Haashka Sigaarka Waxaa Laga Sameeyaa Xaydh Doofaar .

(SLT-Austaralia)-Proffessor Simon chapman oo u dhashay dalka Australia isla markaana bare ka ah jaamacada Sydney oo la hadlayay Sydney daily Telegraph ayaa waxa uu sheegay in baadhitaan lagu sameeyay dalka Holland uu daboolka ka qaaday in haashka sigaarka laga helay raadadka dhiiga doofaarka

Waxaana uu sheegay inuu u digayo dadka aaminsan diimaha xaaraantimaynaya cunida hilibka doofaarka ,waaxana uu intaa ku daray in baadhitaankan lagu ogaaday in doofaarku ku lug leeyahay isticmaalka 185 ka mid ah waxyaabaha la farsameeyo,waxaana uu sheegay inuu filayo in arrintani ay wel wel culus ku abuuri doonto muslimiinta iyo Yuhuuda si weyn ugu dhaqma diimahooda.

 

scientists-found-a-way-to-turn-cigarette-butts-into-something-useful-1024x767

Baadhitaankan ayaa waxa uu cadeeyay in dhiiga doofaarka loo adeegsaday inuu haashka sigaarka si weyn u xannibo kimikada Nicotinka ka hor inta aanuu gelin sambabada qofka sigaarka cabaya Waxa uu Proffessorka sheegay in inkasta oo shirkadaha sigaarka sameeya qaarkood ay websaydyadooda ku soo bandhigeen waxyaalaha uu ka kooban yahay sigaarka ay sameeyaan balse ay jiraan waxyaabo ay qariyeen oo aysan soo bandhigin.

Maxamed Aadan

Xigasho: Wargayska Somalilandtoday