Guddoomiye Muuse Biixi Geyigu Ma Ka Maarmayaa?: Gorfaynta Hees Loo Qaaday Murashaxa KULMIYE!

Maalmihii ololaha ayay xafiisyo dhawr ah oo KULMIYE ku leeyahay magaalada Hargeysa duulduul ahaan igaga soo gaadhay hees loo qaaday Guddoomiyaha ahna Murashaxa xisbiga talada haya Md Muuse Biixi Cabdi. Ereyada ugu caansani waxa ay ahaayeen “Guddoomiye Muuse Biixi Geyigu ma ka maarmayaa?”.

Si aan uga bogto waxa aan galay barta baaxadda balladhka iyo ballaca leh ee Youtube, kaddibna waxa ii soo baxay nuxur ka duwan kii aan moodayay in ay suugaan ahaan ku qotonto heestaasi. Waxay noqotay tix guraangur ah oo laga minguuriyay godad kala geddisan. Iyada oo aan la tifaf-tirin ayaa fagaare laga tiriyay. Shaw dadkuna muusigga ayuun bay dhegaysanayeen. God-maanseedyadii Baarcaddaha, Waraabka iyo Maqasha ayaa la isku dhafay, markaasaa lagu dhawaaqay.

Walaw uu Muuse Biixi Cabdi yahay tartamaha ugu aqoonta badan suugaanta iyo dhaqanka isla markaana uu nolol miyi iyo mid magaalaba arkay isla markaana uu la jaal yahay abwaanno waaweyn oo Hadraawi, Marxuun Gaarriye iyo Xasan-Ganey ka mid yihiin waxa aan filayaa in la caammeeyay. Ku darso’ oo maalintii kowaad ee aan ballaan gaar ah kula kulmo Muuse Biixi Cabdi waxa aan xafiiska KULMIYE ugu tegay isaga oo akhrisanaya gabay laga curiyay halganka SNM. Haa, halkaa kulannada ii yara dib-dhiga.

Haddii aynu u soo laabanno heestan laga unkay god-maanseedyada la isku cayn iyo bayd jaray, ka ugu horreeya ee ay ku fadhido ama Baarcadduhu waa kii ahaa
Hiyeeleey hiyee
Habluhu gaaggaabanaa
Ma gudin baa lagu sarjaray

Cismaan-yare caga-dabayl
Shaluu Cadantii ka yimi
Shan naagood buu wataa
Shantuba shaahay cabbaan

Ma Boosaasaad katimi
Ma soo badi baad is tidhi
Ma boodhkay kugu qaseen

Jacayl lama moosi karo
Siduu mayayguu da’aa
Mirood buu kugu dilaa

Naf go’day iyo roob galbeed
Midkoodna hadduu galbado
Gadaal uma soo noqdee

Heestu Baarcaddehaas oo deegaannada qaarna Saar looga yaqaanno, meelana Baloolley laga yidhaadho ayay ku bilaabmaysaa. Waxay tidhi:
Guddoonshaha haybadda leh
Wakaa bari iyo galbeed
Shacbigu garab joogsadee
Giddiga Somaliland
Gacmaa la is wada qabsaday

Haddii ay shantaasi baarcadde ahaayeen, waxa loo gudbay godkii maqasha.

Maqaley warlaay
Ma laguu warramay?

Garoy maadahaa
Waa maalin dhaw
Oo ay midi dhashaa
Midi dhaysisaa
Midna dhaqayo tahay

Aniguba Basraay
Berigaan yaraa
Waan boodi jiray
Waan badhi caddaa

Hadba waxan arkaa
Anoo ay cidla’a ah
Eri-dhaban sidii
Kuu ololayee

Waar dee maxaad iiga eegaysaan, keena tusaaleyaal kale? Meerisyada heesta Muuse Biixi ee godka maqashu waa kuwan:

Isu geynnayoo
Isla garannayoo
Guushu waa KULMIYE
Waa geesi qaran

Godkii Waraabka ayaa haddana loo gudbay.

Shifo ku af-saar
Oo shar kuuma leh

Koor-dhawgaagiyo
Kalaamka Alleba
Waa na kiciyoo
Waa wax nagu kulul

Adoo gubad galay
Guduudna ahaa
Garaad-laawuhu
Goodir kugu sheeg
Oo ku garan-waa

Mawjad xooglaa
I maanqaaddoo
Mijihiibaan
Meel la waayee

Markay maqan tahay
Mugdi weeyo
Magaalada dhami
Way madawdee

Iyada oo waraabka lagu maaweelinayo isla markaana la isku sidkay tuducyadii maqasha iyo waraabka ayaa la yidhi:

Waa geesi qaran (godkii maqasha)
Oo xil gudan kara (waraabka)
Runta kama gabbado
Beenna uma gar-lulo
Taladuu galaa
Galdoolo ma leh

Isu geynnayoo
Isla garannayoo
Guushu waa KULMIYE
Gar Allee bulshoy
Gudcurkiyo caddadu
Ma gudboon yihiin?

Guddoon jilicsan oo
Gedgeddooma oo
Lagu soo gabbado
Qaran kuma galee

Meerisyadii Baarcaddaha iyo Waraabka oo madaxa la isu geliyay ayaa haddana lagu yidhi:
Guddoomiye Muuse Biixi
Geyigu ma ka maarmayaa “Maya, maya”
Isu geynnayoo
Isla garannayoo
Guushu waa KULMIYE

Waxa lagu gunaanadayaa godkii waraabka oo maraqiisa la cabbay. Gunaanadkuna wuxuu ahaa:
Waa indheer-garad
Waa nin garasho leh
Oo garaad badan
Oo geyiga jecel
Oo go’aan adag

Aar bal jooga waan illaawi gaadhaye, intan halhayska iyo dhextaalka ahayad ayay hobolladu heesta ku af-meereen.
Guddoomiye Muuse Biixi
Geyigu ma ka maarmayaa “Maya, maya”
Isu geynnayoo
Isla garannayoo
Guushu waa KULMIYE

Haa, Xafiiska Wacyigelinta u qaabbilsan KULMIYE ayaa eedda leh. Haddii la baandhayn waayana, qaar buuri tufaya ayaa lagu sheegi kuwo Murashaxa bogaadinaya.. Hawraartu geeso iyo girgirro badanaa? Ma ereyadii Maxamuud Xaashi Cabdi baa? Ma laxankii Cismaan Cabdillaahi Saxardiid (Caddaani) baa? Ma muusiggii Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse) tumay baa? Ma habayntii iyo soo-saaridii Maxamed Ibraahin (Qabo) ku fara-yaraystaybaa