Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi Oo Beeshiisa Oo Qudha Ku Koobay Guddida Fulinta Xisbiga KULMIYE Ee Gobolka Gabiley.

(SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye, ahna Murrashaxa Madaxweyne ee Xisbigaas Muuse Biixi Cabdi, ayaa Gobolka Gabiley u magacaabay 17 xubnood oo ka kooban Guddida fulinta ee Xisbigaas ee heer Gobol, kuwaasoo sida ka muuqata magacaabistoodu dhinac ka rarantahay, isla markaana uu ugu sad-buriyey beello gaar ah, kuwo kalena ku quudhsaday.

Muuse1

Guddidan oo uu Shalay magacaabay, ayaa 13 kamid ah waxay ka soo jeedaan Beesha Sacad Muuse ee uu dhalasho ahaan ka soo jeedo, halka afarta soo hadhay oo ah xubno aan wax xilal ah loo magacaabin la siiyey beellaha kale ee Gobolka dega.

Beesha Toljecle oo ah Beesha labaad ee Gobolka Gabiley ku wehelisa Sacad Muuse, waxa uu siiyey xubin qudha. Madigaan,Akishe iyo Beesha Gabooye , ayaa sidoo kale min xubin laga siiyey, sida ka muuqata Liiska hoos ku qoran oo ay ku qoranyihiin magacyada xubnaha iyo qabaai’ilka ay ka soo kala jeedaan.

Liiskan Guddoomiye Muuse Magacaabay oo ah mid aan ka turjumayn xuquuqda saami-qaybsi ee Gobolka, ayaa waxa cajiib ah in Jifooyin kamid ah Beesha loo sad-buriyey la siiyey afar iyo Shan xubnood.

Akhri Magacyada xubnaha iyo saamiga Beelaha…

1.Axmed Maxamuud Shirwac – In maanta laga bilaabo uu ahaado Guddoomiyaha Gobolka Gabiley ee Xisbiga Kulmiye. –( Jibriil abokor-Reer Dalal ).

Buraale Mawliid Aw Abdi – In maanta laga bilaabo uu ahaado Guddoomiye Ku Xigeenka Gobolka Gabiley ee Xisbiga Kulmiye. (Cabdale Abokor).

Mursal Maxamed Odawaa – In maanta laga bilaabo uu ahaado Xoghayaha Gobolka Gabiley ee Xisbiga Kulmiye. (Jibriil abokor-Reer Xaad).

Muumin Daahir Kaahin – In maanta laga bilaabo uu ahaado Guddoomiyaha Garabka Dhallinyarada Gobolka Gabiley ee Xisbiga Kulmiye. (Jibriil abokor-Reer Xareed).

Saado Yuusuf Xuseen– In maanta laga bilaabo ay ahaato Guddoomiyaha Garabka Haweenka Gobolka Gabiley ee Xisbiga Kulmiye. (Jibriil abokor -Baho Cumar).

Cabdi Cali Cilmi– In maanta laga bilaabo uu ahaado Madaxa Abaabulka iyo Wacyigelinta Gobolka Gabiley ee Xisbiga Kulmiye. (Jibriil abokor-Baha Cumar).

Cismaan Muxumed Xuseen (Gees) – In maanta laga bilaabo uu ahaado Madaxa Siyaasadda Iyo Nabadgelyada Gobolka Gabiley ee Xisbiga Kulmiye. (Madigaan).

Iid Cabdiraxmaan Sh. Cabdillaahi– In maanta laga bilaabo uu ahaado Madaxa xidhiidhka Laamaha Gobolka Gabiley ee Xisbiga Kulmiye. (Akishe).

Nimco Maxamuud Daa’uud – In maanta laga bilaabo ay ahaato Madaxa Dhaqaalaha Gobolka Gabiley ee Xisbiga Kulmiye. (Baha-cumar).

Maxamed Xasan Maxamuud ( Ina Xasan Canjeex) – Xubin. (Gabooye).

Mahdi Muxumed Guuleed – Xubin.. (Ugaadhyahan).

Mustafe Xaaji Maxamuud Cabsiiye – Xubin.. (Jibriil abokor Dayrayahan).

Sahra Cabdillahi Sheedaal – Xubin. (Jibriil abokor Bah-habar aadan).

Cabdirisaaq Sh. Aadan Cali – Xubin (Cabdalle Abokor).

Cabdisalaan Cumar Warsame – Xubin (Jibriil abokor-reer Dalal)

Buux Maxamed Xaaji Aadan – Xubin.(Cabdale abokor).

Aw Yuusuf Axmed Xasan – Xubin.. (Toljecle).

Haddaba arrintan ayaa si cad u muujinaysa cadaalad darro iyo duudsi siyaasaddeed oo uu dhex dhigay Bulshada Gobolka Gabiley, isagoo dhinaca kalena caddeeyey inaanu dhex u ahayn Mujtamaca Gobolkaas, Xukuumaddiisana uu sidaas ugu kala sad-burin doono.

Waxa kale oo ay arrintani caddeynaysaa inaanu ahayn hogaamiye doonaya inuu kasbado Shacbiga Somaliland oo dhan, balse uu yahay murrashax xod-xodanaya Jifooyinka Beesha si uu cod uga helo.

Marka la eego miisaanka Saluuga laga muujiyey magacaabista Guddidan dhinaca ka rarran, waxa muuqata in Xisbiga Kulmiye waayi doono Kalsoonida shacbi badan oo Gobolkaas ku dhaqan.

Tusaale ahaan, beelaha cududda isbidaya ee saamiga yar ama xubin-xubinta laga siiyey Guddida Xisbiga ee Gobolka, waxa dhici karta inay u digo-rogtaan Xisbiyada kale ee Mucaaridka ah, siiba Xisbiga WADDANI oo geed dheer iyo mid gaabanba u fuushan sidii uu Taageero uga heli lahaa Bulshada Gabiley.

 Waxa kale oo xusid mudan in talaabadan Guddoomiye Muuse uu qaaday, sida qaawana uu ugu kala sad-buriyey shacbiga Gobolka Gabiley,  ay damqi doonto nabarro tabasho oo ay hore Beelaha Gobolkaas qaarkood ka qabeen saami-qaybsiga Guddida Fulinta iyo Golaha dhexe ee Xisbiga.

Si kastaba ha ahaatee su’aasha muhiimka ah ee lays-waydiinayaa waxa ay tahay Murrashaxa Xisbiga Kulmiye ma waxa uu cod ka doonayaa Beeshiisa oo qudha mise dhamaan Beellaha Gobolka Gabiley oo dhan?. Haddiiba ay jawaabtu tahay haa. Siddee ayey xukuumaddiisu ku noqonaysaa mid la wada leeyahay oo ay iska wada dhex arkaan beelaha Somaliland oo dhami?.

Somalilandtoday/Hargeysa/Office

Contact@somalilandtoday.com