Guddoomiye Ku-Xigeenkii Hore Baarlamaanka Kenya Faarax Macalin Oo Ugu Baaqay Madaxda Muqdisho Inay Xidhaan Safaarada Imaraadka Xidhiidhkana U Jaraan Dalkaas.

(SLT-Nairobi) Guddoomiye ku xigeenkii hore ee Baarlamaanka dalka Kenya Faarax Macalin  oo ah siyaasi siweyn uga dhex muuqda siyaasadda Geeska Afrika ayaa ka hadlay xiisada siyaasadeed ee ka jirta dalka Soomaaliya waxana uu ugu baaqay dowlada Soomaliya inay xidho safaarada iyo xarumaha lagu tababaro ciidamada ee ay dowlada Imaaraadka Carabta ku leedahay magaalada Muqdisho.

Siyaasiga Faarax Macalin ayaa bartiisa Twitterka soo dhigay fikirka uu ka qabo siyaasada dalka Soomaaliya waxana uu kula taliyay dowlada Soomaaliyeed in haddii ay hayso cadeymo ku filan inay ka dacweyso Qaramada Midoobay dawlada Imaaraadka Carabta. Faarax Macalin ayaa sheegay in aysan u wanaagsanayn dawlada Somalia  inay sii sugto illaa laga burburiyo balse ay haboon tahay in ay tallaabo ka qaado wadanka Isutagga Imaaraadka Carabta.

Waxaa soo baxaya fikrado kala duwan oo ku aadan sidii ay dowlada Soomaaliya u wajahi lahayd khilaafka siyaasadeed ee dalka ka jira, iyadoo haatan farta lagu fiiqayo dowlada Imaaraadka Carabta inay ka dambeyso qalqalka siyaasadeed ee haatan ka soo ifbaxaya dalka Soomaaliya.

Somalilandtoday/Hargaysa/Office