Guurtida oo kashiftay Guddomiye Cirro

  • Waxa la yidhi waagii beryaaba waayihiisa leh waa markii u horeysey ee barlaman guddomiyahiisu wixii golahiisu ku heshiiyeen foojarigareeyo haddaba aynu is weydiine maxaa sababay siyaasada ayaa ninba meel ka yaqaan mid daacadnimo iyo waaya aragnimadiisa ku dhaqa iyo mid khabays iyo wax isdaba marin foojari ku dhaqa taasina ay keento ayatiin xun iyo siyaasiga oo barmadow ku yeesha bulshada dhexdeeda.
  • haddaba siyaasadu waa badeecad la iibinayo markaad damacdo inaad badeecad soo gadato khasab waxaad raadinaysa meesha badeecada wacan oo original ka ah haddii kale khasaara kugu dhacaya.

a m

hadda ta uu ku kacay Guddomiye Cirro waa mid barmadow ku yeelaysa mustaqbalkiisa siyaasadeed oo ayaatiin xun ku reebaysa sababtoo ah shacabkan reer somaliland waa mid dhaqan u leh runsheeg marka hore qofka way rumaystan waayo dhaqankooda run ah laakin marka ay ogaadan inuu qofkaasi been u sheegay nooco doonaba ha ahaade wixiisa dambe oo dhan waxay ku qoran beenawaas taasina waa ta hadda qofkasta oo arinkan diwaangelinta ee guurtidu qabatay saamayn ku yeelatay sababo dhowr ah awgood.

1- Arinkan khabayska ah ee lasoo foojari gareeyey qofka xafiiskiisa ay ka soo baxday maaha qof caadi ah waa mas’uulkii 3aad ee qarankan lagu aaminay waa MD nihii golaha sharci dejinta u sareeyey waxay noqonaysa maahmaahdi ahayd (ان كان هدا نوركم فكيف طلامكم)

2- MD Cirro waa nin doonaya inuu u tartamo kursiga dalka looga arimiyo haddi uu  waraaqihii barlamaanka ka soo baxayey xafidi waayey su’aasha lays weydiinaya ma xafidi karaya qaranimada somaliland oo dhan.

 

haddaba waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayna golaha guurtida sida xilkasnimada leh ee ay u gudanayaan hawlahooda qaran arintan maanta ay qabteen waxaa suura gal ah in meel dheer laga dooni laha haddaanay waajibkooda marin aad baan u hambalyeynaya.

Gebogebadii waxaan ugu baaqaya guddoomiyaha inuu ku soo laabto wadada siyaasada xalaasha ah ee aan Cali Khabeeyaha lahayn si uu u quud dareeyo taageero uga timaada bulshada dhexdeeda.

Alla Mahad leh

Cabbas Baashe

++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++
Fekrada Iyo Qaabka Fahan Ee Qoraalkan Waxaa Iska Leh Qoraaga Ku Saxeexan, Kasbashadiisa Iyo Ka Booditaankiisuna Wuxuu Gaar U Yahay Isla Qoraaga. Marnaba Kama Masuul aha Shabakadda Somalilandtoday.com Balse waxay Shabakaddu Diyaar u Tahay Is Dhaafsiga Rayiga Gacal Wadaaga Ah……..