Gudoomiyaha Aqalka Sare Ee Somaliya Mid Baan Odhan Lahaa!

Waxaa taariikhdu ina bartey siyaasiin badan oo dulmiga u hiiliya,xaqana ka hiiliya waxay ku dambeeyeen mustaqbalkoodii, waxaa kale oo taariikhdu inoo iftiimisey siyaasiin tiro yar oo dadkooda iyo dalkooda oo dulmi ku jira u huray naftooda.Sideedaba Maskabka laguma raadiyo sida dad badani aamin san yihiin balse waa wax Allah(swt) bixiyo oo wixii laguu qorey marna waayi maysid.Kaad haysana sii xajisan maysid wax kasta oo aad sameysaba haddii Allah(swt) kuu mudeyn inta aad haysid ama aad hayn doontid.

Intaasi waa iga tusaale guud.Cabdixaashi aniga waxaa iigu horeysey badhtamihii 80 naadkii mar uu Kaaliyaha kowaad ee xisbigii hantiwadaaga ee dawladii kacaanka loo soo magacaabey gobolkii waqooyi galbeed.Wakhtigaa anigu arday baan ka ahaa dugsi sare oo hargeysa ku yaal.

Waxaa aan xusuustaa in marka xafladaha kacaanka golihii murtida iyo madadalada ee hargeysa lagu dhigayo inuu isaga oo kaaliyaha 1 aad gobolka waqooyi galbeed ah oo badhasaabka gobolka uun uu ka sareeyo inuu heesaha kacaanka lagu amaanayo ka qaadi jirey tiyeetarka halka hooyoyinka iyo dadka kale ee la soo kaxeeyeyna iga daba qaada odhan jirey halkii laga rabey in uu xilkiisa Jaale siyaad u soo magacaabey ee gobolka wax loogu qabanayo guto ayuu WAANU ADKAANE WAANU ADKAANE………..iyo heeso la mid ah la shir yimi. Markii laga bedelay Gobolka mudo ka dib waxaa loo magacaabey Maareeyaha Golihii Murtida iyo Madadaalada ee muqdisho. Halkaa waxaa ka garenaysaa in uu mudanuhu ku wanaagsan yahay durbaanka Kacaanimada.

Maanta waxaa aan xusustey wakhtigaa waayo maanta waa Gudoomiyaha Aqalka sare ee Somaliya waxaana aan arkey qoraalo laga qorey uu lee yahay sidan “Goosashada Somaliland Shaqsiyaad baa raba oo dadweynaha ka dhaadhicinaya oo ka faa’iideysanaya kuwaasi waa siyaasiinta” Waxaa kale oo uu yidhi “ Anigu midnimo ayaan rabaaye waxaa rabaa in la ii ogolaado Aniga iyo ka Goosashada rabaa in aanu ku doodno oo isaguna rayigiisa soo bandhigo aniguna kayga”.

Midbaa ka odhanayaa Mudane Cabdixaashi :

Mudane waxaa aan ka xumahay in aad dafirto oo aad waxba kama jiraan ka dhigto fikirka dhabta ah ee shacbiga Somaliland ku doorteen in ay ka madax banaanaadaan midnimadii 1 July 1960 ay la wadaageen Somalida koonfureed ee aad madaxda ka tahay hadaba waxaa kula gudboon in aad dawladaada federalka Somaliya kula telisid in ay hantidii iyo wixii lawada lahaa ee labada dal ka dhexeeyey dankaas iska soo bixiyaan intaan maxkamad ka garnaqda loo gudbin.

Saaxiibadaadii kula wadaagayey fikirkaa Midnimadu waa kuwan hada xisbiyada ku jira Somaliland ee miyaad is ogtihiin. Tan kale ogow Somaliland hadii aad dood la geleyso waxaa uu diyaara dhigaaga Somaliland Gudoomiye Saleebaan ayaa wada doodidoontaan ee soo diyaar garow.

Mahadsanidiin dhamaantiin,Allah(swt) ayaa ay u sugnaatey mahad dhamaanteed

M J Farah. Political analyst and writer, BEng (Hon), BA, AVCE, Cert. C. Journalism

©Hogaanka.wordperss.com