Gudoomiye ciro ninka qaawan ee uu leeyhay qabta waa kuma ?

Bismilaahi raxmaani raxiim ilaahay dariiqa toosan hayna waa fajiyo aamiin, intaas dabadeed nolosha aduunaka iyo waayaha isbedelayaa wuxuu qofka bini aadamaka ah ku keenaa dareeno kala duwan sida dareen farxadeed, mid murugo mid naxdineed ama layaab kudhaliya intaba, hadaba akhristoow waxaan maqli jiray berigaan yaraa odayaal yidhaahda waxaan usoo joogay arintaasoo aan aad u baciidsanjiray ama layaabi jiray, ayaan maanta anigu idhaahdaa waxaan usoo joogaya waana alxamdullilaha qofka ilaahay ciri siiyo inuu ilaahay ugu mahadnaqaa waa waajib.
c

Hadaan usoo noqdo dulucda maqaalakayga waxaan ku cabiryaa rayigayga iyo argtidaya,taasoo aan kaga hadlayo ama kufalanqaynayo hadal maalin dhowayd kasoo yeedhay gudoomiyaha xisbiga wadani mr. Cirro ,hadalkaasoo anigu markaan qiimayey aan maahmaah, murti iyo xikamad midna ahayn ee u ekaa ama ahaa waxa loo yaqaan jubuqtaaniska.Cirro wuxu yidhi beribaa nin laba go iyo waran sitaa dad soo dhex galay markaasaa layidhi waar ninka waranka sita qabta markaasuu warankii tuuray markaasaa alyidhi waar ninka labada go sita qabta markaasuu labadii mid tuuray markaasaa la yidhi waar ninka go asita qabta markaasuu go ii tuuray markaasaa layidhi waar ninka qaawan qabta markaasuu intuu fadhiistay yidhi ilaahow hana shoocadayn.Hadaba akhristoow hadalkan oo aan anigu arko midaan xikmad weyn lahayn haday nuse dhuuxno oo dhiraandhirino oo kaba dhigno insidaa Cirro sheegayaa jirtay waa kuma ninka maata  sifahan leh ee qaawan ee ubaahan in laqabto?

Hadaba intaanan ugudo gelin jawaabta su aashan waxaan jecelahay inaan sheeko beri dhacday taasoo ahayd, nin baa beri kiis lagu soo oogay ninka kiiska lagusoo oogay waa nin xiska wax uga dhiman yihiin laakiinse aan la ogayn ninkii baa maxkamad la keenay sikiiska loogu qaado ninku wuxu ku lebisn yahay halgo oo keliya waana feedha qaawanyahay markii su, aashii ugu horaysay laweydiiyey oo laga sugayo jawaabteedii ayuu intuu go ii dhulka dhigay isagoo qaawan, xaakinkii toos u abaaray oo yidhi xaakim waad qaawantahay! arintani waxay naxdin iyo afariir kunoqotay xaakimkii iyo dadkii maxda dhegaysanayey, waxayna sababtay in kiiskii la xidho isla markaana lagu ogaado inanaan, ninka xiskiisu caadi ahayn´.

Hadaan usoo noqdo nuxurka maqaalakayga anigu waxaan hadalka  odhan karaa cirro isagaa is tilmaamay ninka qaawan ee uu sheegayaana waa isga waana ninkaa waalan ee xaakimka ku yidhi waad qaawanatahy isagoo isagii qaawan.

Mida labaad ciro wuxu gebiley ka yidhi muddo kordhin maxaynu nidhaahnaa, mudo kordhin maxaynu nidhaahnaa,mudo kordhin maxay nu nidhaahnaa. BIlaahi calayka akhristow waxaaan ku way diiyey gudoomiye ciro 5sano oo mudo kordhin ah buu ku joogaa kursiga baar lamaanka mrakaa mataasaa xaaraana? mise tan madaxweyne siilaanyo ee ku fadhiya kalsoonida  shacabkiisa? anigu waxaan odhan karaa cirro isagaa isu maahmaahee reer wadaniyow qabta una shaeega in hadii kordhisku xaaraan yahay uu isagu kufadhiyo xaaraan,hadaanu fahansanyna ushraxa inaanu cod shacab kursiga baarlamaanka ku fadhiyin ee uu kordhis ku fadhiyo waamaxay sharciga cirona kordhiska u xalaalayyey madaxweyne siilaanyona kaxaaraantinmeeyay?

Axmed Ckariim Ducaale (walhad)

Lataliyaha Wasaarada ganacsiga iyo maalgashiga somaliland ee wadamada Scandanavianka

Denmark