Xisbiga KULMIYE Oo U Hoggaamiyo Muj: Muuse Biixi Cabdi Oo Hanbalyo U Diray Maalinta Shuhadada SNM.

 (SLT-Hargeysa) – Xisbiga talada Somaliland haya ee KULMIYE, ayaa hanbalyo u diray 30-guurada ka soo wareegtay maalintii shuhadada SNM, taas oo loo asteeyay 17/10/ Sannad kasta. Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, Muj: Muuse Biixi Cabdi oo kamid ahaa sarakiishi ugu saraysay ururkii SNM, ayaa hanbalyadan u hibeeyay Jimciyada Sooyaal. War-saxafadeed uu amuurtaas kaga hadlaayo oo nuqul kamid ahi soo gaadhay Shabakadda wararka ee Somalilandtoday.com ayaa u dhignaa sidan.

 Gudoomiyaha-Muuse-Biixi-Kulmiye-23

Ujeeddo; HAMBALYO GUDOOMIYE

Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Md Muuse Biixi Cabdi isagoo ku hadlaya magaciisa , ka hogaanka xisbiga, Gudida fulinta , Golaha Dhexe iyo dhamaan xubnaha iyo taageerayaasha xisbiga kulmiye wuxuu hambalyo iyo boogaadin u dirayaa dhamaan mujaahidiinta SNM, xasaskoodii , Agoomahii iyo dhamaan shacbi waynaha Jamhuuriyadda Somaliland, munaasibada xuska sanad guurada 30aad ee maalinta shuhadada SNM oo ku beegan 17/10/2014 .

Waxaanu Alle uga baryayaa intoodii dhimatay inuu u danbi dhaafo naxariistii jano ka waraabiyo, intooda xanuunsanaysana uu caafimaad dag-dag ah siiyo.

Isagoo qaran ahaana inagu boorinaya inay inaga go’naato, xuska iyo xaqiijinta himiladii qaran ee ay lahayd intii shahiiday, xanaanaynta intooda jilicda san iyo xurmaynta guud ahaan halgamayaashii SNM.

Gabagabadii wuxuu Alle inooga rajaynayaa inuu sanadkan kiisa inagu gaadhsiiyo bash-bash iyo barwaaqo.

Aamin Aamin Aamin

ALLAH                 MAHAD             LEH

Xog-Hayaha Guud ee Xisbiga Kulmiye

Md. Xasan siciid Yuusuf

Somalilandtoday Hargeysa Office

Contact@somalilandtoday.com