Guddoomiye Cirro Oo Maamuus Ka Xayuubintii Loogu Hanjabay Ku Moosey SAYLICI, Hoos-na U Dhigay Kacdoonka Siyaasadeed Ee Golaha Wakiilada Ka Curtey

(SLT-Hargeysa) – Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, ahna hoggaamiyaha Xisbiga Mucaaridka ah  Waddani, Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa markii ugu horaysay jawaab ka bixiyay eedeymaha iyo hanjabaadda Maamuus ka xayuubinta ahaa ee ay Arbacadii toddobaadkii hore u jeediyeen xildhibaannada Golaha wakiillada ee xisbiga KULMIYE.

Guddoomiye Cirro oo warbaahinta kula hadlay qolka nasashada ee Madaarka Hargeysa oo ay ka soo dageen isaga iyo madaxda labada xisbi ee kale, ayaa ku dooday in Guriga Madaxweyne ku-xigeenka laga soo abaabulay  dhaleecaynta ay mudaneyaashu u soo jeediyeen, waxaanu tilmaamay  inay Madaxweyne ku-xigeenka iyo Wasiirro ka dambeeyeen arrintaasi.

Guddoomiye Cirro, ayaa sidoo kale fariin diblomaasiyadeed u diray mudaneyaasha ka soo horjeeda, waxaanu sheegay inuu Oday u yahay, dhexdoodana ku dhamaysanayaan arrin kasta oo gole ahaan la soo gudboonaata “Sida warbaahinta laga  sheegay ugu yaraan saddex jeer Madaxweyne ku-xigeenka iyo Wasiirro ayaa xildhibaanada eedda ii soo jeediyay kula jiray Guriga Madaxweyne ku-xigeenka, markaa waxaan isleeyahay eeddaa la soo jeediyay inkastoon ka maqnaa, waxa lagu soo sameeyay Guriga madaxweyne ku-xigeenka, eedo Golluhu leeyahayna maaha”.ayuu yidhi.

HSE6wRMd2pNWB2CjzwipFU-24kp15Lnp_Ip2jYcyoV6D4e2XdAhVbK7H9Qe_5jauTmhuJdQoYwzNVv_R4OmXe_TvfcvJJ_NGLsx0f5n7MegyqUsKSr6n=w300-h300-nc

Guddoomiyaha ayaa intaasi ku raaciyay “Xildhibaannada hadlay, kuwo Muxaafidka ah iyo kuwa u jawaabayba waa mudaneyaashaydii golaha wakiillada, anigaa u oday ah, golahana anigaa u odaya, wixii dhexdiisa ka yimaaddana annagaa  dhamaysanayna haddii Alle yidhaahdo”

Isagoo ka jawaabaya Maamuus ka xayuubinta loogu hanjabay, waxa uu yidhi “Xil ka qaadistu waa wax iska caadiya haddii ay sharci soo marto, waxaanan leeyahay qof kasta sharcigaa ka sareeya, hadday aniga tahay iyo hadday cid kale tahayba, markaa haddii sifo sharci ah loo soo maro taas dariiqeedaa la marinayaa” ayuu yidhi Cirro

Guddoomiyaha, ayaa sidoo kale tuduc suugaaneed oo duur-xul siyaasadeed u muuqday kaga jawaabay eedaymaha loo jeediyay iyo maamus ka xayuubinta loogu hanjabay. Waxaanu yidhi “Anigu suugaanta ma aqaanno, balse waxaan leeyahay “Ma didee Hargooloow ha igu tumin durbaannada iyo daasadaha madhan”ayuu yidhi Cabdiraxmaan Cirro oo kaftan Duur xul ah u dirayay dhinacyada siyaasadda ay isku hayaan.

Hadalka guddoomiye Cirro ayaa dabada socda dhawaaq ka soo yeedhay Mudaneyaal ka tirsan aqalka wakiillada arbacadii aynu ka soo gudubnay, kuwaasoo ugu hanjabay inay Sabtida maanta Golaha keenayaan mooshin maamuus ka xayuubin ah oo isaga ka dhan ah.

Golaha Wakiillada ayaa maanta la isugu yeedhay fadhi aan caadi ahayn oo socon doona muddo laba maalmood ah, kaasoo lagu ansixin doono Guddida cusub ee Doorashooyinka qaranka iyo Miisaaniyadda Qaranka.

 Xigasho: Wargayska Somalilandtoday