Gudida Arimaha Gudaha Ee Golaha Wakiiladda Oo Kulan La Qaatay Xubnaha Cusub Ee Komishanka Dorashooyinka Qaranka.

(SLT-Hargeysa) – Gudidda Arimaha gudaha iyo nabad gelyadda Golaha Wakiiladda Somaliland waxa ay maanta kulan la qateen xubnaha gudida cusub ee komishanka Doorashooyinka qaranka ee uu dhawaan Madaxwaynaha Somaliland mudane Axmed Mxamaed Siilaanyo u gudbiyay Golaha wakiiladda.

a

Kulankaasi oo ahaa mid albaabadu u xidhanyihiin ayaa markii uu soo idlaaday waxa warbaahinta la hadlay Gudoomiyaha gudida arimaha gudaha iyo nabad gelyadda Xildhibaan Jaamac Rayte oo isagu faah faahin ka bixiyay waxayaabixhii ay ka wada hadleen xubnaha cusub ee komishanka doorashooyinka waxana uu yidhi” kulankani waxa uu ahaa mid xogwaraysi ah waxanu  gudida aydu markaanu isla eegnay ku qanacanay xubnahaasi inay buuxin karaan jagooyinkaasi losoo magacabay”

b

geesta kalena xildhibaan Jaamac rayte isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu sheegay in dhawaan waxana isaga oo arimahaasi kadlaya uu yidhi” sabtida iyo axada ayaa xildhibaanadu fadhiisanayaan komishanka waa la ansixinaya hawshoodana way bilaabayaan”

c

Kulankani waxa uu ku soo begmayaa xili wali uu khilaaf ka taganyahay xeerka diwaan galinta madaniga ah iyo ta codbixiye yaasha oo uu dhawaan laalay golaha guurtida Somaliland.

Jaamac Aadan Maxamed (jirde)

Somalilandtoday Hargeysa Office

Contact@somalilandtoday.com