Guul-darradu Waa Salaanka Guusha W/Q Amb Ahmed Safiina

Maanta Waxaan u safray dalka diba-diisa dhamaan shacabka Somaliland Waxaan leeyahay safar salaama inshaa alaah isu soo noqod dambe.

Hargaysa Waxaan soo gaadhay 3-10-2017 anoo kasoo qayb qaatay ololihii Xisbiga WADDANI ilaa 13-11-2017 dadaal kay-ga iyo awoodayda intay doonto ha leekaatee waxba Kalama hadhin, Nin ila shaqeeyay ayaa garan, doqona loo sheegi maayo.

Doorashadii kadib taariikhdu markay ahay 18-11-2017 Waxaan go-aan saday inaan ku dadaalo ka shaqaynta Amaanka Somaliland oo ilaahayna nala garab galay walaw dad badan igula Dagaalameen, Waxaan filayaa dadkaasi amaan Diid May ahayn ee laga yaabaa inay Sa-luugeen qaab kaan u maray

Mudo 15 bilood ah Waxaan si dhaw ula shaqay nayay Murashax C/raxmaan Maxamed C/Laahi Cirro oon u arkayay inuu yahay masuulka ku haboon hagida Qaran-kan, ilaa hada waan aamin sanahay Laakiin Ale muu qadarin Doorkan laga yaabaa wakhtigan inaanay khayr noo ahayn.

Mudadaas Waxaan ogaaday inuu C/raxmaan Cirro yahay, Akhlaaqdii wanaag sanayd oo luga Leh, Cirro waa samirkii oo soconaya, waa Dadnimadii oo damiir leh, Waa dulqaad kii oo kursi ku fadhiya, Waa aqoon tii oo iFaysa, Waa karaamadii oo koor xidhan, Waa ilabx nimadii oo toosh sidata, Waa dad dhagaysigii oo Canjalad sita, Waa masxkaxdii oo Laba-jibaaran , Waa deeqsi-nimadii oo gacmaha furatay, Waa Raxmadii oo Barwaaqo joogta, Waa go-aan qaadashadii oo dhexda soo xidhatay, Waa xukunkii oo xikmad wata, Waa fulintii oo daga-naan wata.

intaan siyaasi la shaqay nayay qof lamida walaahi maan arag sharaf wayn ayay ii ahayd inaan la shaqeeyo garab kiisana istaago Cilmi badana ka barto.

Dar-daaran ku socda
Taageerayaasha xisbiga WADDANI
Saaxiibayaal mar labaad iyo mar sadexaad Waxaan idiin ka Mahad celinayaa Dadaalkii, dhaqaalihii, wakhtigii, iyo Codkii aad galiseen Xisbiga.

Waxaan idin kula dar daar mayaa inaad ka fogaataan niyad jabka, daalka, is dhigashada, Is-Dhaleecayn ta iyo QABYAALADA , ogaada in Xisbigan yahay Hanti qaran dhamaan Somaliland u siman tahay.

Taageere ogow xisbigu kaligaa kaa muu dhicin, Xanuunku kaligaa kuguma koobna Waxa dareemaya dhamaan qof kasta oo Guul la jeclaa Xisbiga, Qof kasta oo dhaqaale, Ama Olole, Ama Wakhti, Ama fikir, Ama xikmad, Ama cod, ka galay Xisbiga, Aniguna kamid ahay, Adna ka mid tahay,
Ogow gaadhitaanka guushu maaha timir xabal taala guushu waa markaad kufto eed kacdo.

Ha-Noqon nacaskii kufay ee ka dhex baroortay Galgalinta ama ciida ee ku hadaaqa hebel ayaa iriday, sxb ka kac boodhka geel matihide istaag oo u diyaar garaw loolanka soo socda

Waxaan idin kula dar daarmayaa inaad ilaalisaan dhamaan taageerayaasha, madaxda, iyo masuuliyiinta xisbiga, ka ilaali xajiinta iyo hadalka xanafta leh, wakhtigan oo kale hadalka deelqaafka ah ama Naxliga wata wuxuu ka xanuun kulul yahay xabad rasaas ah
Madaxdaada Umuuji dhiiri galin iyo garab istaag.

Waxaan idin kula dar daar mayaa oo kale inaad soo dhaway saan dhamaan taageerayaasha cusub ee kasoo hayaami doona xisbiyada kale

Xisbiga Kulmiye iyo taageerayaashiisa Waxaan kula dardaar mayaa ku dhaqan-ka shuruucdii aad ku ololeeyeen taas ayuu shacabku idin kula xisaab tamayaa
Madaxwaynaha iyo dawladiisa kala shaqeeya wixii wax-qabad iyo wanaag ah, kana qabta wixii gaf iyo qalad ah

—( Idinkaa Rabigeen ka bayay Madaxnimada Muuse ee ku Raaxaysta go-aamada Suuban ee kasoo fula )—

Madaxwaynaha Waxaan kula dar daar mayaa
Mudane Madaxwayne Ogoow 👉 DAL kuma dhismo Maskax Nin kaliya ee u talo badso go-aamada kaa soo fulaya
Madaxwayne Dadka isku wada oo walaalee waxqabadkana horaysii , Mudane Waxa lagaaga fadhiyaa Cadaalad Dadka deeqdo.

Shacabka Somaliland Waxaan kula dar daar mayaa ilaalinta amaanka iyo nabad galyada, kobcinta waxsoosaarka iyo dhaqaalaha, Jaar wanaaga iyo Jacaylka Qaranimada.

Ugu dambayn waxa laga yaabaa maalmaha soo socda inaan ka fadhiisto siyaasada arimaha gudaha somaliland una xuub siibto siyaasada arimaha dibada iyo xidhiidhada beesha caalamka.
Alaa Mahad leh

Marlabaad Safar salaama Asxaabtayda qaaliga ah soona duceeya

Amb Ahmed Safiina