Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Oo Tacsi U Diray Eheladii Marxuum Ismaaciil Cabdiraxmaan Sheekh Cumar Warfaa.

(SLT-Hargaysa)Guddoomiyaha xisbul-xaakimka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi isaga oo ku hadlaya afka Guddiga Fulinta, Golaha Dhexe iyo guud ahaanba taageerayaasha xisbiga KULMIYE, waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyska, qaraabada, qaranka iyo shacabka Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Ismaaciil Cabdiraxmaan Sheekh Cumar Warfaa oo ku geeriyooday Magaalada Hargeysa 30/07/2016.

00000000000000000000000000000000000000000000000000000000000000000000000000

Guddoomiyuhu waxa uu marxuum Ismaaciil Cabdiraxmaan Sh. Cumar ku sifeeyey aqoonyahanka reer Somaliland ee muddada dheer ka soo shaqeeyey Qaramada Midoobay oo uu ka soo qabtay xilal sare. Waxa kaloo uu gacan wayn ku lahaa dib-u-dhiskii iyo halgankii dib u xoraynta dalka JSL.

Guddoomiyuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu jannadiisa Firdowsa ka waraabiyo, qoyska, qaraabada, qaranka, asxaabta iyo shacabkana uu Samir iyo Iimaan saadiq ah ka siiyo. Aamiin….Aamiin….Aamiin.

Xafiiska Warbaahinta ee xisbiga KULMIYE