Gudomiyihii hore ee Hayada qurbajoga u qabilsanaa Wadamada Yurub Abdiraxman Ubaxle oo Baaq nabadeed u diray Shacbiga reer qorilugud iyo buhodle xukumadana ugu baaqay inay xalku halka uu ku jiro u marto

Bismilaahi Raxmani Raxiim

Asalamu Calaykum wa raxmatulahi wa barakatul.

Ugu horayn waxaan halkan Tacsi uga dirayaa eheladii, qaraabadii iyo qaranka Somalilandba anigoo uga tacsiyadaynaya dhalinyaradii lagu xasuuqay degaanka  maskax buqda ee u dhexeeya  Qorilugud iyo Buhoodle marxuumiinta gacanta ka gardarani dishayna waxaan ilaahay uga baryayaa in ilaahay janadii fardowsa ka waraabiyo una denbi dhaafo.

unnamed (5)

Intaas ka bacdi waxaan ku baaqayaa nabad iyo wada noolaansho lagu soo dabaalo degaankaas colaadiisu dhamaanweyday anigoo labada dhinacba ku adkaynaya inay caqliga ka shaqaysiyaan oo dareemaan dibu dhaca ay colaadu ku keentay degaankaas iyo wada dhalashada ka dhaxaysa ee aanay labada dhinac ku kala maarmi karin , waxaan si gaara nabada ugu baaqayaa shacabka reer qorilugud oo maanta ay iyaga dhibtu gaadhay iyagoo dhinacooda marar badan nabad ku baaqay dulqaad badana muujiyey ayaan maantana ugu sii baaqayaa nabada oo aad sii adkaysaan isla markaana dulmiga la inagu sameeyey aynu ku raadino sida ugu haboon ee colaad looga baaqsan karo laguna badbaadin karo dhiig danbe oo daata.

Xukuumada Somalilandna waxaan ugu baaqaynaa inay xal u raadinta colaada degaankaas u marto wadada ugu haboon ee loo mari karo isla markaana ay qiimayso cida ay khusayso ee nabadu ka godo kana ilaaliso cid kasta oo marin habaabinaysa nabad laga dhex dhaliyo labada dhinac ee danta iyo deegaanku ka dhaxayso iyadoo aynu ognahay in wax garadka degaanka qorilugud ku cawdeen inaan loo marin arinta nabadaynta jidkii ku haboonaa iyo cidii haysatay kalsoonida degaanka sidaa darteed waa muhiim in xukuumadu ixtiraamto bulshada degaanka ee iyagu u ooman nabada dhinocodana in badan ku ixtiraamay xukuumada oo ka amar qaatay inay hakiyaan talaabo kasta oo ay jawaab kaga bixin lahaayeen weerarada gardarada ah ee mar kasta lagu soo qaado.

Wa bilaahi Towfiiq

Abdirahman Ali Ubahle

Hargeysa

Somaliland