HADMAA BOQORKII HALLAABAY

HADMAA BOQORKII HALLAABAY
Waa boqor waana siyaasi! , waa caaqil waana siyaasi,! waa suldaan waana siyaasi!
In dhawayd waxaa kusoo badanayey geyiga soomalidu degto in bahdii dhaqanka iyo siyaasaddi isku mil-maan oo la kala saari waayo, taasina waxay keentay in loo adeegsado odayaaashii dhaqanka qaar loo isticmaalo saaxadda siyaasadda, iyadoo laga duulaya Qodobka Reer-hebel!!!, sidaa awadeed ayaan u curiyey maansadan, HADMAA BOQORKII HALLAABAY.

 

x

1-Bahdii dhaqankee dalkeena
2-Boqorkiyo lahaa ugaaska
3-Beel daajiyaha islaanka
4-Hadmay badayey hallawday
5-Hadmay baaddee fogaatay
6-Hadmaa bahalkii ka haagay
7-Hadmaa booliga la siiyey
8-Hadmaa been lagu ciseeyey
9-Hadmaa belo loo bidhaanshay
10-Hadmay bixisadu haleeshay
11-Masiibadan beeca gaysay

12-Hadmaa siyaasigu u baaqay
13-Hadmaa horror baalka saaray
14-Hadmaa boogtani dillaacday
15-hadmaa baradii hiddaha
16-bulshadii laga afduubay
17-hadmuu beegsaday dhurwaagu
18-bannaanka hadmuu ku laayay

19-hadmaa boqorkii hallaabay
20-hadmuu xumaha u buseelay
21-hadmuu bigilka u garaacay
22-hadmuu beelaha dhexdooda
23-balaayo intuu ka beeray
24-siyaasiga baalka saaray?!

25-Hadmay boqor iyo ugaas
26-Malaaq bilan iyo suldaan
27-Bulshadani raggay tiqiin
28-Bahdoodi hadmay hallawday
29-hadmaa bulshadii la boobay
30-billaawaha tuuggu jiidhay
31-dillaalku hadmuu bireeyey
32-hadmaa siyaasigu bisleeyey
33-bahdiisa hadmay noqdeen

34-baxnaano hadmay dhigeen
35-bukaanka hadmay noqdeen
36-hadmay beel-beel galeen
37-qaabiilka miciin bideen
38-boog iyo milil noqdeen
39-afkoodu hadmuu baloobay
40-basaastiyo ololka qaaday
41-bulshadiina hadmay gadeen

42-haddaan dhaqankii la beegsan
43-hadaan samihii la beerin
44-xumaanta hadaan la baydhin
45-hadaan bisinkii ilaahay
46-balaayada laga jijaaban
47-quraankiyo baydadkiisa
48-bayaanka iyo xasiiska
49-dhaqankiyo baababkiisa
50-hadaan bino laga samaynin
51-bulshooy baadi baynu nahay

Abwaan mubaarak Abdirahmaan gaani (Abwaan gaaani)
Drgaani1@gmail.com
Hargaysa