Dhimasho Iyo Dhawaac Ka Dhacay Waddanka Isra’il Kadib Markii Nin Falastiini Ahi Werar Ku Qaaday.

(SLT-Qudus) – Booliska Israa’iil waxa ay sheegeen in nin reer Falastiin ah uu si ula kac ah gaadhigiisa ugu soo kaxeeyay dhanka koox dad ah oo taagnaa boosteejo ku taala magaalada Qudus, uuna dilay ilmo isla markaasna uu dhaawacay sideed kale.

israa ili

Booliiska ayaa toogtay ninkaasi markii uu isku dayay in uu baxsado; xoogaa kadibna waxa uu ku dhintay Isbitaalka.

Warbaahinta guduhu waxa ay ku warantay in la xiray ninka dilkaasi gaystay walaalkii oo aan qaangaar ahayn.

Gabadha yar ee dhimatay iyo hooyadeed waa muwaadiniin Maraykan ah sida uu wakaalada wararka ee AP u sheegay duqa magaalada Qudus Nir Barkat.

Somalilandtoday Hargeysa Office

Contact@somalilandtoday.com