Haddii Aanan Qolo Ku foognayn, Ama …… Qore:- Dr Daacad Alle Yaqaan.

Nin qoyani biyo iskama dhawro’e ee wuu ku sii galgashaa, Ummad Yahay Weli Ma Cascasa ibtilooyinka, lala rabo Somaliland iyo wax-yaabaha lala maagan yahay. Qori daad wataa, kolba waxay biyuhu kula dulundul-coodaan ama dulaamaan derbiyadda, dooxaa ay marayaan labadiisa dhinaca, aakhirkana waxay ku tuurtaan halka ugu dambaysa ee biyo-meernku ku baaba’o, sidaas waxa ka dhigan, Xusbiga Kulmiye iyo Xukuumadda isugu barkaday in ay u dhameeyaan dalka iyo dadka, oo aan wax naf lihi kaba sii noolayn, magac uun mooyaane. xikmad baa waxay ahayd ” Gaajadda Ka Bax Baan Ku Doodaayee, Ma Hadaan Galay Geerashkeeddii ” waxani maaha masiibooyin mina-laahi ah, mana aha wixii aynu u soo halganay, ee

aynu qoriga caaradiisa kaga erinay Faqashtii, ee waa mid loogu talla galay in lagu wadno gooyo ummadan inta badan, mar uun ilaahay ka baryeysay in ay ka baxaan qaxoontiyadda, oo ay dalkooddii dib ugu noqdaan, taas oo ah wixii aynu hubka degta u saarnay, ee miinadda isugu soo xidhay, geesiyo u soo sadqaynay, milyan u soo naafoobeen, tiro intaa kabadina silic ugu soo dhinteen, mood iyo noolba aynu u soo hurey, ka bixitaanka iyo sika xoraynta cadawgii dhulkeena ku amar-taaglayn jirey, iyadda oo sidaas ah, bal u fiirso oo waa su’aale miyaad tan filaysay akhrisataw?

Heelooyinka qaraamiga ah, baa mid baydad-keedda waxa ka mid ah ” Ilayn ibtiladu ilays ma lahoo, markay imanayso lama oga ” waa run si cadna waan u aragnaa, waa taa la inagu cayn iyo bayd gooyey Kulmiye, intii ay jirtay Xukuumadda Somaliland waa tii ugu xumayd abid ina soo marta, laga soo bilaabo 18/may/ 1991. Waxa ka taagan Golaha Wakiiladda waa markhaati ma doon, waad aragtaan in la is waydaariyey doorashaddii, weligeedna aanay faraha may kala bixin, ee goor walba qas iyo qalaanqal bay gelisaa, markasta oo arini timaado Golaha wakiiladda, waxa dhaqan u noqtay rebshed abuur, iyo iska hor keenidda Ummadda, siddii dhaqankii gumaystaha ee ahaa ” Qaybi oo Xukun “. Wasiir ku sheega Madaxtooyadda, oo ah kii uu Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal (IHN) uu u bixiyey Usaama-Binu Laadin, wakhtiyaddii uu uu Baarlamaankii Reeraha ka socday uu ka midka ahaa, kaas oo faraha baranbaro loogu burburiyey, baa intii uu Xafiiska Madaxtooyadda yimi dunidda isku wqaslaaqay, waa ka ka dambeeya dagaalka sokeeyey ee ka taagan Ceel-Af-Weyn, waa wasiirka ugu beenta badan, aabha musuq-maasaqa, qabyaaladda, eexdda, isku-dirka, kala qoqobka bulshadda iyo u-kala- ab-tirska.
Ninka arimahan maleegayaa waa isaga, oo aan habeen ku seexan noloshiisa, wax kharib mooyee wax wanaaji, waad la socoteen wixii uu ka samayn jirey golahii hore ee wakiiladda, kuwaas oo metelaayey Beelaha, waxa meesha uu ku keenay Madaxweyne Siilaanyona wax kale maaha, ee wuxu og-yahay farsamooyinka uu ku shaqaysto, oop aan sinaba u laahyn khayr Somaliland, wuxu meesha u joogaana waa sidaas awgeed oo aan biyo is marin.

Wuxu yidhi Cabdilaahi suldaan ( Tima-Cade), Duulkii inkaar qaba jinaa taasadaw tuma’e, Beloba-belo bay ka subxaana-laysataaye, waxa ay ummaddii faraha dhegaha geliysay, hadaladda ah qabyaaladda ee qayaxan, ereyadaas oo ah maaran-waaggii ugu dambeeyey, muujinaayana halka ay ka taagan yihiin taageeradda ummadda, taas oo ina tusaysa in ay ka qaawan yihiin Reer Kulmiye, oo cidla ay jaflaysanayaan, bacaadkana ay haystaan, kuna jiraan baroortii ugu dambaysay, oo ay “Tolaayeey” kuwaas oo ka soo baxay, kuna werdiyo ninka la yidhaaho Cali Gurey, bal dhegaysta waxa uu rabbi ka soo wadacay, oo ah bahashii oo sideedda ah ” Ina Biixi Haduu Dhaco, Sacad Muuse Madax-weyne dambe ma yeelanaayo” hadaba karka dheriga waxaa ka keenay baa la yidhi kulayka’e, waxay si cadaan ah u arkeen, in laga dhaqaay oo ay ummaddii dhabarka u jeedisay, xaalkoodu noqday ” Nin qoyani biyo iskama dhawro” ee iska biyo-batalaqsadda, Allaw xero madhan xoolo soo geli, iyo oohinta uu miciinsaday Cali gurey, oo sheegaysa in uu Kulmiye ku go’doonsan yahay Bankii Giriyaad dhexdiisa, tallo ka halawaday, waxa walba ay rabaan imika in ay xoog iyo awood dawladeed ku meel mariyaan.
Waxan ku soo dabray maqaalkan, oo uu yahay gunaanadka qoraalku, ” kulmiye waa Qardda-jeex arinkiisu” iyo ” Shimbir garab li’i wax ma garatee bal xagan u gudub, rafasho iyo isaga oo meel uu wax ka qabto la’, arina ka noqday baroor iyo reer hebelaw, maanta na saba-biixiya, waase sidaas oo abadda ah, ee waa la is huran yahay, ee haat burhaanak yaa dhooqo dabaashe.

Qore:- Dr Daacad Alle Yaqaan.