GUDOOMIYE CIRRO : AFKAAGA OO KU XIDHAA WAA ALLE GOO

ASC DHAMMAAN BULSHADA REER SOMALILAND

WAXA AAN DAAWADAY SHIRKII JARAA’ID EE UU MAANTA QABTAY GUDOOMIYAHA XISBIGA WADANI MD. C/RAXMAAN CIRRO OO UU KAGA HADLAAYEY ARINTII KU SAABSANAYD XUBINTII WADANI USOO XULEEN INUU UGA QAYBGALO GUDIDA DOORASHOOYINKA QARANKA.

images

GUDOOMIYE CIRRO WAXA UU AAD UGU CELCELIYEY IN DR. CISMAN FADAL AANU XISBIGA WADANI KA MID AHAYN MARKII AY WARQADA MADAXWEYNUHU XAFIISKA WADANI SOO GAADHAY,

WUXUU YIDHI WARQADA MADAXWEYNAHA EE UU KU CODSANAYEY SOO XULISTA XUBNAHA KOMIISHANKA AY KU TAARIIKHAYSANTAHAY 24/08/2014.
WUXU CADEEYEY IN XISBIGA WADANI AY

SO GAADHAY 28/08/2014.
WUXUU SHEGAY IN XISBIGA UCID AY SOO GADHAY 26/08/2014.

HADABA AKHRISTOW BAL ILA EEG WAKHTIGA UU ISCASILAY DR. FADAL EE UU ISKA CASILAY XOGHAYAHA ARIMAHA DIBADA EE XISBIGA WADANI EE UU GUDBIYEY ISCASILAADIISA WAA 27/08/2014. KA EEG DHAMMAAN WARBAAHINTA. ama booqo. http://baligubadlemedia.com/2014/08/xoghayihii-arrimaha-dibadda-ee-xisbiga-wadani-dr-maxamed-cismaan-fadal-oo-is-casilay/

OGOW AKHRISTOW WAA MAALINTII UU GUDBIYEY ISCASILAADA 27/08/2014. GUDOMIYE CIRRONA WAXA UU KA AQBALAY ISLA MAALINTAAS SIDAY SHEEGEEN. WAXA ISWEYDIINTU TAHAY XEELADA UU KU DOODAAYO GUDOOMIYE CIRRO MATAHAY MID LA QAADANKARO, AMA LAGU DOODIKARO.?

WADANI HOREY UGU EEKAYD INAY FADAL SII DIYAARIYAAN OO ISCASILADIISA AY KA HOR SII DHAMEEYAAN WAAA HADII AANAY KA AHAYN ARINTU INAY DOORASHADA CARQALADEEYAAN, OO AY MARKA HOREBA UGU TALO GELIN MURAN, 24 /08/2014 MADAXWEYNUHU UGUDBIYEY HAY’ADIHII AY KHUSAYSAY SOO XULISTA KOOMIISHANKA. MARKAASNU FADAL WADANI ISKA CASILAY WAA WAX UCAD SIDA CAD-CEEDAAS OO AAN SACAB LAGU QARIN KARIN.

HADALKA CIRRO WUXUU BULSHADA U IFTIIMANAYAA SIYAASAD XUMADA XISBIGIISA WADANI IYO KHIBARAD XUMADA IYO WELIBA SIDA AY UGA GO’ANTAHAY HAGARDAAMOOYINKA AY KU CARQALADAYNAYAAN DOORASHADA 2015, WAAYO WAA XASBI AAN WAXBA U DIYAAR AHAYN OO QABYO AH, WADANI MANA LAHA QAABDHISMEEDKII XISBI QARAN OO DHAMAYSTIRAN SIDA, GOLIHII DHEXE EE XISBIGA, BARNAAMIJKII XISBIGA, MUSHARIXIINTII MADAXWEYNAHA IYO KUXIGEENKISA.

WQ. ABDIFATAH SHALUMARAY
E-mail:ubabdifatah@hotmail.com