“Haddii Doorasho Xor Ahi Dhiciweydo Wax Kale Oo Xun Ayaa Ka Dhici Doona Somaliland” Guddoomiyaha WADANI Oo Salaad Hore Sii Dar-daar Wariyay.

(SLT-Hargaysa) Guddoomiyaha Xisbiga WADANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa si badheedha ugu goodiyay in dhibaato aan laga soo waaqsan doonin ay ka dhici doonto Somaliland, haddii aanay doorashooyinku u dhicin si xor ah oo xalaalam sidoo kale wuxuu weeraray warbaahinta madaxa banaan ee Somalilandtoday Media Group. Guddoomiye Cirro ayaa weedhan ka sheegay shir-jaraa’id oo maanta ku qabtay xarunta Xisbiga WADANI ku leeyahay Magaaladda Hargaysa, waxaana hadaladiisi kamid ahaa.

“Somaliland meel khatara ayay maanta maraysa, waxaan u malaynayaa badbaado kaliya ayaynu u baahanahay, badbaadaduna waxaa weeye in doorasho xor ah oo xalaal ahi  dhacdo. Haday ka dhici waydo waxaa Somaliland ka dhici doona oo lasoo darsaaya dhibaatooyin”.

???????????????????????????????

 Weedhan dar-daar warinta iyo goodiga dagaal ee ka soo yeedhay Mud. Cabdiraxmaan Cirro oo lagu tirin jiray nin qunyar socod ah, ayaa u muuqata tallo qorshaysan oo meel sii taala, iyadoo ay u muuqato badheedhaha Musharax Cabdiraxmaan Cirro, hal hayskii ahaa “Cadyahow ku cunay ama ku ciideeyay”. Hanjabaada Guddoomiyaha ayaa geesta kale laga dheehan karaa, deg degsiimo iyo kaar kursiga u hayam kaas oo ay ku lamaan yihiin damac shaydaan oo halaagay inbadan oo ibnu aadanka kamid ah. Kuwaaso dhiig u daadiyay siday maruun kursi ku gaadhi lahayeen. Diblumaasiyad ahaan maadaama oo doorashadu tartan tahay waxa u fiicnayd Guddoomiyaha inuu ku daayo kelmada ah. “Ha dhacdo doorasho xor ah oo xalaal ah.” Balse weedhe dhibaatooyin ayaa dhici doona, maadaama aadamaha laga qariyay qaybka iyo siday wax noqon doonaan mustaqbalka, waxay u muuqanaysa talo sii go-nayd oo meel lasii dhigay. Waxayse u taala shacabka Somaliland waxay ka yeelayaan. Dhinca kale waxaan xasuusta ummadda Somaliland wali ka guurin, doorashadii 2003, oo Madaxweynaha hadda Xilka haya ee Axmed Silaanyo lagaga helay 80 cod,  balse uu ku qancay dalkana dagaal kama dhicin.

Geesta kale Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro wuxuu saaka si badheedha oo qabyaalad ah u weeraray warbaahinta Madaxa banaan ee Somalilandtoday Media Group. Isagoo Guddoomiye Cirro fariin Madaxtooyadda ugu diray, in haddii ay wax cad ku haystaan Dr. Maxamed Cismaan Fadal, ay cadaymaha geeyaan Somalilandtoday xisbi ahaana aanay waxba ka qabin. Wuxuuna yidhi maruu arrintaas ka hadlaayay. “Haddii Madaxtooyaddu wax cadaymo u hayso (Dr. Fadal) Xisbiga WADANI waxba kama qabo inay geeyaan Somalilandtoday”.  Arrinta layaabka leh ayaa ah wuxuu uga jeedo Guddoomiyuhu inuu isku ladho Madaxtooyadda iyo Warbaahinta Somalilandtoday Media Group, haddii aanay u jeedadiisu ahayn mid qabyaladeed.

Halkan Ka Daawo Hadalkii Guddoomiyaha Xisbiga WADANI Oo Dhamaystiran.

 

Khadar Xasan Aadan

Somalilandtoday/Hargaysa/Office.

Email: khadar2424@gmail.co