Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Oo Sii Adkeeyay Musharaxnimada Madaxwaynaha, Kana Jawaabay Tuhunnada Mucaaradku Ka Qabaan Qabsoomidda Doorashada

(SLT-Hargeysa) – Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, Muuse Biixi Cabdi ayaa beeniyey in Madaxwaynuhu uu ka tanaasulay inuu ka qayb-galo doorashada Madaxtooyada Somaliland ee sanadka 2015-ka.
Guddoomiye Muuse, ayaa sidaasi saxaafadda u sheegay shalay, isaga oo intaasi ku daray in meel uu isagu joogay aanu Madaxweynuhu arrintaasi kaga hadal, isla-markaana gabo ahaanba aanu warkaasi jirin.

index
Muuse Biixi oo arrintaasi ka hadlaya ayaa yidhi “Shir aan joogay oo Madaxwaynuhu ka sheegay Go’aankaasi (Inuu Tartanka doorashada ka tanaasulay) ma jiro, meel aan joogay oo arrintaasi lagu soo qaadeyna ma jirto, sideedabana arrintaasi ma jirto”
Guddoomiyaha xisbul-xaakimka KULMIYE, Muuse Biixi Cabdi ayaa sidoo kale ka hadlay hadallo dhawaan ka soo yeedhay Guddoomiyaha xisbiga UCID, Faysal Cali Waraabe, kuwaasi oo nuxurkoodu ahaa in xukuumaddu aanay doonayn in doorashadu xilligeeda ku dhacdo.
Muuse Biixi, ayaa sheegay in xukuumadda iyo xisbiga KULMIYE aanay jirin wax imika kaga xidhan qabsoomidda doorashada, isla-markaana ay diyaariyeen dhammaan waxyaabihii dhankooda ku xidhnaa “Doorashada dib u dhaceeda iyo xilliga la qabanayo komiishanka doorashooyinka ayaa sharcigu siiyey oo ka hadli kara, iyagaana sharcigu siiyey inay cayimaan xilliga doorashadu dhacayso, haddey soo hor-mareyso iyo hadday dib u dhaceysaba, oo annagu faro-gelin maynno. Laakiin waxaanu caddeynaynaa xisbiga KULMIYE iyo xukuumaddiisa wixii hawl ah ee ku xidhnaa ee doorashada ku saabsanaa inaanu dhamaynay, haddey sharcigii tahay, komishankii waalla Magacaabay, dhaqaalihii waalla sameeyay”

Xigasho: Wargayska Somalilandtoday