaweyn tira ba dhawr jeer ku qoray in aan buuggu necbaansho gudbinahayn, nacaybku na uu yahay wax aan dadnimada iyo diinta mid na ku jirin.

Maqaalku markale waxa uu I na yidhi:” Saw kii Martin Luther King yidhi: Mugdiga mugdi ma saari karo, iftiinka uun baa saari kara; nacaybkuna nacayb ma saari karo, jacayl uun baa saari kara. Nelson Mandela ma waanu iska cafin, una caddaalad samayn, caddaankii xabsiga ku illaaway? Frederick Douglas sawkii ma aha addoonnimadii iska xoreeyay, wax nacayb ah na aan qaadin. Cantar bin Shidaad miyuu ina yidhi: naca dadkaa sida xun inoo jilay? Bilaal bin Rabaax miyuu marna innagula taliyay in aynu xumaan u qaadno Qurayshigii dhadhaabka beerka ka saaray? Rosa Park xornimo-doonkii dabadeed miyay jidaysay sunne nacaybshiyo ah? Mise tolow wax dadkaa dhibta addoonsiga iyo yasidda soo arkay ka qarsoonaa ayaa qoraageenna daaqad laga tusay? Si walba filo!!” Waxa aan saaxiibkeen lee yahay taariikhda Cantar bin Shaddaad iyo sidii aanu I noo odhan naca madawgu waxa ay ku taallaa buugga ee sadarradaa miyaanad dul is-taagin? Bogagga u gu horreeyaa ilaa ka u danbeeyay oo gunaanadka ah sawkan Cabdisiciid nacaybka iyo naca diiddan. Sawkan qoraaggu ku cel-celiyay in nacayb cudur yahay aan sinna ba xal u keenin xumaan mooyee, sawkan Cabdisiciid taariikhda raggii madoobaa qaarkood dul-istaagay sida ay dadkii xumaynayay u cafiyeen. Bogga 248aad ee buugga Halgankii Tukayaasha waxa uu ka sheekaynayaa sida uu ku bilaabmay kacdoonkii Sanjigu, buuggu waxa uu qorayaa in Cali Bin Maxamed oo hoggaaminayay kacdoonkaasi loo keenay raggii wax-addoonsan jiray ee la so af-duubay. Muxuu ku sameeyay? Miyaan la cafin oo iyagoo nool-nool la odhan ku noqda guryihiinnii? Guudcadde miyaanu tolow dhacdooyinkaa akhrisan?  Miyaanay sidoo kale bogga 256aad buuggu inoo soo guurin in Cali Bin Maxamed uu ku amri-jiray ciidankiisa In aanay wax-u-dhimin nabadda deegaannada aan la dirirahayn. Buuggu haddii uu nacayb iyo nac gudbinayo muxuu inoo gu qorayaa sida dadkaasi u wanaajiyeen Carabtii addoonsanaysay?

Waa sida aan sheegay oo la ga gayoon-maayo qoraalka Guudcadde, weli ba in ta aan is ka dhaafay baa badane, bal markale isaga oo su’aal buugga ku waajahan si marin-habaabis ah I noo weyddiinaya aan ka soo raro:” …….. haddaba Cabdi-siciid farriinta iyo falsafadda uu taariikhdan u soo waariday maxay tahay? Haddiiba uu I na yidhaahdo: waar sinji-nacayb uma aan jeedin, waayahay e maxaa uu u jeedaa?” Weyddiin-celinta weyddiintaa uu I na weyddiiyay saaxiibkeen Guudcadde waxa aynnu ka lee nahay waxa uu u jeedaa qodobka koowaad ee maqaalkaaga boggiisa koowaad ku qortay ee aad tidhi:” ‘Aragtida guud’ ee buugga la mid uun u badi:

In Cabdisaciid uu ina xasuusinayo, haddii aynu nahay dadka madaw ee Soomaalida ah, fekraddii “foosha-xumayd” ee ay dadkii Carabta ahaa ka haysteen, kana fidinayeen dadkii gibilka madoobaa. Waa fekraddii keentay in ay “tuke waxtar-laawe ah oo maangaaban” ku sifeeyaan (Tukuhuna agtooda noolayaasha Liiska Mugdiga ah ‘Black List’ uu ugu horreeyay), iyo halgankii ay kaga falceliyeen raggaa madawga ahaa ee la yasayay…..” Buuggu waa xog iyo sooyaal, wuxuu ka hadlayaa dulmi la sameeyay iyo sida loo ga dhiidhiyay si loo ga barto duruus iyo casharro nololeed. Guudcadde ujeeddada buuggu waa sida aad adigu ku ammaantay oo ah :” “ Hal faa’iido uun baynu ka haynaa buuggan, waa waxtarka ah in xogta taariikhdaas ee afafka kale lagu helayay uu afkeenna inoogu soo tebiyay.” In faa’iiddadaa aad markhaatiga ka tahay uu I noo faa’eedeeyay iyaba waa ujeeddo kale. Waa wax-tar aan marag ka tahay iyadu na waa ujeeddo, oo waa ujeeddo kale in dhigaalkan oo afaf kale ku qornaa la gu qoro af soomaali.

