Guddoomiye CIRRO Oo Labadiisa Ku Xigeen Hor-dhigeen Qodobbadii Xeerka Diwaangelinta Ee Uu Wax Ka Beddelka Ku Sameeyay Iyo Jawaabta Laga Sugayo

(SLT-Hargeysa) – Shir-guddoonka Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa caddeeyay in Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) aanu kala tashanin qorshaha uu wax ka bedelay xeerkii diwangelinta Muwaadiniinta iyo cod-bixiyayaasha ee Golaha Guurtidu dib ugu celiyey Wakiilada.
Labada Guddoomiye ku xigeen ee Golaha Wakiilada Somaliland, Baashe Maxamed Faarax iyo Cali Yuusuf Axmed oo ka hadlayey kulan qado ahaa oo aqlabiyadda Mudanayaasha Golahaasi shalay ku yeesheen Huteelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa, ayaa sidoo kale sheegay in ilaa la saxo xeerka uu Guddoomiye Cirro shaasheeyay aaney suurtoobeyn in la meel-mariyo komishanka doorashooyinka qaranka, maadaama oo xeerkii ay ku shaqeyn lahaayeenba aanu weli ansax ahayn.

AEhv9AgaSr-xnX9W8E_JLZxDkmnNuiosKwn_NV00MoY4VDVYkGZht0ctQ6Y3sCIalbkLY6z35FTilaBWX36mWpt49wtAUHaNlKy0iwnq=w490-h220-nc

Guddoomiye ku xigeenka -1-aad ee Wakiilada Md. Baashe Maxamed Faarax oo ugu horeyn halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inay Guddoomiye Cirro u gudbiyeen xeerkii Guurtidu soo celisay ee uu hore wax ka beddelka ugu sameeyay “Guddoomiyaha waanu u dhiibnay sagaalka qodob ee qaldanaa, laakiin Komiishan baa la hor-taagan yahay iyo Madaxtooyadaa soo dhex gashay waxba kama jiraan, waayo Komishanka lama diidana oo waa la ogol yahay, laakiin waa in marka hore khilaafkii Golaha dhexdiisa ahaa meel la isla dhigaa, wixii intaa ka horeeya wax la ansixiyaa ma jiraan, ilaa xeerkii (Diwaangelinta) sidiisii loogu gudbiyo Golaha Guurtida”ayuu yidhi, waxaanu intaasi raaciyey “Golihii fasax ayuu ku jiraa, ilaa 8-da bisha 11-aadna arrintaasi (Qodobbada wax ka beddelka lagu sameeyay) waxay gacantiisa ku jireysaa Guddoomiyaha Golaha Wakiilada”
Md. Baashe Maxamed Faarax, waxa uu sheegay in arrintani aanay u baahnayn dhexdhexaadin “Cid dhex dhexaadin kartaa iyo cid kale oo ka hadli kartaana ma jirto inta Goluhu arrintooda dhameysanayaan”ayuu yidhi, waxaanu intaasi raaciyey isaga oo ka hadlaya baaq ay xildhibaanno Mucaarad ahi u direen caalamka “Xildhibaannada WADDANI ee raacsan Guddoomiyahooda waan maqlayey shalay (doraad) inay lahaayeen hala na soo dhex galo iyo ciidamo AMISOM ah hala keeno, waxaasi maaha wax loo dulqaadanayo, Somaliland faro-gelin laguma samaynayo, xildhibaannada yidhi AMISOM hala noo keeno iyo Xasan Sheekh ha nagu soo duulo, iyagaa ka jawaabi doona, waana khiyaamo qaran, waa qaran dumis ninka yidhaahda Somaliland hala keeno AMISOM” ayuu yidhi.
Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee Golaha Wakiilada Somaliland, Md. Cali Yuusuf Axmed oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “Waxay ahayd inaanu Guddoomiyaha la aragno xeerka loo gudbinayo Golaha Guurtida, oo aanu la saxno sidaana loogu gudbiyo, laakiin nasiib daro xeerkii la isku raacey ayaa wax laga bedalay, Guurtiduna markay ogaadeen ayay soo celiyeen waxayna yidhaahdeen xeerkani maaha kii Goluhu isku raacey ee soo saxa”
Ka Sakow hadallada labada dhinac warbaahinta isku marinayaan, Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa toddobaadkii hore sheegay in wixii qaladaad iyo khilaaf ah ee golaha dhexdiisa ka jira uu goluhu xallisanayo, inkasta oo aanu carabka ku dhufan wax ka beddelka lagu eedeeyay inuu ku sameeyay xeerka diwaangelinta. Laakiin xildhibaannada Muxaafidka ah iyo dadweynaha reer Somaliland ayaa indhaha ku haya jawaabta uu Guddoomiye Cirro ka bixin doono qodobbada loo gudbiyey, maadaama oo laga sugayo inuu qirto inuu ku kacay khiyaamo qaran iyo in kale.

Xigasho: Wargayska Somalilandtoday