Haday mid ahayd shalay SNM; by Abwaan mubarak Abdirahman gaani (Abwaan gaani)

Waxay ahayd .galabta fiidkii Abaaro 7:00 markaan website ka ku arkay

Xubno miisaan kuleh bulshada iyo wadanka Somaliland , gaar ahaan SNM , oo sheegaya in SNM labo laga dhigay markii layidhi ma xusaysaan raggii ku dhintay dagaalkii Somaliland xornimadeeda kula soo noqotay. Taa bedelkeeda raggii wadankan cududooda ku xoreeyey, loo diiday inay qabtaan shirkan, markaas ayaan curiyey maansadan gaaban,

 yyy

 

1-Haday mid ahayd shalay SNM

2-Haday hadaf qudha lahayd

3-Haday hawl wada lahayd

4-Haday hiil qaran wadeen

5-Haday halgankii galeen

6-Hadmay labo kala noqdeen

7-Hadmay kala haarriyeen

8-Hadmay bahaluu heleen

9-Hadmay boogtani dillaacday

10-Hadmaa nacbkii ku baanay

11-Hadmaa taladii ka hawstay.

12-Miyuu haad baalka saaray

13-Miyuu xukunkii hadheeyey

14-Miyuu hillinkii ka leexshay

15-Hadh-cad miyuu u diiday

16-Inay wada hadal galaan

17-Halyey-yadii inay xusaan

18-Dhiigooda kuwii u hoorshay

19-Inuu wadankani hagaago

20- hadmay noqotay boog

21-Baxdin iyo halis qarsoon

22-Raggii hadimada u galay

23- halkii ducada mudan

24-Habeen loo hurilahaa

25-Miyey hagardaamo timi

By Abwaan Mubarak Abdirahman gaani

Drgaani1@gmail.com

Hargaysa