Saaxiibkay Guudcadde waxa uu buugga ku duray in aragtida uu wado iyo ereyada xaanshiyihiisa qaarkood ku qorani aanay sinna ba I su lahayn. Waxa uu yidhi Guudcadde :” … dhammaadka qaybta “Gogol-dhigga” ayuu qoraagu bogga XIX ku yidhi:”… Ujeeddada qoraalku marna ma aha in uu nacayb abuuro..” haddana waxa uu soo faqayaa ciilkii madawga la baday buugga dhani.” In buugga dhani ciilkii dadkaa la badayay iyo ciddii badaysay ka sheekaynayo iyo in ay sidaa si ka geddisan tahay oo buuggu 157ka bog ee hore ka ga hadlayo dulmigii, 107da bog ee danbe na sidii loo ga dhiidhiciyay iyo kacdoonnadii la ga baranayay casharrada waxa ay akhriste kuu ka la caddaan-doonaan marka aad buugga soo qaadayo ee aad akhrisato. Saaxiibkay Guudcadde malahayga waxa aan is lahaa: buuggu adiguun buu ku soo gaadhay ee suuradda aad doonto ka bixi. Waa sida ay u muuqato.

Markale bal saaxiibkeen Guudcadde aynnu eegno sida uu buugga uu xog khaldan u ga bixinayo, waxa uu yidhi sidan:” Cabdi-saciid isagoo giddy warqadaha buugga ku soo qaadaa-dhigay “dhaqanka xun” ee Carabta, ayuu haddana iska illaaway, ama is-illawsiiyay, in sidaas falay, oo waxa uu bogga 264 ku yidhi:”Isku soo duuboo, ujeeddada qoraalkani ma aha in dhaqanka Carabta la eedeeyo..”! Bal yaabkan iyo go’go;iddan eega; waa yahay e muxuu Cabdi-saciid u yaqaannaa eedayn?” Markii aan lahaa qoraalka Guudcadde muu tix-gelin xaqqa cidda uu naqdinayo, meelahan oo kale ayaa markhaati ah. Bal yaabkan iyo amakaagan eega, giddy buuggu 265ka bog ba sidii uu dhaqanka Carab ka warramayo oo qudh ah buu I noo gu sawirayaa. Waxa aan lee yahay saaxiibkay Guudcadde mar labaad buugga dib u akhri. Buuggu cutubka koowaad oo ka kooban 157 bog buu falalkii Carabtu ku la kaceen madawga ka ga warramayaa; 107da bog ee danbe na waa cutubkii labaad oo cunwaankiisu yahay Halgankii Tukayaasha. Waxa cutubkan ku dhex-jira sooyaalka gabayaagii madoobaa qaarkood, sida kacdoon u samaysmo, kacdoonkii Sanjiga ee madawgu galeen sababihiisii, ujeeddooyinkiisii iyo burburkii ku yimid waxyaabihii sababta u ahaa. Hadda buugga 107daa bog ba shuqul kuma laha Carab jiliddeedii madawga ee uu cutubka koowaad qoraagu ka ga soo warramay.

Guudcadde hadalka wuu sii wadayaa, waxaa aanu ka danbaysiiyay intaa sare intan:” Buuggu waa uu eedaynayaa addoonsiga oo ay Carabtu dhaqan xun ka bixisay. Buuggu waa uu eedeeyay dhaqanka “jilidda ah –sawir ka bixinta xun” ee Carabtu in ay can ku ahayd uu sheegay. Buuggu waa uu eedeeyay in dhaqankii Carabta ahaa uu dheg jalaq u siin waayay karaamayntii Islaamku saaray dadka guud ahaan. Buuggu waa uu eedeeyay in Carabtu dadka cajamta ah uga faa’iidaysato in ay dhaqanka Carbeed iyo diinta Islaamka isugu soo soohdo. Haddana waxa uu ina leeyahay ujeeddadu ma aha in la eedeeyo dhaqanka Carabta (bogga 264)! Maxaa lagu tilmaami karaa muuqaalkaa?” Intaan la is-weyddiin ba waxa la gu tilmaami lahaa, waa in horta la is-weyddiiyo dhaqanka Carabta ee buuggu ka hadlay waa kee? Waxa I noo soo baxaya in buuggu ka hadlay addoonsigii Carabtu addoonsan-jireen madawga iyo sawirkii foosha-xumaa ee ay ka bixin jireen, dhaqankaas oo gaar ahaa. Waxa uu qoraaga buuggu ka afeefanayaa na waa in aanu eedaynahayn dhaqanka ballaadhan ee Carabtu lee dahay. Sawka buuggu bogga 263aad I na gu leh “ Dhaqanka bulshooyinka oo dhammi wuxuu leeyahay dhinacyo cudur iyo jeermis sida, oo u baahan in sheybaar lala beegsado, si malaxda iyo waabayada looga dhiijiyo.” Dhaqanka Carabta na dhinaciisii jeermis lahaa buu buuggu cutub ka ga hadlay, waxa uu eeddiisa is ka fogaynayaa na waa dhinacyadii kale ee dhaqanka Carbeed ee wanaagsanaa.

