Gudoomiye Cirro Kursiga Xaal Kumuu Helin’ee Waxa Doortay Mudnayaasha Golaha Wakiiladda. Qalinkii Maxamedsaalax

Gudoomiye Cirro kursiga xaal kumuu helin ee waxa doortay mudnayaasha baarlamaank. Sharci ahaan doorashada shirgudoonka waxa iska leh mudanayaasha baarlamaanka. Farsamo ahaana waxa maamula habsami u socodka hawlaha golaha ka socda sidda xeererka,go’aamadda, ansixinta iyo doorashooyinka xoghaynta golaha wakiildadda oo kaashanaya shaqaale weynaha golaha. Wixii siyaasad ah waxa lagala xisaabtamayaa xubnaha baarlamaanka. Wixii farsamo xumo ahna waxa lagala xisaabtamayaa xoghaynta. Waxa muuqda maanta waxa weeye in xubnihii golahu shaqadoodii ka soo baxeen oo mudane kastaa u codeyay ciddii uu dan u arkayay. Waxaase meesha soo galay awood ka baxasan sharciga baarlamaanka oo arrintii farsamada hayd khalkaliyay. Tani waxa ku haboon tahay in lagala xisaabtamo xoghaynta golaha.

Waxaase

nasiib daro ah in siyaasiyiin waaweyn dadka ugu khudbeyaaan wax aan sharci aheyn . Mujaahid Cali guray oo ka tirsan xisbiga kulimeye kuna raacay qabyaalayd iyo ka madhnaasho aragti siyaasadeed oo dalkan lagu badbaadiyo;ayaa waxa uu ummadda u sheegay in uu filayay in musharxa cabdiraxmaan cirro xaal u siiyo baashe maxamed kursiga guddoonka wakiilada ee uu baneyay. Hadalkan waxa ka muuqada fahan la’aan arimaha ku haboon in lagu ololeeyo iyo kuwa qaranka ka dhaxeeya oo loo baahan yahay in uu qofku mawqif cad ka qaato.
Gudoomiye Cirro kursiga xaal kumuu helin ee waxadoortay mudnayaasha baarlamaank oo ay ka mid yihiin xildhibanadda xisbiga kulmiye ee maanta cali guray janbiga ka qabsaday.

Musharax Cirro maanta waxa uu u taagan yahay jagada madaxweynaha jamhuuriyada Sommaliland taas oo uu shacabka codkooda waydiisanayo. In uu xaal iyo hadyad ku helo diyaar u ma aha ee wuxuu u tartamayaa sidii dalkan loo horumarin lahaa una noqon lahaa hogaamiye umaadoo dhan isku wada.

MaxamedSaalax

Dhallinyarda isbedeldoonka ah ee Xisbiga WADDANI.

Facebook: Maxamedsaalax

maxamed_s2000@hotmail.com