Maqaalka Hadimadii Turqayaashu sida dheegagga aan ka soo rari doono ka muuqata wuu is-dabraynayaa. Mar waxa uu taariikhda buuggu ka warramayo iyo xogta ku duugan ku tilmaamayaa mid faa’iido iyo wax-tar ah, saa hadda na sadarrada ka danbeeya uu ku sheegayaa tacab-qasaar iyo wax qabad ah. Bal I la eeg “ Hal faa’iido uun baynu ka haynaa buuggan, waa waxtarka ah in xogta taariikhdaas ee afafka kale lagu helayay uu afkeenna inoogu soo tebiyay, waa uu ku mahadsan yahay….” Halkaas maqaalku buugga faa’iido in ay ka hayno buu tibaaxay, taas oo ah in uu xogtaa inoo gu qoray afkeenna. Bal eeg hadda ba sida maqaalku faa’iidadii uu buugga ku sheegay iyo wax-tarkii uu hal bacaad la gu lisay u ga soo qaaday, waxa uu yidhi sadarrada halkaa sare ka danbeeya “ .. balse ujeeddada uu buugga u qoray tolow ma intaas ayay ahayd? Tacab khasaar!. Xog taariikheed oo mudh-iyo-gacan ah dhiraandhirina ka madhan haddii uu inoo gartay qoraageennu, waxa aannu leennahay: qoraa aragtidaasi waa qabad.” Aragtida maqaalku xusay waa tii uu saartay buugga isagu ee buuggu na sida aynnu kor ku soo caddaynay uu ka beri yahay, saa waxa aynnu lee nahay qoraaga maqaalka: maqaalkaagu waa qabad!. Mar in uu tacab khasaar yahay buu ku tilmaamay maqaalku buugga, markale na in uu yahay qabad. Bal sadarrada kuwaa aynnu soo rarnay ka danbeeya aynnu ka soo guurinno maqaalka oo ammaanaya buugga sheegayana in qoraagga buuggu ku saxsan yahay soo bandhigidda taariikhda uu soo bandhigay, I la eeg “ Cabdi-saciid waa uu ku saxan yahay in soo bandhigo taariikhdaa iyo addoonsigaa…..” Bal munaafadda intaa leeg eega ee maqaalka ku jirta. Sawkii lahaa waa tacab khasaar iyo waa qabad, sawkii qoraaga maqaalku bogga labaad ee maqaalkiisa inagu lahaa waa weyd, maxaa uu hadda u gu lee yahay wuu ku saxsan yahay? Waa meelaha uu is ka hor iyo daba-imanayo maqaalku. Waa meelaha in uu yahay I ga geeya uun kuu caddaynaysa.

Akhristaw weyddiintadu waxa ay tahay: Maqaalku miyuu naqdiyay mise fahankii buugga iyo ujeeddadii buu leexiyay? Qofka aan buugga Halgankii Tukayaasha akhriyini muxuu u qaadanayaa buugga? Guudcadde oo qoraalkiisa soo gunaanadayaa waxa uu yidhi :” Bal naftayda aan ku noqdo, waar ma laga yaabaa in heerka fahankaygu hooseeyo, oo qoraageennu halka uu u foofiyay afkaaraha meel ka sokaysa aan gawda ku hayo? “ Haa baa aan lee yahay, waxa uu maqaalku gawda ku yahay meel aan buuggu u jeedin, dib u akhri baa aan lee yahay Guudcadde buugga, adiga oo si deggen iyo dhuuxidi ku jirto u dhuganaya dabadeed waxa aannu kaa filaynaa in aad sixi doonto gefafka qoraalkaaga, raalli-gelin iyo cudur-daarna aad ka bixin doonto buugga iyo isha khaldan ee aad ku eegtay.

U gu danbayn in taa aan xusay iyo wax aan ka tagay ba waa ay jiraan oo galdaloolooyin iyo gefaf maqaalka ku jira ah. Wixii aan saxay waa aan saxay, wixii aan ku gefay na waa aan ka cudur-daaranayaa oo ka bixinayaa raalli-gelin. Sidii aan u difaaci lahaa buugga saaxiibkay Cabdicasiis baa aan buugaagta kale iyo kan Cabdisiciid Cabdi qoray ba u difaacayaa haddii gef iyo qalloocin la gu la kaco. Ujeeddadaydu mar na ba ma aha weeraridda cid gaar ah ee waa u hiilinta xaqa iyo saxnaanshaha, aniga oo ka dab-qaadanaya xadiiskii ahaa “U hiili walaalkaa marka uu gar-daran yahay iyo marka uu gar lee yahay ba.”

Allaa mahad leh, mahadsanid.

Cabdiqani Cabdillaahi Aadan.

Hargeysa, Soomaaliland.

30/12/2015. Arbaca, 3:02Pm.

Email: xorhadal@gmail.com